{"id":6611,"date":"2017-01-28T14:43:40","date_gmt":"2017-01-28T14:43:40","guid":{"rendered":"http:\/\/gacanlibaaxnews.com\/?p=6611"},"modified":"2017-01-28T14:43:40","modified_gmt":"2017-01-28T14:43:40","slug":"madaxweynaha-somaliland-oo-magacaabay-guddi-ka-soo-tala-bixisa-waxyaabaha-sababay-qiime-dhaca-lacagta-somaliland","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/?p=6611","title":{"rendered":"Madaxweynaha Somaliland Oo Magacaabay Guddi Ka Soo Tala Bixisa Waxyaabaha Sababay Qiime Dhaca Lacagta Somaliland"},"content":{"rendered":"<p><strong>adaxweynaha Somaliland Oo Magacaabay Guddi Ka Soo Tala Bixisa Waxyaabaha Sababay Qiime Dhaca Lacagta Somaliland<\/strong><\/p>\n<p align=\"center\"><strong><u>WAR-SAXAAFADEED<\/u><\/strong><\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>Madaxweynaha JSL Mudane Axmed Maxamed Silanyo:<\/p>\n<p>\u00b7\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0Isagoo gudanaya Xilka iyo Masuuliyadda Distooriga ah ee Xukuumadiisa ka saaran ilaalinta iyo la socodka qiimaha Shilinka Somaliland oo ah lacagta Sharciga ah ee uu Qarankani leeyahay;<\/p>\n<p>\u00b7\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0Isagoo ay ka go\u2019antahay in si rasmi ah loola dagaalamo Qiima-dhaca Shilinka Somaliland;<\/p>\n<p>\u00b7\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0Isagoo gudanaya masuuliyadda Xukuumadiisa ka saaran ilaalinta ascaarta suuqyada iyo la dagaallanka Sicir-bararka;<\/p>\n<p>\u00b7\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0Isagoo ogsoon saamaynta taban (xag dhaqaale, xag bulsho, xag siyaasadeed iyo xag naba-gelyo) ee ay Qaranka ku yeelan karaan haddii aan si deg-deg ah wax looga qaban Xaaladahan is-barkan ee Qiima-dhaca Shilinka iyo Sicir-bararka ba\u2019an ee dalka ka jira;<\/p>\n<p>Wuxuu magacaabay Guddi heer Qaran ah oo ka kooban Wasaaradda Maaliyadda, Wasaaradda<\/p>\n<div><span id=\"MainContent_lblArticle2\"><span id=\"spnCOntent\">Ganacsiga iyo Baanka Dhexe ee JSL oo si qoto dheer u soo baadha kana soo talo bixiya\u00a0wixii lagu xallili karo Qiima-dhaca Shilinka iyo Sicir-bararka dalka ka jira.\u00a0Madaxweynuhu wuxuu Guddidaa faray\u00a0inay xog buuxda oo waafiya ka soo siiyaan si loogu go\u2019aan qaato.<\/span><\/span><\/div>\n<p>Haddaba, Shirkii aan caadi ahayn ee ay yeesheen Golaha Wasiirradu 24.01.2017, Guddidii uu Madaxweynuhu u saaray ka soo talo-bixinta Qiima-dhaca Shilinka iyo Sicir-bararka dalka ka jira waxay Golaha ka\u00a0hor akhriyeen kuna soo bandhigeen Daraasad qoto dheer oo ay ku sameeyeen sabaha ugu wacan Qiima-dhaca Shilinka Somaliland iyo arrimaha uu salka ku hayo Sicir-bararka dalka ka jira. Goluhu wuxuu dood dheer oo waqti badan qaadatay ka yeeshay talooyinkii ay Guddidu hor keeneen, taasoo ay soo jeediyeen Wasiirro badan iyo Maamulka sare ee Baanku oo ay dhammaantoodba ku odorosayeen fikirkooda iyo aragtidoodu ku aaddan sida ama qaabka ugu habboon ee loo waajahayo\u00a0Qiima-dhaca Shilinka iyo Sicir-bararka dalka ka jira.<\/p>\n<p>Go\u2019aanada ay Xukuumaddu u aragto Xalka deg-degga ah ee muddada dhow ee ay Guddidu hor keentay Golaha Wasiirrada, si aan loo kala hadhina ay ugu codeeyeen, Madaxweynuhuna uu DIGREETO ku soo saaray waxay ahaayeen 17 Qodob oo muhiim ah oo aan cidna loogu danaynayn ama aan cid si gaar ah loo bar-tilmaameedsanayn, balse saamayn toos ah ku yeelan doona nolosha shacab-weynaha JSl. Qodobadaasi waxa ka mid ahaa:<\/p>\n<p>1.