{"id":7088,"date":"2017-02-10T20:42:38","date_gmt":"2017-02-10T20:42:38","guid":{"rendered":"http:\/\/gacanlibaaxnews.com\/?p=7088"},"modified":"2017-02-10T20:42:38","modified_gmt":"2017-02-10T20:42:38","slug":"aragtida-siyaasadda-iyo-dawladnimada-wq-cabdixakiim-tiyari","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/?p=7088","title":{"rendered":"Aragtida Siyaasadda iyo Dawladnimada! \u2014 W\/Q. Cabdixakiim Tiyari"},"content":{"rendered":"<p><em>\u201cWaxaa cirka lagu hujuumay<\/em><\/p>\n<div class=\"art-article\">\n<p><em>Waxaa dhulka lagu hubsaday<\/em><\/p>\n<p><em>Waxaa badahaa hugmaaya<\/em><\/p>\n<p><em>Bidhaansha guntooda hoose<\/em><\/p>\n<p><em>Waxaa uummiyaha hanuunshay<\/em><\/p>\n<p><em>Waxaa cudurkii halgaaday<\/em><\/p>\n<p><em>Waxaa jahligii haleelay<\/em><\/p>\n<p><em>Waxaa gaajadii hirdiyey<\/em><\/p>\n<p><em>Horseed cilmiyeed miyaa?\u201d<\/em>\u2013<span class=\"Apple-converted-space\">\u00a0<\/span><strong>Abwaan Maxamed Xaashi Dhamac (Gaarriye) AHUN.<\/strong><\/p>\n<p>Soon-qaad suubban dhammaan walaalahayga Soomaalida ah. Qormadan baan doonaya in aan idin la wadaago maanta, kaddib markaan arkey in aynnu ku dawakhnay siyaasaddii iyo dawladnimadii; kala saari weynnay hoggaamiyihii iyo aqoonyahankii; dawladdii iyo siyaasaddii; wanaaggi iyo xumaantii, iwm. Qormadan waxaynnu kaga faalloon doonnaa unugga ay siyaaaddu ka soo if-baxday iyo ilaahey [subxaanahu watacaalaa] wuxuu aayadkiisa Quraanka kaga yidhi hoggaaminta. Waxa kale oo aynnu wax ka soo qaadan doonnaa labadanin ee faylasuufyada ah; Plato iyo Aristotel iyoaragtiyahoodii ku wajahnaa siyaasadda.<\/p>\n<p>Haddaynu isku deyno inaynu raadcaynno asalka iyo isha ay ka soo ifbaxday weedha ah<span class=\"Apple-converted-space\">\u00a0<\/span><em>Siyaasad,<\/em><span class=\"Apple-converted-space\">\u00a0<\/span>afka qalaadna loo yaqaan \u2018Politics\u2019, waxa la tilmaamaa in ereygani asal ahaan ka yimid luqadda Giriigga. Waxa jira afar weedhood oo loo nisbeeyo in siyaasaddu kasoo jeedda ama ka timid: Politikos, Polites, Polis, Politei.<\/p>\n<p>Marka loo eegayo xididka iyo asalka ay siyaasaddu katimid, afar taas baa loo aaneeya iney katimid weedh ahaan. Guud ahaanna qeexitaanka siyaasadda waxa lagu macneeya: waa xidhiidhka ka dhexeeya muwaadinka iyo nidaamka dawladnimo ee la unkey. Aristotel waa faylasuufkii ugu horreeyey ee sharaxey ama isticmaaley kalmadda \u201cPolitei\u201d\u2014 kaas oo uu uga jeeday \u2018Politics\u2019; Aristotel wuxuu weedha siyaasadda ku qeexey sidan: Siyaasaddu\u2014 waa nooc kamid ah aqoonta, kaas oo ruuxa noloshiisu ku qotonto, kuna salleysan tahay xukun iyo maamul.<\/p>\n<p>Siddeedaba falsafadda siyaasaddu waa maaddo la xiriirta dawladnimada iyo muwaadinka, taas oo muwaadinka la ga haqabtirayo dhammaan baahiyihiisa gundhiga ah ama aasaasiga ah. Falsafadda siyaasaddu\/Political philosophy, kama mid aha shanta laamood ee falsafadda, balse waa qeyb door weyn kaga jirta seerayaasha falsafadda.\u00a0 Falsafadda siyaasadda waxey inoo saamaxeysaa ineynnu qeexno oo fahamno xukunkasta in ficiladiisu yihiin kuwo wanaagsan ama xun, caddaalad ama caddalad-darro ah, sharciga waafaqasan ama aan waafaqsaneyn. Inakoo raaceyna baadhitaanno iyo tarjumaado ku aaddan Siyaasadd, waxaan u qalin qaatey in aan qeexo maxnaha siyaasadda. Maxaa dawlad u saamaxa iney noqoto mid maamul-wanaagsan.? Waa kuma hoggaamiyaha wanaagsani? Qeybaha dawladnimada?\u00a0 Su\u2019aalaas ayuu mawduuceennu ku qotoma akhriste.<\/p>\n<p>Marka loo eego aragtida uu filosoof Plato ka heystey dawladnimada wuxuu ku macneeyey iney tahay: dawladu tahay shakhsiyaad midoobey. Dadka wanaagsannina waxey unkaan dawlad dhameystiran oo shuruudihii looga baahna buuxisay. Sidoo kalena tani macnaheedu waxey tahay in dawlad kasta iyo xukunkaast i\u2019 uu tilmaamayo dadkeeda [Haddii ay xukuumaddu noqoto mid hoggaankeeda iyo maamulkeeduba liito, dadkeeduna waa la mid]. Si aynnu haddaba dawladnimada u ga hadalno waa ineynu ugu horreyn faaqidnaa sida ay muwaadiniinteedu yihiin. \/ In order to say something about a given state; it is necessary to know its first citizens.