{"id":6941,"date":"2017-02-06T19:16:17","date_gmt":"2017-02-06T19:16:17","guid":{"rendered":"http:\/\/gacanlibaaxnews.com\/?p=6941"},"modified":"2017-02-06T19:16:17","modified_gmt":"2017-02-06T19:16:17","slug":"qiso-dhab-ah-isa-seegii-sheekh-weli-iyo-walkaalkii-waaberi-tuducyo-aan-ka-soo-dheeganay-gabay-uu-waaberi-u-tiriyey-sheekh-weli-qalinkii-craxmaan-carab-ducaale","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/?p=6941","title":{"rendered":"Qiso Dhab Ah: Isa Seegii Sheekh Weli Iyo Walkaalkii Waaberi + Tuducyo Aan Ka Soo Dheeganay Gabay Uu Waaberi U Tiriyey Sheekh Weli :Qalinkii C\/raxmaan Carab Ducaale."},"content":{"rendered":"<div class=\"adn ads\">\n<div class=\"gs\">\n<div id=\":m1\" class=\"ii gt adP adO\">\n<div id=\":m0\" class=\"a3s aXjCH m15a1369a65ecc216\">\n<div dir=\"ltr\">\n<div>\n<div>Sheekh Welow walaalkay rumoow<\/div>\n<div>War Yar-baan ku Farayaaye<\/div>\n<div>Weedhay-dan Dhegayso.<\/div>\n<\/div>\n<div><\/div>\n<div><\/div>\n<div><\/div>\n<div>\n<div><a href=\"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/wp-content\/uploads\/2017\/02\/y1.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-6942\" src=\"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/wp-content\/uploads\/2017\/02\/y1.jpg\" alt=\"\" width=\"640\" height=\"640\" srcset=\"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/wp-content\/uploads\/2017\/02\/y1.jpg 640w, https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/wp-content\/uploads\/2017\/02\/y1-150x150.jpg 150w, https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/wp-content\/uploads\/2017\/02\/y1-300x300.jpg 300w\" sizes=\"auto, (max-width: 640px) 100vw, 640px\" \/><\/a><\/div>\n<div><\/div>\n<div>\n<div>Sheekh Weli iyo waaberi waa walaalo ay hooyo iyo aabe wadda dhaleen , iyadoo uu wax qoodhoole ah aabbahood Marxuum Cali dhalay labadaa wiil oo keliya, waxa soo raaca laba gabdhood oo ay haween-ba ka walaalo yihiin, kuwaas oo lagu kalla magacaabo Deeqa Iyo qamar.<\/div>\n<p>Hooyadood Muumini aduunyada waxay ka eegtataa afrataa qof , iyadoo aad u jecel, waa hooyo cibaado badan, isla markaana ku barbaarisay caruurteeda samaha iyo wanaaga iyo jidka toosan, waa hooyo jaarku jecelyahay oo u samo fasha, alle ha daayee waa hooyo dadka ugu yeedhay khayrka iyo wanaag.<\/p>\n<p>Alle ha- unaxariistee Abbihii dhalay afarta caruur ah Marxuum Cali wuxuu xijaabtay 4 sano ka hor , iyadoo markii uu xanuunka uu u geeriyooday uu haleelay aabahood ay hareero joogeen labadiisa wiil Sheekh Weli iyo Waaberi,walaashood Qamar iyo hooyadood muumina, waxa uu kula dardaarmay in ay illaaliyaan hooyadood oo ay daryeelaan, isla markaana ay dadka ehelkooda ah caawiyaan , xidhiidhiyaan qaraabada iyo ehelka, isaoo inamadiisa ugu dar-daarmay in ay isku duubnadaan, waanu u duceeyey marxuumku afartiisa ubad ah iyo oridiisa muumina.<\/p>\n<p>Sheekh weli waxa uu soo maray rafaad aduunyo, isagoo ahaa xaraaska xoolaha , kaari iyo shaqooyin kale oo adag, dhar wuxuu ka lahaa shaadh iyo surwaal keliya, balse hadda sheekh weli ayaa la yidhaa gadhka ayuu la baxay surwaalkana wuu gaabsaday waana malqabeen ganacsade ah, isagoo illaahay unimceeyey kana baxay rafaadkii aduunyo, Sheekh weli intiii hore waxa uu ku jiray hanti urursi iyo shaqo aduunyo, lakiin hadda ayuu guursaday.