{"id":7062,"date":"2017-02-10T17:50:45","date_gmt":"2017-02-10T17:50:45","guid":{"rendered":"http:\/\/gacanlibaaxnews.com\/?p=7062"},"modified":"2017-02-10T17:50:45","modified_gmt":"2017-02-10T17:50:45","slug":"horumarka-bulshada-iyo-saamaynta-aqoonta-wq-cabdalla-sacad-aw-muuse","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/?p=7062","title":{"rendered":"Horumarka\u00a0Bulshada\u00a0iyo\u00a0Saamaynta Aqoonta. WQ:  Cabdalla Sacad aw Muuse"},"content":{"rendered":"<p style=\"color: #000000; font-family: 'Times New Roman'; font-size: medium; font-style: normal; font-variant: normal; font-weight: normal; letter-spacing: normal; line-height: normal; orphans: auto; text-align: start; text-indent: 0px; text-transform: none; white-space: normal; widows: 1; word-spacing: 0px; -webkit-text-stroke-width: 0px;\"><b><span style=\"font-family: Tahoma; font-size: small;\">Bulshadu waa ummad meel ku wada nool oo isku dan, dad, diin iyo dalba\u00a0 ah,waxaana isku xidha dhaqanka iyo diinta oo ay bulsho kastaa ku\u00a0 salay so xeer- hoosaadyadeeda amaba xeerarka wada noolaansho ee\u00a0 bulshad aasi.<\/span><\/b><\/p>\n<p style=\"color: #000000; font-family: 'Times New Roman'; font-size: medium; font-style: normal; font-variant: normal; font-weight: normal; letter-spacing: normal; line-height: normal; orphans: auto; text-align: start; text-indent: 0px; text-transform: none; white-space: normal; widows: 1; word-spacing: 0px; -webkit-text-stroke-width: 0px;\"><b><span style=\"font-family: Tahoma; font-size: small;\">Hadaba mar kasta oo uu xoogaysto xidhiidhka bulshadu waxa kor u kaca heerkeeda nololeed, waxaana loo tiriyaa inay bulshadaasi tahay mid\u00a0 hor umartay. Bulshadu waxay u baahan tahay marka hore waxyaabaha\u00a0 aas aaska u ah nolosha, sida nabad galyo, ilo biyood, cimilo fiican iyo carro ku wanaagsan waxbeerista iyo dhaqashada xoolaha. marka labaad waxay u baahan tahay inay kobciso xirfadeheeda aqooneed ilaa ay gaadhsiinayso heer ay ka haqab-beelayso baahiyeheeda, isla markaana kaga\u00a0 kaaf\u00a0 too mayso waxyaabo meelo kale uga yimaada.<\/span><\/b><\/p>\n<p style=\"color: #000000; font-family: 'Times New Roman'; font-size: medium; font-style: normal; font-variant: normal; font-weight: normal; letter-spacing: normal; line-height: normal; orphans: auto; text-align: start; text-indent: 0px; text-transform: none; white-space: normal; widows: 1; word-spacing: 0px; -webkit-text-stroke-width: 0px;\"><b><span style=\"font-family: Tahoma; font-size: small;\"><br \/>\nMar kasta oo ay bulsho isku daydo inay daboosho baahiyeheeda waxay u baahan tahay xirfad iyo aqoon horumariya hawl-maalmeedyadooda\u00a0 iyad oo lagu kabayo aqoon iyo cilmi xeeldheer oo loo yeesho sida ugu fiican ee hawlahaas looga midha-dhalin karo.