<\/p>\n<p>Haddii qof doonayo in uu abuuro xukun iyo dawlad wanaagsan, waa in uu muwaadiniinteeda ka dhigaa kuwo wanaagsan. Maadaama ashqaasta dawladnimadda hooggaaminaya ay yihiin dad kasoo dhex baxey shacabka [Society]. Aragtidan uu Plato rumeysnaa waxey muujineysaa xidhiidh ka ka dhexeeya shakhsiga muwaadinka ah iyo dawladnimada<\/p>\n<p><strong>Dabeecadda Bini\u2019aadamka:<\/strong><\/p>\n<p>Marka loo eegayayo Plato, wuxuu tibaaxey in dabeecadda ama sameyska aadunuhu uu ka kooban yahay: Jismi iyo Ruux. Sida caadiga ahba jidhku wuxuu ka dhex sameyskaa adduunkan aynnu joogno, halka ay ruuxdana qofkuna ka timaado adduunka kale [Samadda]. Ruuxdu waa hagaha jismiga iyo dhammaan xubnaha kale oo dhan. Jismigu wuxuu ka kooban yahay saddex xubnood oo aas-aas u ah aadanaha; Maskax, Wadne, iyo Calool. Midkastaana shaqo gooni ah ayuu qabtaa. Intaas waxa ka dambeysa ruuxda oo ah ta waxkasta suurogal ka dhigeysa iney shaqeeyaan.\u00a0 Haddaba waa kuma qofka dhameystirani? Waa ruuxa dhameystiran muuqaal ahaan iyo nafiyaad ahaan ba\/ Physiologically iyo Psychologically, baa la odhan karaa waa ruuxa dhameystiran. Marka xubnaha jismigu ay dhan yihiin iyago aaney saameyn cuduro iyo xanuuno kale baa loo yaqaan \u2019Kaamil\u2019. Sidaas si lamid ah nafta ama ruuxduna waxey kaamil noqotaa marka aannu jirin isku buuq iyo arrimo nafsiyeed.<\/p>\n<p>Sidoo kale filosoof Plato, wuxuu aaminsannaa\u2014in ruuxdu ka kooban tahay saddex qeybood oo kala duwan;<span class=\"Apple-converted-space\">\u00a0<\/span><strong>Garaad<\/strong>,<span class=\"Apple-converted-space\">\u00a0<\/span><strong>dareen<\/strong>, iyo<span class=\"Apple-converted-space\">\u00a0<\/span><strong>jamasho<\/strong>.\u00a0 Garaadku ruuxa wuxuu ka caawiyaa inuu fekero, doodo, hadlo. Dareenkuna ruuxa waa kan ka dhigi kara geesi ama doqon. Qeybta u dembeysa ee jamashada ahna waa tan ku aaddan cuntada, cabitaanka, iyo galmada. IWM.<\/p>\n<p>Haddaba xikmada aynnu uga jeedno waxey tahay, bini\u2019aadamka siddiisaba saddex qeybood baa mid ahaani shaqeysaa, waxa dhici kartaa in qofku uu saddexdaas koobsado, balse inta badan aadanahu ma buuxiyaan saddexdaas. Qofka jamashada badani waxkale ma xeeriyo, waanna sababta aad u aragto qof hammad badan, ama cunto badan. Doqonkuna waa mooge aan waxba kala socon koonka, halka garaad badnuhuna uu waxkasta la socdo. Siyaasiga Afrikaan ahi waa kan had iyo goor jamashada badan dhul iyo boob iyo cunto baa caaddo u ah. Maadama uu xidhiidh toos ah\u00ed ka dhexeeyo ruuxa iyo dawladda waxaa la odhan karaa, dawlad kastaa waa shakhsiyaad ka soo dhex baxey shacabka ama umadda. Sidaas darteed marka uu madaxweyne noqdo ama wasiir noqdo, dabeecaddahaas mid ahaan ayuu la soo baxayaa. Waana halka aynnu weli fahmi la\u2019anahey.<\/p>\n<p>Haddaba yaa shacabka xukumi karo ama hoggaamiye noqon karaa\/ Who should rule? Annigu waxaan aaminsanahey in qofka ay aqoontiisu dhisan tahay kana aqoon badan asaagii, baa noqon karaa hoggaamiyaha dhabta ah ee bulsho xukumi karaa. Sidoo kalena, bartey culuumta hoggaaminta iyo maamulka, waayo aqoontu wey ka duwan tahay hoggaaminta. Cilmi iyo aqoon gaar ah bey u baahan tahay xukunka iyo hoggaamintu. Mid kamid ah dhibaatooyinka bulshada somaaliyeed heysta, waxey inta badan isku dhex qaldaan\u2014Hoggaamiyaha iyo aqoonyahanka. Waxey ku odhanayaan hebel waa aqoonyahan. \u201cRuux kasta oo aqoonyahan ah\u00ed, ma noqon karo hoggaamiye\u201d. Shakespear waa kii lahaa: \u201cQofkasta isagoo cunnug ah ayuu dhashey, balse ma uu dhalan isagoo hoggaamiye ah\u201d\/everybody is a born baby not a leader.