\u00a0\u00a0\u00a0Isticmaal la&#8217;aanta lacagta qaranku waa dembi. Sidaa darteed, waa waajib Qaran in dhammaan muwaadiniinta iyo shisheeyaha ku nool Jamhuuriyadda Somaliland, ay si rasmi ah u adeegsadaan, waxna ku iibiyaan waxna ku iibsadaan lacagta dalka. Cid kasta oo ka hortimaadda dhaqan-galkeeda iyo isticmaalkeeda, waxaa laga qaadayaa tallaabo adag oo sharciga waafaqsan.<\/p>\n<p>2.\u00a0\u00a0\u00a0Waxaa reebban in shaqaale weynaha dawladda, ciidammada iyo madaxda kala duwan ee qaranku ay ku beddelaan mushaharkooda lacagta Dollar-ka. Sidoo kale, waxaa reebban in sarriflyaashu wax ku beddelaan ama lacagaha qalaad ku sarrifaan Baanka Dhexe iyo Laamaha Gobollada, ama agagaarkooda.<\/p>\n<p>3.\u00a0\u00a0\u00a0Waxaa la mamnuucay in aanu sarrifka Dollar-ku dhaafi karin\u00a0<strong><a href=\"http:\/\/sl.sh\/=7,000\" target=\"_blank\">SL.SH\/=7,000<\/a>\u00a0(Toddoba Kun oo Somaliland Shillings).<\/strong><\/p>\n<p>4.\u00a0\u00a0\u00a0In Shirkadaha waaweyn ee leh Bangiyada gaarka ah (Private Banks) sida:\u00a0<u>Dahabshiil Group<\/u>iyo\u00a0<u>Telesom Group<\/u>\u00a0ay si rasmi ah u joojiyaan Isku-Beddelka Lacagaha Qalaad (<em><u>Foreign Money Exchange<\/u><\/em>). Sidoo kale, Ganacsatada waaweyn ee waxna dhoofisa waxna soo dejisa, sida:<u>Oomaar International Company<\/u>,\u00a0<u>Deero Group<\/u>\u00a0iwm, aanay iyaguna si toos ah iyo si dadban toona uga ganacsan karin Isku-Beddelka Lacagaha.<\/p>\n<p>5.\u00a0\u00a0\u00a0In Shirkadaha Telesom Group iyo Dahabshiil Group ee leh adeegyada Zaad iyo E-Dahab (<u>Zaad and E-Dahab Services<\/u>) ay joojiyaan lacagaha US Dollarka ah ee lagu shubayo Telefoonadooda Gacanta wixii ka yar $100 (<em><u>Two digits<\/u><\/em>), isla markaana ay ka saaraan system-kooda US Dollarka.<\/p>\n<p>6.\u00a0\u00a0\u00a0Si kor loogu qaado loona dhiirri geliyo Isticmaalka Shilinka Somaliland, waa in Shirkadaha Telesom iyo Dahabshiil adeegyadooda Zaad-ka iyo E-Dahab-ka ay ka dhigaan ku-shubashada iyo ku-kaydsiga lacageed mid aan xad lahayn.<\/p>\n<p>7.\u00a0\u00a0\u00a0Sida ku cad Qodobka 32-aad ee Xeerka Baanka Dhexe ee JSL, Lacagta Sharciga ah ee uu Dalkani leeyahay (<em><u>Legal Tender<\/u><\/em>) waa Shilinka Somaliland. Sidaa dareteed, Ganacsatada bixisa adeegyada kala duwan (Service Providers) iyo kuwa ka ganacsada alaabaha (<em><u>Purchasing Goods<\/u><\/em>) ay iibkooda ku saleeyaan Shilinka Somaliland. Sidoo kale, bixinta kharshyada ama biilasha la isticmaalo bishii sida Ajuurada Waxbarashada (School fees), Bixinta Nalka, Biyaha, Kirada Guryaha, ku shubashada telefoonka gacanta; waa in dhammaantoodba lagu saleeyo Shilinka Somaliland.<\/p>\n<p>8.\u00a0\u00a0\u00a0In Bangiyada Gaarka loo leeyahay (<em><u>Private Banks<\/u><\/em>) ay Macaamiishooda u furaan Xisaabaha Shilinka Somaliland, maadaama ay tahay Lacagta Sharciga ah ee dalku leeyahay.<\/p>\n<p>9.\u00a0\u00a0\u00a0Guddidu iyadoo gar-waaqsan sida uu dhigayo Xeerka Baanka Dhexe ee JSL, Cutubka 2-aad, Qodobkiisa 4-aad, Farqadiisa 4-aad, Xarfaha B, T &amp; J; waxay Guddidu lagama maarmaan u arkaan in la xoojiyo lana tayeeyo Awooda Baanka Dhexe ee JSL uu ku fulinayo Waajibaadka uu u aasaasan yahay, oo ah:<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p><strong>a)\u00a0\u00a0<\/strong>Inuu sameeyo, qaato isla markaana uu fuliyo Siyaasdda Lacagta Somaliland (<em><u>Somaliland Monetary Policy<\/u><\/em>).