{"id":6640,"date":"2017-01-29T11:25:23","date_gmt":"2017-01-29T11:25:23","guid":{"rendered":"http:\/\/gacanlibaaxnews.com\/?p=6640"},"modified":"2017-01-29T11:25:23","modified_gmt":"2017-01-29T11:25:23","slug":"is-barbardhig-gidaarka-trump-iyo-kuwa-kale-ee-caalamka-caanka-ka-ah","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/?p=6640","title":{"rendered":"Is barbardhig: Gidaarka Trump iyo kuwa kale ee caalamka caanka ka ah"},"content":{"rendered":"<p class=\"story-body__introduction\">Madaxweyne Trump wuxuu amray dhismaha gidaarka xuduudda u dhexeysa Mexico iyo Mareykanka.<\/p>\n<p>Wuxuu jooggiisa noqondoonaa sagaal illaa 16 mitir, wuxuuna ahaan doonaa mid aad u adag.<\/p>\n<p>Jamhuuriyiinta waxay sheegayaan in uu gidaarka ka hor istaagayo dadka Mexico inay si sharcidaro ah ku galaan Mareykanka.<\/p>\n<p><a class=\"story-body__link\" href=\"http:\/\/www.bbc.com\/somali\/war-38592088\">Mexico iyo Trump oo isku haysta qarashka derbiga<\/a><\/p>\n<p><a class=\"story-body__link\" href=\"http:\/\/www.bbc.com\/somali\/war-38752295\">Madaxweynaha Mexico oo baajiyay kulan uu la qaadan lahaa Trump<\/a><\/p>\n<p>Hadda waxaa xududda ka dhisan derbi lagu xakameynayo dhaqdhaqaaqa, dadka qaar ee ehelka ah waxay ka sheekeystaan halkaas ayagoo labada dhinac kala jooga.<\/p>\n<figure class=\"media-landscape has-caption full-width\"><figcaption class=\"media-caption\"><span class=\"off-screen\">Image caption<\/span><span class=\"media-caption__text\">Halkan waa xuduudda San Diego, waxaa la ogolyahay in saaxiibada iyo qaraabada ay ka wada sheekeystaan.<\/span><\/figcaption><\/figure>\n<p>Waxaa hadaba jiro gidaarro badan oo xilliya hore la dhisay si dalal loogu kala qeybiyo.<\/p>\n<p>Sidey isku mid u yihiin midka Trump uu doonayo inuu ka dhiso xuduudda Mexico iyo Mareykanka iyo kuwii horey loo dhisay:<\/p>\n<h2 class=\"story-body__sub-heading\">Waxaa laga joogaa 27-sano markii la dumiyay derbigii Berlin<\/h2>\n<p>Anagoo eegeyna saameyntii uu lahaa, aan ka bilowno gidaarkii Berlin, Jarmalka<\/p>\n<p>Sanadkii 1950-kii Jarmalka waxaa loo kala qeybiyay Bari iyo Galbeed.<\/p>\n<figure class=\"media-landscape has-caption full-width\"><figcaption class=\"media-caption\"><span class=\"off-screen\">Image caption<\/span><span class=\"media-caption__text\">Berlin waxay ka mid ahayd Bariga Jermalka, meeshii uu Soviet-ka maamuli jiray, sidoo kale magaalada afar ayey u qeybsaneed, afar dal ayaana kala maamulijiray.<\/span><\/figcaption><\/figure>\n<p>Dadkii deganaa qeybtii ay haysan jireen Mareykanka, Fransiiska, iyo Britain, ayaa waxay subixii ku soo tooseen xeyndaab. Waxaa lagu kala qeybiyay Bariga iyo Galbeedka Berlin.<\/p>\n<p><a class=\"story-body__link\" href=\"http:\/\/www.bbc.com\/somali\/war-38765272\">Trump oo canshuur dheeraad ah saaray alaabta Mexico<\/a><\/p>\n<p><a class=\"story-body__link\" href=\"http:\/\/www.bbc.com\/somali\/war-38739178\">Mexico oo qeexday qaabka ay Trump ula dhaqmeyso<\/a><\/p>\n<p>Markii hore, gidaar iska caadi ah buu ahaa, balse markii dambe wuxuu yeeshay saameyn kale, waxaana laga dhigay 3.6m joogiisa.<\/p>\n<p>jiifkiisana wuxuu ahaa 66km oo lagu kala jaray guud ahaan Berlin.<\/p>\n<figure class=\"media-landscape has-caption full-width\"><figcaption class=\"media-caption\"><span class=\"off-screen\">Image caption<\/span><span class=\"media-caption__text\">Gidaarkii Berlin<\/span><\/figcaption><\/figure>\n<h2 class=\"story-body__sub-heading\">Derbiga Trump wuxuu noqon doonaa midka ugu dheer, balse maahan midka ugu dheeraa taariikhda.<\/h2>\n<p>Xuduudda u dhexeysa Mareykanka iyo Mexico waxay gaareysaa 3,000km.