<\/p>\n<p>Xukunka wanaagsani wuxuu ka dhex dhashaa dad wanaagsan..! Xukun kastaana ma wanaagsana, dastuurka waddan leeyahay wuu wanaagsanaan karaa, wuuna xumaan karaa, horumarka maaddiga ah ee waddanka gaadhaana, waxaa gaadhsiiya hoggaamiyaha heysta. Laakin labo shardi waa inuu Hoggaamiyuhu buuxiyaa, ama lagu tilmaami karaa hoggaamiye wax qabad ah.<\/p>\n<ol>\n<li style=\"margin: 12px 0px; padding: 0px; font-size: 12px; font-family: Arial, 'Arial Unicode MS', Helvetica, sans-serif; text-align: justify; color: #000000; overflow: visible;\">Waa in akhlaaqdiisu dhameystirsan tahay oo uu a haada qof sharaf leh, dulqaad iyo samirna leh. Sidoo kalena yahay mid soo gudbin karaa waxa uu xambaarsan yahay.<\/li>\n<li style=\"margin: 12px 0px; padding: 0px; font-size: 12px; font-family: Arial, 'Arial Unicode MS', Helvetica, sans-serif; text-align: justify; color: #000000; overflow: visible;\">Inuu dhaqaalaha waddanka si wacan u maamuli karo, isagaa dabagal iyo baadhitaanno tiro badan falkinaya. Labadaas qodob haddii Hoggaamiyuhu buuxiyo, madaxweyne in lagu tibaaxo wuu istaahilaa.<\/li>\n<\/ol>\n<p><strong>Afarta weji ee dawladnimada u xun:<\/strong><\/p>\n<p>\u00b7\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0<span class=\"Apple-converted-space\">\u00a0<\/span><strong>Xukun Mujaahid\u201dTimocracy\u201d:<\/strong>Waa iyadoo ay xukunka qabsadaan dad mujaahiddiin isku magaacaaba amaba sida runtii ah usoo halgamey waddanka ay xukumayaan. U jeeddada ugu weyn ee dadka ka leeyihiinna waa\u2014in la maamuuso lana sharfo.<\/p>\n<p>\u00b7\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0<span class=\"Apple-converted-space\">\u00a0<\/span><strong>Xukunka hantiilayaasha\u201d Oligarchy\u201d:<\/strong>Marmarka qaarkood na waxaa loo gu yeedhaa \u201cPlutocracy\u201d. Waxaa badanaa xukunkani ku salleysan yahay dadka hantiilayaasha ah. Waxaa waddanka xukunkiisa heynayaa dadka Taajiriinta ah\/ Elite. Ama dabaqadda sarre. Xukunkan noocan ahina ma sii waaro o\u2019 waxaa dagaal ba\u2019ani ka dhex dhashaa dadka faqiiriinta ah, iyo kuwo lacagta leh. Waayo dadka lacagta lihi cidna ma daneynayaa oo sidii ay hanti badan u keydsan lahaayeen bey raacdadeeda ku jiraan.<\/p>\n<p>\u00b7\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0<span class=\"Apple-converted-space\">\u00a0<\/span><strong>Dimuqraadiyadda \u201cDemocracy<\/strong>\u201d: Laga soo bilaabo ilaa cahdigii Giriigga, dimuqraadiyaddu waxey aheyd mid ku tilmaaman khasaare<strong>.<\/strong>dhibaatooyinka ugu xajmiga weyn ee laga dhaxley xukunka dimuqraadiyadda ku salleysan, waa in la heley xorriyad la buun-buuniyey, sababtey na in ixtiraam iyo maamusidii hoggaamiyayaashu la haayeen lunto. Kii aqoonta lahaa iyo kii aan la heyniba wuxuu doonayaa inuu dooddo oo ka hadlo maamulka iyo jiritaankiisa. Waana aafooyinka ugu badan ee soomaali ahaan raggaadiyey, innana dumiyey.<\/p>\n<p>\u00b7\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0<span class=\"Apple-converted-space\">\u00a0<\/span><strong>Keligii-taliye \u201cTyranny\/Despotism\u201d:<\/strong>Saddexda qodob ee kor ku xusan ba, xukunkan marka loo eego wey ka roonyihiin. Se keligii-taliyuhu waa calooshii u shaqeysta dooneyn in dabadii la hadlo, tanna waa ta ugu xun ee si fudud shacab iyo dawladba noloshooda lumineysa.<\/p>\n<p>Dawladdu waxey bixisaa adeegyo badan oo ay kamid yihiin; iney ilaaliyaan nabad gelyada shacabka, dhisaan goobe caafimaad\/waxbarasho. IWM.\u00a0 Si uu ruuxkasta u gaadho himiladiisa cidda keliya ee u fududeyn kartaa waa xukunka uu ku hoos nool yahay. Run mise been? Muwaadinku wuxuu muwaadin noqon karaa marka baahiyihiisa la daboolo, u jeeddada xukunkuna waa iney soo saarto muwaadiniin tolmoon. Aristotel wuxuu citiqaadsanaa in haddii aaney dawladu awoodin in muwaadini fiican soo saarto, taas la gu ma tilmaami karo dawlad, waa in waxkale lagu tilmaamo waxkale.