{"id":6529,"date":"2017-01-25T20:32:12","date_gmt":"2017-01-25T20:32:12","guid":{"rendered":"http:\/\/gacanlibaaxnews.com\/?p=6529"},"modified":"2017-01-25T20:32:12","modified_gmt":"2017-01-25T20:32:12","slug":"xisbiga-mucaaridka-ah-ee-waddani-oo-soo-bandhigay-aragtida-uu-ka-qabo-go%c2%92aamada-xukuumadu-ka-soo-saartay-sixir-bararka","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/?p=6529","title":{"rendered":"Xisbiga Mucaaridka Ah Ee Waddani Oo Soo Bandhigay Aragtida Uu Ka Qabo Go\u0092aamada Xukuumadu Ka Soo Saartay Sixir Bararka"},"content":{"rendered":"<p><strong>Xisbiga Mucaaridka Ah Ee Waddani Oo Soo Bandhigay Aragtida Uu Ka Qabo Go\u0092aamada Xukuumadu Ka Soo Saartay Sixir Bararka<\/strong><\/p>\n<p>Xisbiga mucaaridka ah ee Waddani ayaa soo bandhigay aragtida uu ka qabo go,aamadii ay xukuumadu ka soo saartay sixir bararka dalka jira.<\/p>\n<table border=\"1\" cellspacing=\"1\" cellpadding=\"1\" align=\"center\">\n<tbody>\n<tr>\n<td><img decoding=\"async\" src=\"http:\/\/hadhwanaagnews.ca\/attached\/IMG_6E8C0A-8F9940-C83DFC-8149B0-2CDC5D-1A8F03.png\" alt=\"\" \/><\/td>\n<\/tr>\n<\/tbody>\n<\/table>\n<p>War saxaafadeed uu ku saxeexan yahay xoghayaha maaliyada ee xisbiga Waddani Axmed Xuseen Fag Fagaash oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay Hadhwanaagnews \u00a0ayaa lagu \u00a0faah faahiyey aragtida uu xisbigu ka qabo go,aamada ka soo baxay xukuumada ee lagula tacaalayo sixir bararka, waxaanu war saxaafadeedkaasi u dhignaa sidan:-<\/p>\n<p>Sicir-bararku waa mid ka mid ah aafooyinka qaran ee ragaadiya dhaqaalaha dalalka, weliba kuwa dhaqaalohoodu soo korayo, waxa loo baahnaa in Xukuumadda Somaliland ka yeelato siyaasad cad oo isugu jirta waqtiga dhow iyo<\/p>\n<div><span id=\"MainContent_lblArticle2\"><span id=\"spnCOntent\">waqtiga dheerba.<\/span><\/span><\/div>\n<p>Aragtida Xisbiga ee Labada tallaabo ee xukuumaddu qaaday:<\/p>\n<p>1.\u00a0\u00a0\u00a0 Goynta sicirka Dollarka iyo Shilinka Somaliland.<\/p>\n<p>\u00b7\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0 Iyada oo qodobbada lagu aasaasay dastuurka ay saldhig u tahay ilaalinta suuqa xorta ah isla markaana qodobka 11<sup>aad<\/sup> farqaddiisa 1<sup>aad<\/sup> ay dammaanad-qaadayso suuqa xorta ah, xisbigu WADDANI wuxuu u arkaa in xukuumaddu la timaado qorshe cilmi-baadhis ku dhisan oo lagu xakamaynayo sicir-bararka, laguna dhowrayo suuqa xorta ah ee dastuurku dammaanad qaaday.<\/p>\n<p>\u00b7Xukuumadda waxa waajib ku ah in ay siyaasad joogto ah ku ilaaliso sicirka iyo suuqa oo aanay soo saarin go\u2019aamo hambabar ah, isla markaana ku dhisnayn cilmi-baadhis iyo aqoon.<\/p>\n<p>Si arrintani u noqoto mid hir-gasha waa in xukuumaddu qaaddaa tallaabooyin kabaya arrimahaas oo ay ka mid yihiin.<\/p>\n<p>\u00b7U soo celinta Baanka Dhexe awoodihiisa.<\/p>\n<p>\u00b7 Ma habboona in bangiga dhexe lagu maamulo digreetooyin maadaama uu bangiga dhexe leeyahay sharci u gaar ah.<\/p>\n<p>\u00b7 Soo celinta isticmaalka shilinka Somaliland iyo joojinta isticmaalka lacagaha\u00a0 qalaad.<\/p>\n<p>\u00b7 Xukuumaddu ha joojiso in ay cashuuraha ku qabato lacagaha qalaad<\/p>\n<p>\u00b7 Xukuumaddu ha joojiso in ay qandaraasyada ku jira miisaaniyadda qaranka ku bixiso lacagaha qalaad.