<\/p>\n<p>Beeraha iyo xoolaha nool, ayaa ah ilaha aasaasiga ah ee dhaqaalaha kaba isla markaana lagama maarmaan u ah nolosha umaddeena, waxa loo\u00a0 baa han yahay aqoon iyo tiknoolojiyad suura-galisa helitaanka qalab beereed tayo leh, kobcisana wax-soo-saarka beeraha, keenta xirfado cusub oo\u00a0 la gu dhaqo xoolaha, lana darso xanuunada ku dhaca si loo helo dawadooda. Mana aha in loo fahmo inay tahay horumar in dhamaan xubnaha bulshadu ay ka hayaamaan dhul-beereedka, joojiyaana dhaqashada xoolaha iyagoo dan moodaya tafiir-farrida xoolahooda iyo iska fadhiyida magaalooyinka, iyadoo aan laga helayn wax shaqo ah, ama aanu baranayn aqoon uu kor ugu qaadi karo wax-soo-saarka dallaga beeraha iyo xoolaha uu gacanta ku hayo, dhinaca kale marka ay dadku ka tagaan ka midha-dhalinta\u00a0 ilah ooda dhaqaalaha, lana hayn ilo kale oo badala, waxa la iskugu imanayaa hal meel waana waxa abuuraya shaqo li\u2019da baahsan ee ka jirta\u00a0 wadan keena (Somaliland), iyadoo aanay dhacayn marnaba in la helo shaqooyin badan oo aan xidhiidh la lahayn ilaha dhaqaalaha ee bulshadeena ( beer aha iyo xoolaha), waxaana dadkena in badan u haystaan in dalalka\u00a0 waaw eyn ee ay magacyadooda maqlaan aanay jirin cid xoolo dhaqata iyo\u00a0 beer alay toona. Taasi waxa jawaab ugu filan dalka Maraykanka oo wax kaliya ee dunida kaga horreeyaa ay tahay soo saarka Qamadiga iyo Gallayda. In badan oo ka mid ah dhalinyarteena tahriibaysa ayaa la kulma xaqiiqada, waxaana dhacda nin ka soo orday laba tiro ama in ka badan oo adhi ah, in marka uu marayo wadamada sida Turkiga iyo Talyaanigaba, uu damco\u00a0 in uu shaqeeyo si uu uga saaro cuntadiisa, loo diro inuu ilaaliyo adhi la mid ah kii uu ka yimid.<\/span><\/b><\/p>\n<p style=\"color: #000000; font-family: 'Times New Roman'; font-size: medium; font-style: normal; font-variant: normal; font-weight: normal; letter-spacing: normal; line-height: normal; orphans: auto; text-align: start; text-indent: 0px; text-transform: none; white-space: normal; widows: 1; word-spacing: 0px; -webkit-text-stroke-width: 0px;\"><b><span style=\"font-family: Tahoma; font-size: small;\"><span style=\"color: #0000ff;\">Abwaan Maxamed Xaashi Dhamac<span class=\"Apple-converted-space\">\u00a0<\/span><\/span>(<span style=\"color: #ff0000;\">Gaariye<\/span>) isagoo ka hadlaya doorka ay<span class=\"Apple-converted-space\">\u00a0<\/span><span style=\"color: #ff0000;\">aqoontu<\/span><span class=\"Apple-converted-space\">\u00a0<\/span>ku yeelan karto<span class=\"Apple-converted-space\">\u00a0<\/span><span style=\"color: #0000ff;\">kala sarraynta iyo horumarka bulshada<\/span>, waxa uu gabaygiisii \u201c<span style=\"color: #ff0000;\">Hayaan<\/span>\u201d, ku lahaa erayadan:<\/span><\/b><\/p>\n<div style=\"color: #000000; font-family: 'Times New Roman'; font-size: medium; font-style: normal; font-variant: normal; font-weight: normal; letter-spacing: normal; line-height: normal; orphans: auto; text-indent: 0px; text-transform: none; white-space: normal; widows: 1; word-spacing: 0px; -webkit-text-stroke-width: 0px;\" align=\"center\">\n<table id=\"table3\" border=\"5\" width=\"87%\">\n<tbody>\n<tr>\n<td bgcolor=\"#000000\">\n<p align=\"center\">\n<p align=\"center\"><b><span style=\"color: #ffffff; font-family: Tahoma;\">Waxaa cirka lagu hujuumay<br \/>\nWaxsaa dhulka lagu hubsaday<br \/>\nWaxaa badahaa hugmaaya<br \/>\nBidhaansha guntooda hoose<br \/>\nWaxaa uumiyaha hanuunshay<br \/>\nWaxaa cudurkii halgaaday<br \/>\nWaxaa jahligii haleelay<br \/>\nWaxaa gaajadii hirdiyey<br \/>\nHorseed cilmiyeed miyaa?