<\/p>\n<p><strong><span dir=\"RTL\">\u06d6<\/span><\/strong><strong>\ufed7\u064e\ufe8e\ufedf\u064f\ufeee\ufe8d<\/strong><strong>\ufeed\u064e\ufee3\u064e\ufe8e<\/strong><strong>\ufedf\u064e\ufee8\u064e\ufe8e<\/strong><strong>\ufe83\u064e\ufedf\u064e\u0651<\/strong><strong>\ufecb\u064e\ufeb4\u064e\ufef4\u0652\ufe98\u064f\ufee2\u0652<\/strong><strong>\ufe87\u0650\ufee5\u0652<\/strong><strong>\ufedb\u064f\ufe98\u0650\ufe90\u064e<\/strong><strong>\ufecb\u064e\ufee0\u064e\ufef4\u0652\ufedc\u064f\ufee2\u064f<\/strong><strong>\ufe8d\ufedf\u0652\ufed8\u0650\ufe98\u064e\ufe8e\ufedd<\/strong><strong>\ufee7\u064f\ufed8\u064e\ufe8e\ufe97\u0650\ufede\u0652<\/strong><strong>\ufed3\u0650\ufef2<\/strong><strong>\ufeb3\u064e\ufe92\u0650\ufef4\ufede\u0650<\/strong><strong>\ufe8d\ufedf\ufee0\u064e\u0651\ufeea\u0650<\/strong><strong><span dir=\"RTL\">\u06d6<\/span><\/strong><strong>\ufed7\u064e\ufe8e\ufedd\u064e<\/strong><strong>\ufeeb<\/strong><strong><span dir=\"RTL\">\u064e<\/span><\/strong><strong>\ufe87\u0650\ufeb3\u0652\ufeae\u064e\ufe8d\ufe8b\u0650\ufef4\ufede\u064e<\/strong><strong>\ufee3\u0650\ufee6\u0652<\/strong><strong>\ufe91\u064e\ufecc\u0652\ufeaa\u0650<\/strong><strong>\ufee3\u064f\ufeee\ufeb3\u064e\ufef0\u0670<\/strong><strong>\ufe87<\/strong><strong>\ufe83\u064e\ufedf\u064e\ufee2\u0652<\/strong><strong>\ufe97\u064e\ufeae\u064e<\/strong><strong>\ufe87\u0650\ufedf\u064e\ufef0<\/strong><strong>\ufe8d\ufedf\u0652\ufee4\u064e\ufee0\u064e\ufe88\u0650<\/strong><strong>\ufee3\u0650\ufee6\u0652<\/strong><strong>\ufe91\u064e\ufee8\u0650\ufef2<\/strong><\/p>\n<div><\/div>\n<p><strong>\ufe91\u0650\ufe8e\ufedf\ufec8\u064e\u0651\ufe8e\ufedf\u0650\ufee4\u0650\ufef4\ufee6\u064e<\/strong><strong><span dir=\"RTL\">\ufd3f<\/span><\/strong><strong>\ufe8d\ufedf\ufe92\ufed8\ufeae\ufe93<\/strong>: \u00a0<strong>\ufe87\u0650\ufedf\u064e\u0651\ufe8e<\/strong><strong>\ufed7\u064e\ufee0\u0650\ufef4\ufee0\u064b\ufe8e<\/strong><strong>\ufee3\u0650\ufee8\u0652\ufeec\u064f\ufee2\u0652<\/strong><strong><span dir=\"RTL\">\u06d7<\/span><\/strong><strong>\ufeed\u064e\ufe8d\ufedf\ufee0\u064e\u0651\ufeea\u064f<\/strong><strong>\ufecb\u064e\ufee0\u0650\ufef4\ufee2\u064c<\/strong><strong>\ufed3\u064e\ufee0\u064e\ufee4\u064e\u0651\ufe8e<\/strong><strong>\ufedb\u064f\ufe98\u0650\ufe90\u064e<\/strong><strong>\ufecb\u064e\ufee0\u064e\ufef4\u0652\ufeec\u0650\ufee2\u064f<\/strong><strong>\ufe8d\ufedf\u0652\ufed8\u0650\ufe98\u064e\ufe8e\ufedd\u064f<\/strong><strong>\ufe97\u064e\ufeee\u064e\ufedf\u064e\u0651\ufeee\u0652\ufe8d<\/strong><strong>\ufe83\u064f\ufea7\u0652\ufeae\u0650\ufe9f\u0652\ufee8\u064e\ufe8e<\/strong><strong>\ufee3\u0650\ufee6\u0652<\/strong><strong>\ufea9\u0650\ufef3\u064e\ufe8e\ufead\u0650\ufee7\u064e\ufe8e<\/strong><strong>\ufeed\u064e\ufe83\u064e\ufe91\u0652\ufee8\u064e\ufe8e\ufe8b\u0650\ufee8\u064e\ufe8e<\/strong><strong><span dir=\"RTL\">\u06d6<\/span><\/strong><strong>\ufee7\u064f\ufed8\u064e\ufe8e\ufe97\u0650\ufede\u064e<\/strong><strong>\ufed3\u0650\ufef2<\/strong><strong>\ufeb3\u064e\ufe92\u0650\ufef4\ufede\u0650<\/strong><strong>\ufe8d\ufedf\ufee0\u064e\u0651\ufeea\u0650<\/strong><strong>\ufeed\u064e\ufed7\u064e\ufeaa<\/strong><strong>\ufe8e<\/strong><strong>\ufe97\u064f\ufed8\u064e\ufe8e\ufe97\u0650\ufee0\u064f\ufeee\ufe8d<\/strong><\/p>\n<p><strong><span dir=\"RTL\">\u0662\u0664\u0666\ufd3e<\/span><\/strong><strong>)<\/strong><\/p>\n<p>Aayaddan ku jirta suuratul Baqra 246- waxey tilmaameysaa in Hoggaamiyuhu lahaado labo sifo:<\/p>\n<ol>\n<li style=\"margin: 12px 0px; padding: 0px; font-size: 12px; font-family: Arial, 'Arial Unicode MS', Helvetica, sans-serif; text-align: justify; color: #000000; overflow: visible;\">Aqoon [=aqoon uu wax uu wax ku hoggaamiyo isagoo adeegsanaya aqoontiisa iyo xikmadiisa]<\/li>\n<li style=\"margin: 12px 0px; padding: 0px; font-size: 12px; font-family: Arial, 'Arial Unicode MS', Helvetica, sans-serif; text-align: justify; color: #000000; overflow: visible;\">Awood [ = awood uu go\u2019aano geesinnimo leh ku qaadan