{"id":6722,"date":"2017-01-31T14:24:24","date_gmt":"2017-01-31T14:24:24","guid":{"rendered":"http:\/\/gacanlibaaxnews.com\/?p=6722"},"modified":"2017-01-31T22:25:20","modified_gmt":"2017-01-31T22:25:20","slug":"madaxweynaha-somaliland-oo-amar-ku-bixiyay-in-la-joojiyo-hawlgelinta-shaqaalaha-dawladda-iyo-ciidamada-ku-jira-miisaaniyadda-2017","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/?p=6722","title":{"rendered":"Madaxweynaha Somaliland Oo Amar Ku Bixiyey In La Hakiyo Hawlgelinta Shaqaalaha Dawladda Iyo Ciidanka Ku Jira Miisaainayadda 2017"},"content":{"rendered":"<p><span style=\"color: #000000;\">Hargeysa (GLN)- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa amar uu soo saaray wuxuu ku hakiyey in si rasmi ah loo hawlgeliyo shaqaalaha dawladda iyo ciidamada dalka ee ku jira miisaaniyadda sannadka 2017. Qoraalka ayaa ku taariikhaysnaa January 24, 2017.<\/span><\/p>\n<p><span style=\"color: #000000;\">Qoraalkan Madaxweyne Siilaanyo oo lagu socodsiiyay wasaaradaha maaliyadda, arrimaha gudaha, madaxtooyada, ganacsiga, xeer ilaaliyaha guud, guddoomiyaha baanka iyo xisaabiyaha guud ee qaranka, wuxuu Madaxweyne Siilaanyo ku sheegay in golaha wasiiradu shirkii ay ka yeesheen joojinta sicir bararka ay ku go\u2019aamiyeen in la qaado talaabooyin deg deg ah oo lagaga hortagayo sicir bararka iyo qiime dhacabka lacagta Somaliland. Madaxweyne Siilaanyo oo go\u2019aamadii golaha wasiirada tixraacaya wuxuu taxay 17 qodob oo ah go\u2019aamo uu sheegay inay tahay waajib qaran in la fuliyo, kuwaas oo ay ku jiraan kuwii ay dawladdu hore warbaahinta ugu sheegtay ee khuseeyay shirkadaha Isgaadhsiinta iyo xawaaladaha ee ahaa adeegyada Zaad iyo E-dahab iyo sarrifka lacagaha qalaad.<\/span><\/p>\n<p><span style=\"color: #000000;\">17-ka qodob ee uu Madaxweynuhu qoraalkan ugu gudbiyay hay\u2019adaha qaranka, waxa ka mid ah, qodob cusub oo aanay dawladdu hore u baahin oo ku saabsan qaadashada shaqaalaha cusub iyo ciidamada cusub ee ku jira miisaaniyada 2017. \u201cWaa in la hakiyo saddex biloodka ugu horeeya ee soo socda hawlgelinta shaqaalaha iyo ciidamada cusub ee ku jira miisaaniyadda sannadka 2017.\u201d ayuu ku yidhi Madaxweyne Siilaanyo qoraalkiisa.<\/span><\/p>\n<p><span style=\"color: #000000;\">Qodobkan oo aanu Madaxweynuhu wax faahfaahin ah raacin, ayaan la garanayn sida uu saamayn ugu yeelanayo sicir bararka iyo qiime dhaca lacagta Somaliland maadaama oo uu khuseeyo shaqaale cusub oo ka mid noqonaya shaqaale weynaha dawladda oo qaarkood sooba saari kara dakhli cusub marka ay hawlgalaan.<\/span><\/p>\n<p><span style=\"color: #000000;\">Ugu dambayn wuxuu Madaxweyne Siilaanyo hay\u2019adaha ammaanka ee dalka faray inay talaabo adag ka qaadaan cid kasta oo ka hortimaada fulinta qodoban 17-ka ah. \u201cUgu dambayn waxaan farayaa dhammaan masuuliyiinta ay warqadani sida tooska ah iyo sida dadbanba ugu socoto inay meelmariyaan fuliyaana go\u2019aanadan ka soob axay golaha wasiirada JLS, islamarkaana ay sharciga la tiigsadaan cid kasta oo ka hortimaada dhaqan galkooda.\u201d ayuu ku yidhi Madaxweynuhu qoraalkiisa oo uu si adag ugaga digay in la isticmaalo lacag aan ahayn lacagta Somaliland.<\/span><\/p>\n<p><span style=\"color: #000000;\"><a style=\"color: #000000;\" href=\"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/wp-content\/uploads\/2017\/01\/SIN.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-6723\" src=\"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/wp-content\/uploads\/2017\/01\/SIN.jpg\" alt=\"\" width=\"289\" height=\"174\" \/><\/a><\/span><\/p>\n<p><span style=\"color: #000000;\">Gacanlibaaxnews.com<\/span><\/p>\n<p><span style=\"color: #000000;\">News-Desk<\/span><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Hargeysa (GLN)- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa amar uu soo saaray wuxuu ku hakiyey in si rasmi ah loo hawlgeliyo shaqaalaha dawladda iyo ciidamada dalka ee ku jira miisaaniyadda sannadka 2017. Qoraalka ayaa ku taariikhaysnaa January 24, 2017. Qoraalkan Madaxweyne Siilaanyo oo lagu socodsiiyay wasaaradaha maaliyadda, arrimaha gudaha, madaxtooyada, ganacsiga, xeer ilaaliyaha guud, [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":2,"featured_media":6723,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[2],"tags":[],"class_list":["post-6722","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/6722","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/2"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=6722"}],"version-history":[{"count":4,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/6722\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":6734,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/6722\/revisions\/6734"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/6723"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=6722"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=6722"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=6722"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}