{"id":7082,"date":"2017-02-10T20:00:23","date_gmt":"2017-02-10T20:00:23","guid":{"rendered":"http:\/\/gacanlibaaxnews.com\/?p=7082"},"modified":"2017-02-10T20:00:23","modified_gmt":"2017-02-10T20:00:23","slug":"xusuusin-alle-oo-dambi-dhaaf-la-weydiisto-keliya-ayaa-looga-bixi-karaa-dhibaatooyin-badan-wq-farah-cawaash-beeldaaje","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/?p=7082","title":{"rendered":"XUSUUSIN: Alle oo Dambi Dhaaf La Weydiisto Keliya Ayaa Looga Bixi Karaa Dhibaatooyin Badan. WQ: Farah Cawaash Beeldaaje"},"content":{"rendered":"<p><span style=\"margin: 0px; color: black; line-height: 115%; font-family: 'Times New Roman','serif'; font-size: 14pt;\">ALLE DAMBI DHAAFNin ayaa maalin u yimi Xasan Al Basri wuxuuna ka cabanayay:<\/span><\/p>\n<p><span style=\"margin: 0px; color: black; line-height: 115%; font-family: 'Times New Roman','serif'; font-size: 14pt;\">\u201cRoob nooma da\u2019in waayadan. Abaar daran baa na heysa\u201d<\/span><\/p>\n<p><span style=\"margin: 0px; color: black; line-height: 115%; font-family: 'Times New Roman','serif'; font-size: 14pt;\">Wuxuu ugu jawaabay, \u201cAlle dambi dhaaf weydiista\u201d<\/span><\/p>\n<p><span style=\"margin: 0px; color: black; line-height: 115%; font-family: 'Times New Roman','serif'; font-size: 14pt;\">Nin kale ayaa u yimi wuxuuna ku yiri, \u201cWaxaan ka cabanayaa Faqri, waxaan ahay sabool aan waxba heysan\u201d<\/span><\/p>\n<p><span style=\"margin: 0px; color: black; line-height: 115%; font-family: 'Times New Roman','serif'; font-size: 14pt;\">Wuxuu ugu jawaabay, \u201cAlle dambi dhaaf weydiiso\u201d<\/span><\/p>\n<p><span style=\"margin: 0px; color: black; line-height: 115%; font-family: 'Times New Roman','serif'; font-size: 14pt;\">Ka dih nin kale ayaa u yimi wuxuuna ku yiri, \u201cXaaskeyga dhawr sano ayaan wada joognaa wax caruur ah ma dhalin\u201d<\/span><\/p>\n<p><span style=\"margin: 0px; color: black; line-height: 115%; font-family: 'Times New Roman','serif'; font-size: 14pt;\">Wuxuu ugu jawaabay, \u201cAlle dambi dhaaf weydiiso\u201d<\/span><\/p>\n<p><span style=\"margin: 0px; color: black; line-height: 115%; font-family: 'Times New Roman','serif'; font-size: 14pt;\">Dad ag joogay ayaa su\u2019aalay, \u201cMar kasta oo qof cabasho kuula yimaado waxaad siineysay hal waano oo ah inay Alle dambi dhaaf weydiistaan keliya\u201d<\/span><\/p>\n<p><span style=\"margin: 0px; color: black; line-height: 115%; font-family: 'Times New Roman','serif'; font-size: 14pt;\">Al Hasan Al Basri wuxuu ku yiri, \u201cMiyaydinaan maqlin Kelmada Allaah uu Quraanka inoogu sheegay kolki uu ka waramayay Nabi Nuux,<\/span><\/p>\n<p><span style=\"margin: 0px; color: black; line-height: 115%; font-family: 'Times New Roman','serif'; font-size: 14pt;\">\u201cWAXAAN KU IDHI DAMBI DHAAF WEYDIISTA RABIGIIN, ISAGA AYAA DAMBI DHAAFID BADAN, WUXUU U DIRI SAMADA KORKIINA XAAL AY TAHAY MID AAD U DARARSAN (ROOB AAN KALA GO\u2019AYN) WAA IDIIN KORDHINAYAA XOOLO IYO CARUUR. WUXUU IDIIN YEELAYAA JANOOYIN (BEERO WAAWEYN) WUXUU IDIIN YEELAYA WABIYAAL SOCDA\u201d Suuratu Nuux, Ayaadaha 10-12<\/span><\/p>\n<p><span style=\"margin: 0px; color: black; line-height: 115%; font-family: 'Times New Roman','serif'; font-size: 14pt;\">Waxaa jira laba waxyaaboob oo dunida qofka ka siiya magangalyo iyo Amni ciqaabta Allaah. Tan koowaad hada waa ka baxday, halka tan labaad weli baaqi tahay. Tan koowaad waxay ahayd Rasuulka SCW sida Alle Quraankiisa inoogu sheegay,<\/span><\/p>\n<p><span style=\"margin: 0px; color: black; line-height: 115%; font-family: 'Times New Roman','serif'; font-size: 14pt;\">\u201cALLE MA CIQAABAYO INTA ADIGA (NABI MUXAMMAD) AAD DHEX JOOGTO. ALLE MA CIQAABAYO ILAA INTA AY DAMBI DHAAF DALBANAYAAN.