karo]<\/li>\n<\/ol>\n<p><strong>\ufe83\u064e\ufef3\u064e\u0651\ufee4\u064e\ufe8e<\/strong><strong>\ufe8d\ufedf\u0652\ufe84\u064e\ufe9f\u064e\ufee0\u064e\ufef4\u0652\ufee6\u0650<\/strong>\u00a0<span class=\"Apple-converted-space\">\u00a0<\/span><strong>\ufed3\u064e\ufee0\u064e\ufee4\u064e\u0651\ufe8e<\/strong><strong>\ufed7\u064e\ufec0\u064e\ufef0\u0670<\/strong><strong>\ufee3\u064f\ufeee\ufeb3\u064e\ufef0<\/strong><strong>\ufe8d\ufedf\u0652\ufe84\u064e\ufe9f\u064e\ufede\u064e<\/strong><strong>\ufeed\u064e\ufeb3\u064e\ufe8e\ufead\u064e\ufee3\u064e\ufe8e<\/strong><strong>\ufee7\u064e\ufed8\u064f\ufeee\ufedd\u064f<\/strong><strong>\ufeed\u064e\ufedb\u0650\ufef4\ufede\u064c<\/strong><strong>\ufe8d\ufedf\ufed8\ufebc\ufeba<\/strong>:<span class=\"Apple-converted-space\">\u00a0<\/span><strong><span dir=\"RTL\">\u0662\u0668<\/span><\/strong><strong><span dir=\"RTL\">\u0670<\/span><\/strong><strong>\ufed7\u064e\ufec0\u064e\ufef4\u0652\ufe96\u064f<\/strong><strong>\ufed3\u064e\ufee0\u064e\ufe8e<\/strong><strong>\ufecb\u064f\ufeaa\u0652\ufeed\u0670\ufee5\u064e<\/strong><strong>\ufecb\u064e\ufee0\u064e\ufef0\u064e\u0651<\/strong><strong><span dir=\"RTL\">\u06d6<\/span><\/strong><strong>\ufeed\u064e\ufe8d\ufedf\ufee0\u064e\u0651<\/strong><strong><span dir=\"RTL\">\u0640<\/span><\/strong><strong>\ufeea\u064f<\/strong><strong>\ufecb\u064e\ufee0\u064e\ufef0\ufed7\u064e\ufe8e\ufedd\u064e<\/strong><strong>\ufeab\u0670\ufedf\u0650\ufeda\u064e<\/strong><strong>\ufe91\u064e\ufef4\u0652\ufee8\u0650\ufef0<\/strong><strong>\ufeed\u064e\ufe91\u064e\ufef4\u0652\ufee8\u064e\ufeda\u064e<\/strong><\/p>\n<p><span class=\"Apple-converted-space\">\u00a0<\/span><strong>\ufee3\u0650\u0651\ufee6\u064e<\/strong><strong>\ufe8d\ufedf\ufee8\u064e\u0651\ufe8e\ufead\u0650<\/strong><strong>\ufedf\u064e\ufecc\u064e\ufee0\u064e\u0651\ufedc\u064f\ufee2\u0652<\/strong><strong>\ufe97\u064e\ufebc\u0652\ufec4\u064e\ufee0\u064f\ufeee\ufee5\u064e<\/strong><strong><span dir=\"RTL\">\ufd3f<\/span><\/strong><strong>\ufedf\u064e\u0651\ufecc\u064e\ufee0\u0650\u0651\ufef0\u0653<\/strong><strong>\ufe80\u064e\ufe8d\ufe97\u0650\ufef4\ufedc\u064f\ufee2<\/strong><strong>\ufee3\u0650\u0651\ufee8\u0652\ufeec\u064e\ufe8e<\/strong><strong>\ufe91\u0650\ufea8\u064e\ufe92\u064e\ufeae\u064d<\/strong><strong>\ufe83\u064e\ufeed\u0652<\/strong><strong>\ufe9f\u064e\ufeac\u0652\ufeed\u064e\ufe93<\/strong><strong>\ufed7\u064e\ufe8e\ufedd\u064e<\/strong><strong>\ufedf\u0650\ufe84\u064e\ufeeb\u0652\ufee0\u0650\ufeea\u0650<\/strong><strong>\ufe8d\ufee3\u0652\ufedc\u064f\ufe9c\u064f\ufeee\u0653\ufe8d\u06df<\/strong><strong>\ufe87\u0650\ufee7\u0650\u0651\ufef0\u0653<\/strong><strong>\ufe80\u064e\ufe8d\ufee7\u064e\ufeb4\u0652\ufe96\u064f<\/strong><strong>\ufee7\u064e\ufe8e\ufead\u064b\ufe8d<\/strong><strong>\ufe91\u0650\ufe84\u064e\ufeeb\u0652\ufee0\u0650\ufeea\u0650<\/strong><strong><span dir=\"RTL\">\u06e6\u0653<\/span><\/strong><strong>\ufe80\u064e\ufe8d\ufee7\u064e\ufeb2\u064e<\/strong><strong>\ufee3\u0650\ufee6<\/strong><strong>\ufe9f\u064e\ufe8e\ufee7\u0650\ufe90\u0650<\/strong><strong>\ufe8d\ufedf\ufec4\u064f\u0651\ufeee\ufead\u0650<\/strong><strong>\ufee7\u064e\ufe8e\ufead\u064b\ufe8d<\/strong><\/p>\n<p><span class=\"Apple-converted-space\">\u00a0<\/span><strong>\ufe8d\ufedf\u0652\ufecc\u0670\ufee0\u064e\ufee4\u0650\ufef4\ufee6\u064e<\/strong><strong><span dir=\"RTL\">\ufd3f<\/span><\/strong><strong>\ufe8d\ufedf\ufed8\ufebc\ufeba<\/strong><strong>:<\/strong><strong><span dir=\"RTL\">\u0663<\/span><\/strong><strong><span dir=\"RTL\">\u06f0<\/span><\/strong><strong>\ufe8d\ufedf\ufeb8\u064e\u0651\ufea0\u064e\ufeae\u064e\ufe93\u0650<\/strong><strong>\ufe83\u064e\ufee5<\/strong><strong>\ufef3\u0670\ufee4\u064f\ufeee\ufeb3\u064e\ufef0\u0670\u0653<\/strong><strong>\ufe87\u0650\ufee7\u0650\u0651\ufef0\u0653<\/strong><strong>\ufe83\u064e\ufee7\u064e\ufe8e<\/strong><strong>\ufe8d\ufedf\ufee0\u064e\u0651<\/strong><strong><span