{"id":660,"date":"2016-08-31T06:21:05","date_gmt":"2016-08-31T06:21:05","guid":{"rendered":"http:\/\/gacanlibaaxnews.com\/?p=660"},"modified":"2016-08-31T06:21:05","modified_gmt":"2016-08-31T06:21:05","slug":"afhayeenkii-ururka-is-abu-muhammed-al-adnani-oo-lagu-diley-dalka-siiriya","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/?p=660","title":{"rendered":"Afhayeenkii ururka IS Abu Muhammed al-Adnani oo lagu diley dalka Siiriya"},"content":{"rendered":"<p>Hargeysa(GLN)_Afhayeenkii ururka IS Abu Muhammed al-Adnani ayaa lagu diley dalka Siiriya sida ay shaaciyeen warbaahinta taageerta ururka la magac baxay Dowlada Islaamiga ah ama IS.<span id=\"more-53641\"><\/span><\/p>\n<p>war Qoraal ah oo lagu faafiyay wakaalada wararka ee Amaq oo taageerta IS ayaa lagu sheegay in Abu Muhammad al-Adnani lagu diley gobolka Xalab ee dalka Siiriya.<\/p>\n<p>\u201cWaxa uu shahiiday isagoo sahminaya howlgalo loogaga difaacayo Xallab ololaha militariga ee ku soo wajahan.\u201dayaa lagu yiri qoraalka. Hase yeeshee qoraalka Amaq laguma sheegin xilliga iyo qaabka loo diley Adnani oo ay dowlada Maraykanka madaxiisa dul dhigtey lacag gaareysa 5malyan oo dollar.<\/p>\n<p>Adnan ayaa la sheegay in uu kamid ahaa aasaasayaashii ururka IS isla markaana uu ka dambeeay weeraro lagu qaaday qaarada yurub iyo meelo kalaba. Adnani ayaa sida la sheegay ka mid ahaa saddex ruux oo ka hartay 43 ruux oo aasaastay ururka IS.<\/p>\n<p>Hase yeeshee sarkaal u hadlay ciidamada Maraykanka ayaa sheegay in ciidamada isbahaysiga uu hogaamiyo Maraykanka ay weerar duqeyn ah ku qaadeen talaadadii dalka Siiriya iyagoo bartilmaameedsanayay hogaamiye sare oo ka tirsan IS halka lagu magacaabo al-Bab oo ka tirsan Xallab. \u201cWaxaan qiimeynaynaa hadda natiijadii ka dhalatay weerarka ,\u201d ayuu sii raaciyay.<\/p>\n<p>Adnani oo ahaa afhayeenkii ururka IS, waxana uu madax ka ahaa ururka IS ee dalka Siiriya iyadoo markii ugu dambeysay waxa uu soo saaray fariirn maqal ah bishii May ee sanadkan isagoo ugu baaqayay muslimiiinta inay weeraraan wadamada reer galbeedka.<\/p>\n<p>Abu Muhhamad al-Adnani ayaa ku dhashay Taha Sobhi Falaha oo ku taal Waqoyiga Siiriya in the northern Syrian town of Banash in 1977.<\/p>\n<p>Adnani ayaa ka mid ahaa dagaalyahanadii aan u dhalan dalka Ciraq ee ka soo horjeestay duulaankii ciidamadii uu hogaaminayay Maraykanka ay ku qaadeen dalka Ciraq sanadkii\u00a0 2003.<\/p>\n<p>Dilka Adnani ayaa ku soo beegantay dhowr toddobaad kadib markii duqeyn ay diyaaradaha droneska fuliyeen lagu diley hogaamiyihii ururka IS ee dalalka Afghanistan iyo Pakistan Hafiz Saeed Khan.<\/p>\n<p><a href=\"http:\/\/www.jowhar.com\/wp-content\/uploads\/2016\/08\/adnani.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"aligncenter size-full wp-image-53642\" src=\"http:\/\/www.jowhar.com\/wp-content\/uploads\/2016\/08\/adnani.jpg\" alt=\"adnani\" width=\"583\" height=\"325\" \/><\/a><\/p>\n<p><a href=\"http:\/\/www.jowhar.com\/wp-content\/uploads\/2016\/08\/adnani1.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"aligncenter size-full wp-image-53643\" src=\"http:\/\/www.jowhar.com\/wp-content\/uploads\/2016\/08\/adnani1.jpg\" alt=\"adnani1\" width=\"660\" height=\"371\" \/><\/a><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Hargeysa(GLN)_Afhayeenkii ururka IS Abu Muhammed al-Adnani ayaa lagu diley dalka Siiriya sida ay shaaciyeen warbaahinta taageerta ururka la magac baxay Dowlada Islaamiga ah ama IS. war Qoraal ah oo lagu faafiyay wakaalada wararka ee Amaq oo taageerta IS ayaa lagu sheegay in Abu Muhammad al-Adnani lagu diley gobolka Xalab ee dalka Siiriya. \u201cWaxa uu shahiiday [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":2,"featured_media":661,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[2],"tags":[],"class_list":["post-660","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/660","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/2"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=660"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/660\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":662,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/660\/revisions\/662"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/661"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=660"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=660"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=660"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}