<\/p>\n<p>Walaalkii Waaberi waa deeqsi dun wacan oo qofka bartaa aanu ka xiisa goyn, shantiisa saladood uu tukadaa, balse jeebka ayaa ka madhan, waa aqoon yahan cilmiga diinta iyo maadiga bartay.<\/p>\n<div>Kullankii Waaberi iyo walaalkii Sheekh weli.<\/div>\n<div>&#8212;&#8212;&#8212;&#8212;&#8212;&#8212;&#8212;&#8212;&#8212;&#8212;&#8212;&#8212;&#8212;&#8212;&#8212;&#8212;&#8212;-<\/div>\n<div>Waaberi ayaa habeen habeenada kamid ah ka dalbaday walaalkii sheekh Weli inuu la kulmo oo ay is xog waraystaan madaama aanay muddo sanada ah is arag, waxay ku balameen huteel kamid ah kuwo magaalada uu ku noolyahay Sheekh Weli ugu caansan, wey isku yimadeen waayihiisa ayuu mid kasta ka waramay iyo qorshayaasha u yaala, dood dheer ka dib Waaberi ayaa sheegay inu damacsan-yahay inuu guursada samankan maanta ah, isla markaana uu Sheekh Weli uga fadhiyo kaalmo lacageed oo amaah ah, Sheekh Weli oo idhuhu soo baxeen ayaa oogsatay waxaanu dabada ka galay Calaa -cal aduunyo, hadda waa ninkii marka hore barwaaqada iyo nimcada ka sheekaynayey ee lahaa hebel dhawr dhawr kun oo dollar ah amaahiyey, hebelkeln intaas ayaan amaahiyey , Jamaac Farax waan maaligeliyey, haddana waxaan damacsanahay in aan Bas dheer iibsado.<\/div>\n<p>Waaberi iyo Sheekh weli ayaa habeenkii xigay haddana isgugu yimi kullan ka culus kii hore, isagoo waaberi usheegay in aanu hore duunyo uga soo martiyin , balse uu maanta ka rabo lacag ka yar &amp; 1000 , taasi oo uu doonayo inuu ku darsao in uu meelahaasi ka soo ururiyey, kuna d doonayo gabadh uu jecel yahay, isla markaana uu rabbo inuu dhakhso ugu soo celiyo lacagtaasi , lakiin nasiib darro Sheekh weli ma tixgelin dalabkii walaalkii waaberi waxaanu galay calaacalkii iyo qiiq isku qarintisii, i iyadoo ay xusid mudantahay inuu sheekh weli maal-mo yar ka hor lacago dhawr kun oo doollar ah uu siiyey nin kale sidaana waxa noo xaqiijiyey ninka ay qisadan aan idinla wadaagnay ay ku dhacday.<\/p>\n<p>Gunaanad Waaberi ayaa kala huleeyey farro madhnaa iyo calool xumo, isagoo walaalkiisi uu miciinka soo biday u juuqi waayey, isla markaana moodaya aduuynyada in xoog iyo xirfad lagu hello,<\/p>\n<p>Waxaan ku soo afmeerayaa maqaalkan Tuducyo yar oo aan ka soo dheegtay Gabay uu tiriyey Waaberi Cali oo aan sheekadan ka soo xiganay<\/p>\n<div>\uf0d8 Sheekh Weloow walaalkay rumoow<\/div>\n<div>\uf0d8 War Yar-BAAN ku Farayaaye<\/div>\n<div>\uf0d8 Weedhay-dan Dhegayso<\/div>\n<div>\uf0d8 Rabbi ayaa iga kaa dhigay walaalkay rumoo<\/div>\n<div>\uf0d8 Waalidkay wuxuu dhalayn Rag waa adigee.