dir=\"RTL\">\u0640<\/span><\/strong><strong>\ufeea\u064f<\/strong><strong>\ufead\u064e\ufe8f\u064f<\/strong><strong>\ufe8d\ufedf\u0652\ufe84\u064e\ufef3\u0652\ufee4\u064e\ufee6\u0650<\/strong><strong>\ufed3\u0650\ufef0<\/strong><strong>\ufe8d\ufedf\u0652\ufe92\u064f\ufed8\u0652\ufecc\u064e\ufe94\u0650<\/strong><strong>\ufe8d\ufedf\u0652\ufee4\u064f\ufe92\u0670\ufeae\u064e\ufedb\u064e\ufe94\u0650<\/strong><strong>\ufee3\u0650\ufed3\u064e\ufee0\u064e\ufee4\u064e\u0651\ufe82<\/strong><strong>\ufe83\u064e\ufe97\u064e\ufeef\u0670\ufeec\u064e\ufe8e<\/strong><strong>\ufee7\u064f\ufeee\ufea9\u0650\ufeef\u064e<\/strong><strong>\ufee3\u0650\ufee6<\/strong><strong>\ufeb7\u0670\ufec4\u0650\ufe8a\u0650<\/strong><strong>\ufe8d\ufedf\u0652\ufeee\u064e\ufe8d\ufea9<\/strong><strong>\ufe8d\ufedf\ufed8\ufebc\ufeba<\/strong>:<\/p>\n<p><span class=\"Apple-converted-space\">\u00a0<\/span><strong>\ufe8d\ufedd\u0652\ufe80\u064e\ufe8d\ufee3\u0650\ufee8\u0650\ufef4\ufee6\u064e<\/strong><strong><span dir=\"RTL\">\ufd3f<\/span><\/strong><strong>\ufe8d\ufedf\ufed8\ufebc\ufeba<\/strong><strong>:<\/strong><strong><span dir=\"RTL\">\u0663\u0661<\/span><\/strong><strong>\ufef3\u0670\ufee4\u064f\ufeee\ufeb3\u064e\ufef0\u0670\u0653<\/strong><strong>\ufe83\u064e\ufed7\u0652\ufe92\u0650\ufede\u0652<\/strong><strong>\ufeed\u064e\ufedf\u064e\ufe8e<\/strong><strong>\ufe97\u064e\ufea8\u064e\ufed2\u0652<\/strong><strong><span dir=\"RTL\">\u06d6<\/span><\/strong><strong>\ufe87\u0650\ufee7\u064e\u0651\ufeda\u064e<\/strong><strong>\ufee3\u0650\ufee6\u064e<\/strong><strong>\ufedb\u064e\ufe84\u064e\ufee7\u064e\u0651\ufeec\u064e\ufe8e<\/strong><strong>\ufe9f\u064e\ufe82\ufee5\u064c\u0651<\/strong><strong>\ufeed\u064e\ufedf\u064e\u0651\ufef0\u0670<\/strong><strong>\ufee3\u064f\ufeaa\u0652\ufe91\u0650\ufeae\u064b\ufe8d<\/strong><strong>\ufeed\u064e\ufedf\u064e\ufee2\u0652<\/strong><strong>\ufef3\u064f\ufecc\u064e\ufed8\u0650\u0651\ufe90\u0652<\/strong><strong><span dir=\"RTL\">\u06da<\/span><\/strong><strong>\ufeed\u064e\ufe83\u064e\ufee5\u0652<\/strong><strong>\ufe83\u064e\ufedf\u0652\ufed6\u0650<\/strong><strong>\ufecb\u064e\ufebc\u064e\ufe8e\ufed9\u064e<\/strong><strong><span dir=\"RTL\">\u06d6<\/span><\/strong><strong>\ufed3\u064e\ufee0\u064e\ufee4\u064e\u0651\ufe8e<\/strong><strong>\ufead\u064e\ufe80\u064e\ufe8d\ufeeb\u064e\ufe8e<\/strong><strong>\ufe97\u064e\ufeec\u0652\ufe98\u064e\ufeb0\u064f\u0651<\/strong><\/p>\n<p><strong>\ufe87\u0650\ufedf\u064e\ufef0\u0670<\/strong><strong>\ufed3\u0650\ufeae\u0652\ufecb\u064e\ufeee\u0652\ufee5\u064e<\/strong><strong>\ufeed\u064e\ufee3\u064e\ufee0\u064e\ufe88\u0650\ufef3\u06df\ufeea\u0650<\/strong><strong><span dir=\"RTL\">\u06e6\u0653<\/span><\/strong><strong><span dir=\"RTL\">\u06da<\/span><\/strong><strong>\ufe87\u0650\ufee7\u064e\u0651\ufeec\u064f\ufee2\u0652<\/strong><strong>\ufedb\u064e\ufe8e\ufee7\u064f\ufeee\ufe8d\u06df\ufee3\u0650\ufee6\u064e<\/strong><strong>\ufe8d\ufedf\ufeae\u064e\u0651\ufeeb\u0652\ufe90\u0650<\/strong><strong><span dir=\"RTL\">\u06d6<\/span><\/strong><strong>\ufed3\u064e\ufeac\u0670\ufee7\u0650\ufeda\u064e<\/strong><strong>\ufe91\u064f\ufeae\u0652\ufeeb\u0670\ufee8\u064e\ufe8e\ufee5\u0650<\/strong><strong>\ufee3\u0650\ufee6<\/strong><strong>\ufead\u064e\u0651\ufe91\u0650\u0651\ufeda\u064e<\/strong><strong>\ufee3\u0650\ufee6\u0652<\/strong><strong>\ufecf\u064e\ufef4\u0652\ufeae\u0650<\/strong><strong>\ufeb3\u064f\ufeee\u0653\ufe80\u064d<\/strong><strong>\ufeed\u064e\ufe8d\ufebf\u0652\ufee4\u064f\ufee2\u0652<\/strong><strong>\ufe87\u0650\ufedf\u064e\ufef4\u0652\ufeda\u064e<\/strong><strong>\ufe9f\u064e\ufee8\u064e\ufe8e\ufea3\u064e\ufeda\u064e<\/strong><strong>\ufe8d\ufeb3\u0652\ufee0\u064f\ufeda\u0652<\/strong><strong>\ufef3\u064e\ufeaa\u064e\ufed9\u064e<\/strong><strong>\ufed3\u0650\ufef0<\/strong><strong>\ufe9f\u064e\ufef4\u0652\ufe92\u0650\ufeda\u064e<\/strong><strong>\ufe97\u064e\ufea8\u0652\ufeae\u064f\ufe9d\u0652<\/strong><strong>\ufe91\u064e\ufef4\u0652\ufec0\u064e\ufe82\ufe80\u064e<\/strong><\/p>\n<p><strong>\ufe83\u064e\ufea7\u064e\ufe8e\ufed1\u064f<\/strong><strong>\ufe83\u064e\ufee5<\/strong><strong>\ufef3\u064f\ufedc\u064e\ufeac\u0650\u0651\ufe91\u064f\ufeee\ufee5\u0650<\/strong><strong><span