<\/span><\/b><\/p>\n<p align=\"center\"><b><span style=\"color: #ffcc00; font-family: Tahoma;\">*******<\/span><span style=\"color: #ffffff; font-family: Tahoma;\"><\/p>\n<p>Dadkaa heegada is geeyey<br \/>\nDadkaa haqab-beelka gaadhay<br \/>\nHub-qaad haga dayo miyaa?<br \/>\nNinkaa buurta roobku helay<br \/>\nGunteeda ka heesayow<br \/>\nFigteedaa nolol habboon<\/span><\/b><\/p>\n<p align=\"center\">\n<\/td>\n<\/tr>\n<\/tbody>\n<\/table>\n<\/div>\n<p style=\"color: #000000; font-family: 'Times New Roman'; font-size: medium; font-style: normal; font-variant: normal; font-weight: normal; letter-spacing: normal; line-height: normal; orphans: auto; text-align: start; text-indent: 0px; text-transform: none; white-space: normal; widows: 1; word-spacing: 0px; -webkit-text-stroke-width: 0px;\"><b><span style=\"font-family: Tahoma; font-size: small;\">Waxa aan shaki ku jirin in horumarka bulshada ay lagama maarmaan u\u00a0 ta hay aqoon iyo in la helo cilmi la jaan-qaadi kara mustawaha iyo heerka ay bulshadaasi taagan tahay. Hadaba aqoonta ay bulsho u baahan tahay waxay u kala baxdaa mid ah xirfad gacmeed iyo aqoon maskaxeed, waxa ana labadaba inta badan ay ka timaadaa kolba sida ay bulshadaasi u\u00a0 hor u mariso dugsiyada ama goobaha waxbarashada, iyadoo loo baahan\u00a0 yah ay in la isku miisaamo labadan nooc, oo ay dugsiyada mar kasta ag\u00a0 socd aan xarumo lagu barto farsamada gacanta-vocational training centres (VTC), iyadoo looga baahan yahay dugsiyadana inay manaahijta ay\u00a0 dhig ayaan ku saleeyaan baahiyahooda, diintooda, dhaqankooda iyo\u00a0 heerar kooda nololeed.<\/span><\/b><\/p>\n<p style=\"color: #000000; font-family: 'Times New Roman'; font-size: medium; font-style: normal; font-variant: normal; font-weight: normal; letter-spacing: normal; line-height: normal; orphans: auto; text-align: start; text-indent: 0px; text-transform: none; white-space: normal; widows: 1; word-spacing: 0px; -webkit-text-stroke-width: 0px;\"><b><span style=\"font-family: Tahoma; font-size: small;\">Hadii ay dhacdo in manaahijtu ka hor-timaado mid ka ah inta aynu soo\u00a0 sh eegnay, waxay noqonaysaa mid gol-daloolo ku ah horumarka bulshadaasi, mana aha in manahijta ummad kale dajisatay in laga hir-galiyo bulsho kale dhexdeed, maadaama aanaymarnaba dabooli karin amaba xallin karin baahiyaha bulshadaasi, waayo, cudurka gala fardaha, haddii laga gubo dameer, dawada lama gaadhayo.<\/span><\/b><\/p>\n<p style=\"color: #000000; font-family: 'Times New Roman'; font-size: medium; font-style: normal; font-variant: normal; font-weight: normal; letter-spacing: normal; line-height: normal; orphans: auto; text-align: start; text-indent: 0px; text-transform: none; white-space: normal; widows: 1; word-spacing: 0px; -webkit-text-stroke-width: 0px;\"><b><span style=\"font-family: Tahoma; font-size: small;\">Inkastoo ay jaamacaduhu yihiin mashiinka firfircoonida iyo taaba-qaadka bulshada, hadana waxa muhiim ah in waxbarashada ka horaysa heerka jaamacadu (pre-university education) uu yahay mid isaguna ka qayb\u00a0 qaa danaya hagida bulshada, iyo ku fikirka daboolida iyo xal-u-helidda\u00a0 baahi yaheeda. Tusaale ahaan, ardaygu inta uu ku jiro heerkaa waa in lagu\u00a0 tab abaraa xallinta masalooyin fudud, la tusaa inuu yahay xubin kaalin weyn ku leh bulshada dhexdeeda, laguna abuuraa kalsooni shakhsiyadeed oo u fududaysa ka qayb-qaadashada hawlaha bulshada, iyo gudashada xilka ka saaran horumarkeeda.