\u201d Suurat Al Anfaal, Aayada 33.<\/span><\/p>\n<p><span style=\"margin: 0px; color: black; line-height: 115%; font-family: 'Times New Roman','serif'; font-size: 14pt;\">Haddaba, walaalayaal Rabigiin dambi dhaaf weydiista. Maalin kasta waxaa naga dhaca gef, waxaan sameynaa dambi. Haddii qofku isku arkay ciriiri, murugo joogta ah, buuq ama buufis sidaa u taqaan, dhaqaale la\u2019aan, awlaad la\u2019aan, wuxuu jeclaa uu waayo, Roob aan di\u2019in, dhibaatooyin joogta ah, Qorshe kasta oo ka fashilma, farxad darro. Waxa keliya oo looga bixi karo waa in Alle loo noqdo oo Dambi dhaaf dhab ah la weydiisto.<\/span><\/p>\n<p><span style=\"margin: 0px; color: black; line-height: 115%; font-family: 'Times New Roman','serif'; font-size: 14pt;\">Waxa keliya ay tahay in aadan dib u dhigan, aadan ka caajisin, aadan ka wahsan waa in Alle aad u noqoto, aad isu dhiibto, dambi dhaaf ka dalbato. Maxaa yeelay haddii aadan sidaa yeelin tallaabo kasta aad qaado ma kuu shaqeynayso, mana noqoneyso mid farxad kuu keenta.<\/span><\/p>\n<p><span style=\"margin: 0px; color: black; line-height: 115%; font-family: 'Times New Roman','serif'; font-size: 14pt;\">W\/Q: Farah Cawaash Beeldaaje<\/span><\/p>\n<p>&#8212;&#8212;&#8212;&#8212;&#8212;&#8212;&#8212;&#8212;&#8212;&#8212;&#8212;&#8212;&#8212;&#8212;&#8212;&#8212;&#8212;&#8212;&#8212;&#8212;&#8212;&#8212;&#8212;&#8211;<\/p>\n<p><span style=\"margin: 0px; line-height: 115%; font-family: 'Times New Roman','serif'; font-size: 14pt;\"><span style=\"color: #000000;\">Gacanlibaaxnews masuul ka ma aha habka iyo curinta qoraalkan ee waa fikir iyo aragti u gaar ah qoraha. Waxa se Gacanlibaaxnews masuuliyadi ka saran tahay hubinta iyo kala haadinta ka qoraallada ka hor inta aanaan idiin soo baahin.<\/span><\/span><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>ALLE DAMBI DHAAFNin ayaa maalin u yimi Xasan Al Basri wuxuuna ka cabanayay: \u201cRoob nooma da\u2019in waayadan. Abaar daran baa na heysa\u201d Wuxuu ugu jawaabay, \u201cAlle dambi dhaaf weydiista\u201d Nin kale ayaa u yimi wuxuuna ku yiri, \u201cWaxaan ka cabanayaa Faqri, waxaan ahay sabool aan waxba heysan\u201d Wuxuu ugu jawaabay, \u201cAlle dambi dhaaf weydiiso\u201d Ka [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":7083,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[4,3],"tags":[],"class_list":["post-7082","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-arrimaha-bulshada","category-maqaallo"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/7082","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=7082"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/7082\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":7084,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/7082\/revisions\/7084"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/7083"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=7082"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=7082"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=7082"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}