<\/p>\n<p><strong>b)\u00a0\u00a0<\/strong>Inuu sameeyo, qaato isla markaana uu fuliyo Siyaasdda Sarrifka Lacagaha Qalaad iyo Nidaamka Lacaga la isugu beddelo dalka JSL (<em><u>Foreign Money Exchange &amp; Currency Trading Policy<\/u><\/em>).<\/p>\n<p><strong>c)\u00a0\u00a0<\/strong>Inuu hayo oo uu maamulo Kaydka Lacagaha Qalaad ee Dalkeena.<\/p>\n<p><strong>d)\u00a0\u00a0<\/strong>In Baanka Dhexe ee JSL uu yahay Hay\u2019adda Qaranka u xil saaran ruqsad siinta, kor-joogidda iyo kala noqoshada ruqsadaha ka ganacsiga lacagta, ciddii ku xad-gudubta sharciga.<\/p>\n<p>Haddaba, maadaama loo baahan yahay in si deg-dega loo hirgeliyo qorshahan, waxaan hirgelinta iyo dabagalka hawshan u magaacabay masuuliyiintan soo socda:<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>1.\u00a0\u00a0\u00a0Guddoomiyaha Baanka Dhexe ee JSL.<\/p>\n<p>2.\u00a0\u00a0\u00a0Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda.<\/p>\n<p>3.\u00a0\u00a0\u00a0Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada.<\/p>\n<p>4.\u00a0\u00a0\u00a0Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha.<\/p>\n<p>5.\u00a0\u00a0\u00a0Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Maalgashiga Caalamiga ah.<\/p>\n<p>6.\u00a0\u00a0\u00a0Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>Ugu dambayn, Madaxweynaha JSL Mudane Axmed Maxamed Silanyo wuxuu si adag u faray dhammaan masuuliinta ay warqaddani sida tooska ah iyo sida dadbanba ugu socoto, in ay meelmariyaan, fuliyaanna go&#8217;aamadan ka soo baxay Golaha Wasiirrada JSL, isla markaana ay sharciga la tiigsadaan cid kasta oo ka hor-timaadda dhagan-galkooda.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p><strong>ALLAA MAHAD IYO MUDNAANBA LEH<\/strong><\/p>\n<p><strong><em>Xuseen Adan Cige (Deyr)<\/em><\/strong><\/p>\n<p><strong><em>Afhayeenka Madaxweynaha JSL<\/em><\/strong><strong>,<\/strong><\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>adaxweynaha Somaliland Oo Magacaabay Guddi Ka Soo Tala Bixisa Waxyaabaha Sababay Qiime Dhaca Lacagta Somaliland WAR-SAXAAFADEED &nbsp; Madaxweynaha JSL Mudane Axmed Maxamed Silanyo: \u00b7\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0Isagoo gudanaya Xilka iyo Masuuliyadda Distooriga ah ee Xukuumadiisa ka saaran ilaalinta iyo la socodka qiimaha Shilinka Somaliland oo ah lacagta Sharciga ah ee uu Qarankani leeyahay; \u00b7\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0Isagoo ay ka go\u2019antahay in [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":2,"featured_media":6612,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[2],"tags":[],"class_list":["post-6611","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/6611","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/2"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=6611"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/6611\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":6613,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/6611\/revisions\/6613"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/6612"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=6611"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=6611"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=6611"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}