<\/p>\n<p>Markaan u so noqono jaamacadaha, Bulshada iyo jaamacaduhu wey is-dhisaan oo bulshadu iyadaa marka hore dhisata jaamacad, taa bedelkeed jaamacaduna waa inay tahay mid ka dhisaysa bulshada dhinacyada\u00a0 dhaq aalaha iyo bulshanimada. Hawlaha ugu horeeya ee ay xoogga saarto jaamacadi waa waxbarid (teaching) iyo cilmi-baadhis (research). Qaybta wax-baridda, jaamcadu waxay keensataa aqoonyahano ku takhasusay tababarida shaqo iyo waxbarasho aasaas u ah horumarka shaqsiyada ardayga jaamiciga ah. Qaybta cillmi-baadhistu waxay kordhisaa\u00a0 helitaa naka macluumad guud, iyo sidii loogu dabiqi lahaa bulshada dhexdeeda.<\/p>\n<p>Jaamacadda qofku waxa uu darsaa ama si qoto dheer oo faahfaahsan u dhiganayaa maaddo ama farac-cilmiyeed, isagoo kaashanaya\u00a0 shakhsiy aad aqoontoodu iyo waayo-aragnimadoodu aad u sarayso. Heerkan\u00a0 wax barashada inteeda badan waa aqoon-raadshasho iyadoo masuuliyada\u00a0 u gu badan ku dhacaysa ardayga, waxa kaliya ee looga baahan yahay\u00a0 mac allinka (lecturer) waa hagid iyo caawimo, lakin maaha inuu ku hor-socdo oo ku wado, iyadoo uu hadafku yahay gudbinta aqoonta iyo u tababarida sidii ay ugu fikiri lahayd jidad kala duwan. Ta kale dadyowga ay ardayga wadaagaan duruus iyo guud ahaan jaamacadaba ayaa ku dhalinaya ku dhex-noolaansho bulsheed iyo khibrad uu ku fahmikaro kuna dareemi karo wada- noolaanshaha iyo taabba-galka bulshadiisa.<\/p>\n<p>Hadaba arday badan, course-yada ay qaataan ee jaamacadeed ayaa ah kuwa ku hagaya xirfadooda shaqo ee mustaqbalka, sida, Dhakhtarnimada (Medicine), Engineering, Cilmiga Computerka ,Loyarnimada iyo noocyada Sayniska ee kala duwan.waana waajib inuu ardayga qaybahan\u00a0 dhiganay aa goob-joog yahay xilliyada la dhiganayo, maadaama uu baranayo xirfad waarta, waxaana qaybtan la isku yidhaa qaybta Sayniska (Sciences).isku-xidhnaanshaha noocan ah loogama baahna ardayda dhigata\u00a0 qayb aha kale ee la isku yidhaa Arts-ka, ama guud ahaan Cilmiga Bulshada\u00a0 (Social Studies),sida Taariikhda (History), Siyaasadda (Politics) iyo falsafadda (Philosophy), iyadoo qaybtani qaabilsan la-dhaqanka bulshada iyo la jaan-qaadidda hawlahooda. Xeel dheerida qaybtani waxay keentaa in hogaamiyayaasha ugu badani ay noqdaan kuwa ka soo baxay qaybtan (Arts-ka)<\/p>\n<p><span style=\"color: #0000ff;\"><br \/>\nMaxaa inala gudboon?<\/span><\/p>\n<p>Dadwaeynuhu gaar ahaan kuwa ka soo jeeda dalkeena (Somaliland), wa xaynu u badan nahay dad iska hiyi-kaca oo kolba halka naq lagu sheego u tartamaya, iyadoo aan filayo in ay ugu wacan tahay asalkeena ah reer guuraaga ee kolba meesha roob ka da\u2019o loo guurayay, oo weli aynu\u00a0 isk aga jirno geeddigii, waayo waxaad arkaysaa qof maqlaya mid kale oo\u00a0 Yu rub wax ka keenay, waxa loo guntanayaa sidi halkaa loo tagi lahaa.