<\/p>\n<p>\u00b7 \u00a0Si loo dhowro qiimaha lacagta Somaliland waa in la xakameeyaa \u00a0dabaacadda lacagaha xad-dhaafka ah ee la soo dabaaco ee\u00a0 suuqa la soo geliyo, \u00a0taas oo \u00a0ah sababta ugu weyn ee sicir-bararka.<\/p>\n<p>\u00b7 \u00a0U soo celinta baanka dhexe maamulka lacagta adag, sidii xukuumadda KULMIYE u timi lacagta Dollarka\u00a0 ah Baanka Dhexe ma maamulo ee Wasaaradda Maaliyadda ayaa Maamusha.<\/p>\n<p>Sidaas darted, Baanku ma xakameyn karo sarifka lacagta maadama oo aanu maamulin wax dollar ah.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>2.\u00a0\u00a0\u00a0 ZAAD iyo E-dahabku waxay la mid yihiin \u00a0adeegyo dunida meelo badan laga isticmaalo,\u00a0 waxayna ka mid yihiin arrimaha ka qayb-qaata horumarinta iyo firfircooni-gelinta dhaqaalaha ee lagu ammaanay Somaliland. Waa adeegyo shacbigu u baahan yahay, gaar ahaan danyarta joogta meelaha ka \u00a0baxsan magaalooyinka. Badbaadada shacbiga ayey ZAAD iyo E-Dahabku\u00a0 ka qayb qaateen xiligii abaarta ee lagu jirey gurmadka iyo samata-bixinta shacbiga.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>Lama caddeyn in adeegyada ZAAD iyo E-Dahab wax xidhiidh ah la leeyihiin Sicir-bararka. Ma habboona meel aan cudurku ool in laga baadho, arrintaasi cilmi-baadhis iyo hubsiimo ayey u baahan tahay. Hab-dhaqanka hanjabaadda ah ee \u00a0xukuumaddu kula dhaqmeyso shirkadaha waddaniga ah \u00a0\u00a0waa in la joojiyaa.<\/p>\n<p>Shirkadaha Dahabshiil, Telesom iyo kuwa la midka ahi kobcinta dhaqaalaha, shaqo-abuurka, maal- gelinta, kaalmada mashaariicda horumarinta iyo gurmadka abaaraha\u00a0 waxay kaga jiraan kaalin aan la dafiri Karin.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>Sida uu dhigayo qodobka 25<sup>aad<\/sup> farqaddiisa 1<sup>aad<\/sup> ee dastuurka JSL qofna xoriyaddiisa loogama qaadi karo si aan sharciga waafaqsanayn. Sidaa darteed, Xisbiga WADDANI wuxuu ka soo hor-jeedaa ganacsatada la xidhxidhay, waxana uu dalbanayaa in sida ugu dhaqsaha badan xoriyaddooda loogu soo celiyo.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>_______________________<\/p>\n<p>Md. Axmed Xuseen Fagfagaash<\/p>\n<p>Xoghayaha Maaliyadda Xisbiga WADDANI<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Xisbiga Mucaaridka Ah Ee Waddani Oo Soo Bandhigay Aragtida Uu Ka Qabo Go\u0092aamada Xukuumadu Ka Soo Saartay Sixir Bararka Xisbiga mucaaridka ah ee Waddani ayaa soo bandhigay aragtida uu ka qabo go,aamadii ay xukuumadu ka soo saartay sixir bararka dalka jira. War saxaafadeed uu ku saxeexan yahay xoghayaha maaliyada ee xisbiga Waddani Axmed Xuseen Fag [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":2,"featured_media":6530,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[2],"tags":[],"class_list":["post-6529","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/6529","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/2"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=6529"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/6529\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":6531,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/6529\/revisions\/6531"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/6530"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=6529"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=6529"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=6529"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}