dir=\"RTL\">\ufd3f<\/span><\/strong><strong>\ufe8d\ufedf\ufed8\ufebc\ufeba<\/strong><strong>:<\/strong><strong><span dir=\"RTL\">\u0663\u0664<\/span><\/strong><strong>\ufeed\u064e\ufe83\u064e\ufea7\u0650\ufef0<\/strong><strong>\ufeeb\u0670\ufeae\u064f\ufeed\ufee5\u064f<\/strong><strong>\ufeeb\u064f\ufeee\u064e<\/strong><strong>\ufe83\u064e\ufed3\u0652\ufebc\u064e\ufea2\u064f<\/strong><strong>\ufee3\u0650\ufee8\u0650\u0651\ufef0<\/strong><strong>\ufedf\u0650\ufeb4\u064e\ufe8e\ufee7\u064b\ufe8e<\/strong><strong>\ufed3\u064e\ufe84\u064e\ufea7\u064e\ufe8e\ufed1\u064f<\/strong><strong>\ufe83\u064e\ufee5<\/strong><strong>\ufef3\u064e\ufed8\u0652\ufe98\u064f\ufee0\u064f\ufeee\ufee5\u0650<\/strong><strong><span dir=\"RTL\">\ufd3f<\/span><\/strong><strong>\ufe8d\ufedf\ufed8\ufebc\ufeba<\/strong><strong>:<\/strong><strong><span dir=\"RTL\">\u0663\u0663<\/span><\/strong><strong>\ufed7\u064e\ufe8e\ufedd\u064e<\/strong><strong>\ufead\u064e\ufe8f\u0650\u0651<\/strong><strong>\ufe87\u0650\ufee7\u0650\u0651\ufef0<\/strong><strong>\ufed7\u064e\ufe98\u064e\ufee0\u0652\ufe96\u064f<\/strong><strong>\ufee3\u0650\ufee8\u0652\ufeec\u064f\ufee2\u0652<\/strong><strong>\ufee7\u064e\ufed4\u0652\ufeb4\u064b\ufe8e\ufed7\u064e\ufeee\u0652\ufee3\u064b\ufe8e<\/strong>\u00a0\u00a0<span class=\"Apple-converted-space\">\u00a0<\/span><strong>\ufed3\u0670\ufeb4\u0650\ufed8\u0650\ufef4\ufee6\u064e<\/strong>\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0<strong>\ufeed\u064e\ufeeb\u064e\ufede\u0652<\/strong><strong>\ufe83\u064e\ufe97\u064e\ufeef\u0670\ufeda\u064e<\/strong><strong>\ufee7\u064e\ufe92\u064e\ufe86\u064f\ufe8d\u06df<\/strong><strong>\ufe8d\ufedf\u0652\ufea8\u064e\ufebc\u0652\ufee2\u0650<\/strong><strong>\ufe87\u0650\ufeab\u0652<\/strong><strong>\ufe97\u064e\ufeb4\u064e\ufeee\u064e\u0651\ufead\u064f\ufeed<\/strong>\u00a0<span class=\"Apple-converted-space\">\u00a0<\/span><strong>\ufeed\u064e\ufeb7\u064e\ufeaa\u064e\ufea9\u0652\ufee7\u064e\ufe8e<\/strong><strong>\ufee3\u064f\ufee0\u0652\ufedc\u064e\ufeea\u064f<\/strong><strong><span dir=\"RTL\">\u06e5<\/span><\/strong><strong>\ufeed\u064e\ufe80\u064e\ufe8d\ufe97\u064e\ufef4\u0652\ufee8\u0670\ufeea\u064f<\/strong><strong>\ufe8d\ufedf\u0652\ufea4\u0650\ufedc\u0652\ufee4\u064e\ufe94\u064e\ufeed\u064e\ufed3\u064e\ufebc\u0652\ufede\u064e<\/strong><strong>\ufe8d\ufedf\u0652\ufea8\u0650\ufec4\u064e\ufe8e\ufe8f\u0650<\/strong><strong><span dir=\"RTL\">\ufd3f<\/span><\/strong><strong>\ufeb9<\/strong>:<span class=\"Apple-converted-space\">\u00a0<\/span><strong><span dir=\"RTL\">\u0662<\/span><\/strong><strong>\ufedf\ufed8\ufebc\ufeba<\/strong>:<span class=\"Apple-converted-space\">\u00a0<\/span><strong><span dir=\"RTL\">\u0663\u0662<\/span><\/strong><\/p>\n<p><span class=\"Apple-converted-space\">\u00a0<\/span><strong>\ufeed\u064e\ufedb\u064f\ufeee\ufee7\u064f\ufeee\ufe8d\u06df<\/strong><strong>\ufee3\u064e\ufeca\u064e<\/strong><strong>\ufe8d\ufedf\ufebc\u0651\u0670\ufeaa\u0650\ufed7\u0650\ufef4\ufee6\u064e<\/strong><strong><span dir=\"RTL\">\ufd3f<\/span><\/strong><strong>\ufe8d\ufedf\ufe98\ufeee\ufe91\ufe94<\/strong>:<span class=\"Apple-converted-space\">\u00a0<\/span><strong><span dir=\"RTL\">\u0661\u0661\u0669<\/span><\/strong><strong>\ufef3\u0670\u0653\ufe84\u064e\ufef3\u064f\u0651\ufeec\u064e\ufe8e<\/strong><strong>\ufe8d\ufedf\u064e\u0651\ufeac\u0650\ufef3\ufee6\u064e<\/strong><strong>\ufe80\u064e\ufe8d\ufee3\u064e\ufee8\u064f\ufeee\ufe8d\u06df<\/strong><strong>\ufe8d\ufe97\u064e\u0651\ufed8\u064f\ufeee\ufe8d\u06df<\/strong><strong>\ufe8d\ufedf\ufee0\u064e\u0651<\/strong><strong><span