\u00a0 Waxa kale oo jira in marka la furo wershad soo kordhinaysa was-soo-saar\u00a0 cus ub in hal sanno gudaheed la soo dajiyo kuwa kale oo la tartamaya tii hore , iyadoo weli bulshadu u baahan waxyaabo kale oo la soo saaro.<\/span><\/b><\/p>\n<p style=\"color: #000000; font-family: 'Times New Roman'; font-size: medium; font-style: normal; font-variant: normal; font-weight: normal; letter-spacing: normal; line-height: normal; orphans: auto; text-align: start; text-indent: 0px; text-transform: none; white-space: normal; widows: 1; word-spacing: 0px; -webkit-text-stroke-width: 0px;\"><b><span style=\"font-family: Tahoma; font-size: small;\">Arrintani waxay dhex-gashay saamayna ku yeelatay waxbarashadii oo kolba qayb (field) ayaa lagu tartamaa iyadoo ay dhacday xilliyadii\u00a0 dawla dii hore ee soomaaliyeed, ina dadka ugu badan ee Somaliland ka soo\u00a0 jeed aa ay ka soo baxeen Kulliyadii Tababarka Macalimiinta ee Lafoole, in\u00a0 kas too aynu aad uga faa\u2019iidaysanay dadki ka soo baxay oo ay yihiin kuwa\u00a0 ga d hsiiyay maanta halka ay taagan tahay heerkeena waxbarasho, hadana waxa yaraa dad ka soo baxay qaybo kale ama kulliyado kale.<\/span><\/b><\/p>\n<p style=\"color: #000000; font-family: 'Times New Roman'; font-size: medium; font-style: normal; font-variant: normal; font-weight: normal; letter-spacing: normal; line-height: normal; orphans: auto; text-align: start; text-indent: 0px; text-transform: none; white-space: normal; widows: 1; word-spacing: 0px; -webkit-text-stroke-width: 0px;\"><b><span style=\"font-family: Tahoma; font-size: small;\">Taasi waxay dhalisay in 1993, la keeno khubaro u dhashay Nigeria , si ay uga caawiyaan Golaha Wakiilada dejintii dastuurkeena, markii la waayay aqoonyahano u dhashay Somaliland oo ku takhasusay qaybtan. Inkastoo aynu is daba-qabanay oo aynu dadaal kadib ku guulaysanay inanu is- bedel samayno, waayo dedaal la\u2019aan ma jirto wax laga midho-dhaliyaa, waakii abwaan<span class=\"Apple-converted-space\">\u00a0<\/span><span style=\"color: #0000ff;\">Cabdilahi Suldaan Tima-cadde<\/span><span class=\"Apple-converted-space\">\u00a0<\/span>lahaa mid ka mid tixihiisa:<\/p>\n<p><span style=\"color: #ff0000;\">Lama helo wadaadow waxaan cidi u hawshoon.<\/span><\/p>\n<p>Hadaba hadafkii ugu weynaa ee loo aasaasay Jaamacadda Hargaysa\u00a0 wa xa uu ahaa in la soo saaro dad badan oo ku takhasusay kulliyadaha\u00a0 Dha qaalaha (Business) iyo Sharciga (Law), oo ay aqoontoodu ku yarayd\u00a0 bul shada dhexdeeda, laakiin waxa aan qabaa in imika tirada ay soo\u00a0 saarta ana ay tahay tiro ka badan intii bulshadu u baahnayd, oo iyadoo ay aad u yar yihiin inta barata ama baratayba Cilmiga Beeraha (Agriculture) iyo Xannaabada Xoolaha (Veterinary) ayaa tirada dadka bartay Business ay ku dhaw yihiin 10000 oo qof.<\/span><\/b><\/p>\n<p style=\"color: #000000; font-family: 'Times New Roman'; font-size: medium; font-style: normal; font-variant: normal; font-weight: normal; letter-spacing: normal; line-height: normal; orphans: auto; text-align: start; text-indent: 0px; text-transform: none; white-space: normal; widows: 1; word-spacing: 0px; -webkit-text-stroke-width: 0px;\"><b><span style=\"font-family: Tahoma; font-size: small;\">Waxa la gudboon dadkeena in ay isku miisaamaan baahida (demand) iyo soo saarista (supply).