<\/p>\n<p>Hadaba, xittaa haddii Trump uu burburiyo buuraha si uu u dheereeyo, wuxuu gidaarkiisa la mid noqonkaraa midka Shiinaha ee loo yaqaano &#8220;Great Wall&#8221;.<\/p>\n<figure class=\"media-landscape has-caption full-width\"><figcaption class=\"media-caption\"><span class=\"off-screen\">Image caption<\/span><span class=\"media-caption__text\">gidaarkii ugu joogga dheeraa<\/span><\/figcaption><\/figure>\n<p>Joogka gidaarka Shiinaha way adagtahay in la sheego, balse waxaa la isku raacay injiifkiisu ahaa 20,000km. Waxaa laga arki karaa buuraha dushooda, dadka diyaaradaha saaranna way arki karaan.<\/p>\n<p>Meelaha qaar, joogiisu wuxuu yahay todobo mitir.<\/p>\n<p><a class=\"story-body__link\" href=\"http:\/\/www.bbc.com\/somali\/war-38592069\">Trump oo weeraray sirdoonka iyo saxafiyiinta<\/a><\/p>\n<p><a class=\"story-body__link\" href=\"http:\/\/www.bbc.com\/somali\/war-37924958\">Muxuu Trump qaban doonaa marka ugu horaysa?<\/a><\/p>\n<figure class=\"media-landscape has-caption full-width\"><figcaption class=\"media-caption\"><span class=\"off-screen\">Image caption<\/span><span class=\"media-caption__text\">Gidaarka Shiinaha<\/span><\/figcaption><\/figure>\n<h2 class=\"story-body__sub-heading\">Hadaba, gidaarka Trump wuxuu ku xiran yahay go&#8217;aankiisa<\/h2>\n<p>Madaxweynaha ma go&#8217;aansan karo heerka joogga gidaarka uu noqonayo, balse wuxuu sheegay inuu ka doonayo inuu 16-mitir noqdo. Kaasi wuxuu aad uga dheeraan karaa basaska seddaxda dabaq ah.<\/p>\n<figure class=\"media-landscape has-caption full-width\"><figcaption class=\"media-caption\"><span class=\"off-screen\">Image caption<\/span><span class=\"media-caption__text\">Gidaarka ugu jooga dheer<\/span><\/figcaption><\/figure>\n<p>Gidaarka Hadrian, kaas oo boqortooyadii Hadrian ay dhistay sanadkii 122 AD, wuxuu joogiisa ahaa illaa 10 mitir.<\/p>\n<p><a class=\"story-body__link\" href=\"http:\/\/www.bbc.com\/somali\/war-37974748\">Ficillada nacaybka miyey kordhayaan ka dib guushii Trump?<\/a><\/p>\n<p><a class=\"story-body__link\" href=\"http:\/\/www.bbc.com\/somali\/war-38693813\">Shan arrimood oo Trump uu ku sheegay Soomaalida<\/a><\/p>\n<p>Sidoo kale waxaa lagu xiray dhul gaaraya 117km, wuxuu kala qeybinayay England iyo Scotland.<\/p>\n<p>Sources;Bbcsomali<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Madaxweyne Trump wuxuu amray dhismaha gidaarka xuduudda u dhexeysa Mexico iyo Mareykanka. Wuxuu jooggiisa noqondoonaa sagaal illaa 16 mitir, wuxuuna ahaan doonaa mid aad u adag. Jamhuuriyiinta waxay sheegayaan in uu gidaarka ka hor istaagayo dadka Mexico inay si sharcidaro ah ku galaan Mareykanka. Mexico iyo Trump oo isku haysta qarashka derbiga Madaxweynaha Mexico oo [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":2,"featured_media":6641,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[2],"tags":[],"class_list":["post-6640","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/6640","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/2"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=6640"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/6640\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":6644,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/6640\/revisions\/6644"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/6641"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=6640"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=6640"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=6640"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}