<\/div>\n<div>\uf0d8 Wacdigay-gan Dhegayso<\/div>\n<div>\uf0d8 &#8212;&#8212;&#8212;&#8212;&#8212;&#8212;&#8212;&#8212;&#8212;&#8212;&#8212;&#8212;&#8212;&#8212;&#8212;&#8212;&#8212;&#8212;&#8212;-<\/div>\n<div>\uf0d8 Marti haddii aan kaaga ahay maalkan mawle ku dhiibay<\/div>\n<div>\uf0d8 Ee aad makhuuqa kaleba midig-ta uga dhiibayso<\/div>\n<div>\uf0d8 Midhaa in aad tidhaah kama filanayne<\/div>\n<div>\uf0d8 Muxubo iyo jacayl aan kuu qabaan kuu miciinsadaye<\/div>\n<div>\uf0d8 Marti waxaan kaga ahay maal aan buurnay<\/div>\n<div>\uf0d8 Mar dhow inaa soo ceshoo maaganahay Heedhe<\/div>\n<div>\uf0d8 Maalin iyo layla waata aad shisheeyaha ku maamuusto<\/div>\n<div>\uf0d8 Maalgelin haddii ay noqoto waad u miistaaye<\/div>\n<div>\uf0d8 Maanoo walaalka ah ayaad magane ii diiday.<\/div>\n<div>\uf0d8 Moodharada waadigii u gaday maafiyada suuqa<\/div>\n<div>\uf0d8 Maqaam sare dar baad saartay oo suuqa fooryaaya<\/div>\n<div>\uf0d8 Mar haddii aad i darisay oo diiday dalabkay-gii<\/div>\n<div>\uf0d8 Macno malahe haddii sidaa gartay maandhawe.<\/div>\n<div>\uf0d8 Marbaan barwqaaysan oo aad imiciinsaniye<\/div>\n<div>\uf0d8 Maansha allah anigoo ah baad marti ii noqo.<\/div>\n<div>\uf0d8 Meerto weeyo duniduye marbaad maalmo qadi gaajo<\/div>\n<div>\uf0d8 Macnaaskii hore aad qaban jirtiyo meeshiibaad iman.<\/div>\n<div>\uf0d8 Moodharada geeshkan aad u gaday iyo goosanka kugu xeeran<\/div>\n<div>\uf0d8 Gidigood markay ku dariyaan ee debad kuu saari<\/div>\n<div>\uf0d8 Daan-daan adigoo ah ayaad daaraday iman.<\/div>\n<div>Marwadaad dugsanayo iyo dad-galkaad magaatay<\/div>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>Tuducyadan waxay kamid yhiin gabay uu Waaberi u tiriyey walaalii Sheekh Weli.<\/p>\n<p>Lasoco Gabayadan iyo qisadan taxana ah oo aan dib idiinla wadaagi doono.<\/p>\n<div class=\"yj6qo\"><\/div>\n<\/div>\n<\/div>\n<\/div>\n<\/div>\n<\/div>\n<div id=\":mu\" class=\"hq gt a10\">\n<div class=\"hp\"><\/div>\n<div class=\"a3I\"><\/div>\n<div id=\":mx\"><\/div>\n<div id=\":mw\" class=\"aQH\"><\/div>\n<\/div>\n<div class=\"hi\"><\/div>\n<\/div>\n<div class=\"ajx\"><\/div>\n<\/div>\n<div class=\"gA gt acV\"><\/div>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Sheekh Welow walaalkay rumoow War Yar-baan ku Farayaaye Weedhay-dan Dhegayso. Sheekh Weli iyo waaberi waa walaalo ay hooyo iyo aabe wadda dhaleen , iyadoo uu wax qoodhoole ah aabbahood Marxuum Cali dhalay labadaa wiil oo keliya, waxa soo raaca laba gabdhood oo ay haween-ba ka walaalo yihiin, kuwaas oo lagu kalla magacaabo Deeqa Iyo qamar. [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":2,"featured_media":6942,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3],"tags":[],"class_list":["post-6941","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-maqaallo"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/6941","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/2"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=6941"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/6941\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":6944,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/6941\/revisions\/6944"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/6942"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=6941"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=6941"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=6941"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}