<\/p>\n<p>Waxaan ku soo gebagebaynayaa, maanta Somaliland aqoonteedu waxay maraysaa heer aad u sarreeya markaynu berbar-dhigno wadamada\u00a0 deri s keena oo imika tirada jaamacadaha wadanka ka furani waxay kor u\u00a0 dha a feen toban jaamacadood, waana wax aynu ku faanno, lakin waxan ku talin lahaa aqoontaasi waa inay noqontaa mid qofka ku dhalisa kalsooni nafeed iyo mid bulsheedba, awoodna u siisaa inuu ku fikiro siduu wax u hagaajin lahaa ugana durki lahaa is-dhiibidda, iyo tahriibka hallaagay in badan oo da\u2019yarteenna ka mid ah.<\/span><\/b><\/p>\n<p style=\"color: #000000; font-family: 'Times New Roman'; font-size: medium; font-style: normal; font-variant: normal; font-weight: normal; letter-spacing: normal; line-height: normal; orphans: auto; text-align: start; text-indent: 0px; text-transform: none; white-space: normal; widows: 1; word-spacing: 0px; -webkit-text-stroke-width: 0px;\"><b><span style=\"font-family: Tahoma; font-size: small;\"><br \/>\nWabilaahi towfiiq.<\/span><\/b><\/p>\n<p style=\"color: #000000; font-family: 'Times New Roman'; font-size: medium; font-style: normal; font-variant: normal; font-weight: normal; letter-spacing: normal; line-height: normal; orphans: auto; text-align: start; text-indent: 0px; text-transform: none; white-space: normal; widows: 1; word-spacing: 0px; -webkit-text-stroke-width: 0px;\"><b><span style=\"font-family: Tahoma; font-size: small;\"><span style=\"color: #0000ff;\"><br \/>\nCabdalla Sacad aw Muuse<\/span><br \/>\n<span style=\"color: #ff0000;\">shaafici12@hotmail.com<\/span><br \/>\n<a href=\"http:\/\/www.asmnadiif.blogspot.com\/\"><span style=\"color: #000000;\">www.asmnadiif.blogspot.com<\/span><\/a><\/span><\/b><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Bulshadu waa ummad meel ku wada nool oo isku dan, dad, diin iyo dalba\u00a0 ah,waxaana isku xidha dhaqanka iyo diinta oo ay bulsho kastaa ku\u00a0 salay so xeer- hoosaadyadeeda amaba xeerarka wada noolaansho ee\u00a0 bulshad aasi. Hadaba mar kasta oo uu xoogaysto xidhiidhka bulshadu waxa kor u kaca heerkeeda nololeed, waxaana loo tiriyaa inay bulshadaasi [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":7063,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[4,3],"tags":[],"class_list":["post-7062","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-arrimaha-bulshada","category-maqaallo"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/7062","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=7062"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/7062\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":7065,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/7062\/revisions\/7065"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/7063"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=7062"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=7062"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=7062"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}