dir=\"RTL\">\u0640<\/span><\/strong><strong>\ufeea\u064e\ufedf\u0652\ufe84\u064e\ufeed\u064e\u0651\ufedf\u0650\ufef4\ufee6\u064e<\/strong><strong><span dir=\"RTL\">\ufd3f<\/span><\/strong><strong>\ufe8d\ufedf\ufea4\ufea0\ufeae<\/strong><strong>\ufedf\u064e\ufe8e<\/strong><strong>\ufef3\u064f\ufe86\u0652\ufee3\u0650\ufee8\u064f\ufeee\ufee5\u064e<\/strong><strong>\ufe91\u0650\ufeea\u0650<\/strong><strong><span dir=\"RTL\">\u06e6<\/span><\/strong><strong><span dir=\"RTL\">\u06d6<\/span><\/strong><strong>\ufeed\u064e\ufed7\u064e\ufeaa\u0652<\/strong><strong>\ufea7\u064e\ufee0\u064e\ufe96\u0652<\/strong><strong>\ufeb3\u064f\ufee8\u064e\u0651\ufe94\u064f<\/strong><\/p>\n<p>Dhammaan aayadka kala ah: Al-Baqrah 246, Sad: 20-38, Al-Qasas:28-34, Al-Hujrat: 49-13. Waxay koobsanayaan sagaalkan sifo, kaas oo ilaahey quraankiisa ku sheegey in hoggaamiyaha la ga helo.<\/p>\n<ol>\n<li style=\"margin: 12px 0px; padding: 0px; font-size: 12px; font-family: Arial, 'Arial Unicode MS', Helvetica, sans-serif; text-align: justify; color: #000000; overflow: visible;\">Aqoon [=aqoon uu wax uu wax ku hoggaamiyo isagoo adeegsanaya aqoontiisa iyo xikmadiisa]<\/li>\n<li style=\"margin: 12px 0px; padding: 0px; font-size: 12px; font-family: Arial, 'Arial Unicode MS', Helvetica, sans-serif; text-align: justify; color: #000000; overflow: visible;\">Awood [=awood uu go\u2019aano geesinnimo leh ku qaadan karo]<\/li>\n<li style=\"margin: 12px 0px; padding: 0px; font-size: 12px; font-family: Arial, 'Arial Unicode MS', Helvetica, sans-serif; text-align: justify; color: #000000; overflow: visible;\">Ka garnaqis\/ Sound judgement [= in qofka madaxweynaha noqonayaa uu garta iyo muranka yareyn karaa]<\/li>\n<li style=\"margin: 12px 0px; padding: 0px; font-size: 12px; font-family: Arial, 'Arial Unicode MS', Helvetica, sans-serif; text-align: justify; color: #000000; overflow: visible;\">Dulqaad [=In qofku dulqaad yeesho waxey ka saacideysaa in uu wax badan ka fiirsado]<\/li>\n<li style=\"margin: 12px 0px; padding: 0px; font-size: 12px; font-family: Arial, 'Arial Unicode MS', Helvetica, sans-serif; text-align: justify; color: #000000; overflow: visible;\">Caddalad [= in ruuxa hoggaamiyaha doonaya ah uu caddaalad sameyn karaa]<\/li>\n<li style=\"margin: 12px 0px; padding: 0px; font-size: 12px; font-family: Arial, 'Arial Unicode MS', Helvetica, sans-serif; text-align: justify; color: #000000; overflow: visible;\">Xidhiidh bulsho [=in uu bulshada dhex geli karaa, oo aannu meel ku faquuqin, faqiir iyo taajirba waa inuu la dhaqmi karaa]<\/li>\n<li style=\"margin: 12px 0px; padding: 0px; font-size: 12px; font-family: Arial, 'Arial Unicode MS', Helvetica, sans-serif; text-align: justify; color: #000000; overflow: visible;\">Taqwo [= waa inuu yahay qof ilaahey ka cabsanooya, oo Eebbihii abuurey ka xishoonaya]<\/li>\n<li style=\"margin: 12px 0px; padding: 0px; font-size: 12px; font-family: Arial, 'Arial Unicode MS', Helvetica, sans-serif; text-align: justify; color: #000000; overflow: visible;\">Naxariis[ =inuu ahaado mid naxariis badan, oo kii dulman u gar-gaara]<\/li>\n<li style=\"margin: 12px 0px; padding: 0px; font-size: 12px; font-family: Arial, 'Arial Unicode MS', Helvetica, sans-serif; text-align: justify; color: #000000; overflow: visible;\">Run[= beentu waa xaaraan, runtu se waa sadaqo iyo akhlaaq]<\/li>\n<\/ol>\n<p>Diinteena islaamku waxey ina fareysaa in ruuxa hoggaamiye doonaya ama ahiba, uu sifaadkaa yeesho, haddii kale hoggaamiye loo ma aqoonsanayo. Waxaan rajeynayaa in bulshadeeda somaaliyeed ee halbeegi ka hallaabey, iney raacaan kitaabka alle iyo astaamahaas Quraankeenna ku xusan [Waa haddii la doonayo horumar iyo barwaaqo waara]. Qabyaaladda waxaan jeclaan lahaa in laga fogaado, qabyaaladda waxaa isticmaala qofka \u2018fuleyga\u2019 ah iyo kan \u2018jaahilka\u2019 ah. Wabbilaahi tawfiiq<\/p>\n<p><strong><em>Xaaji Aadan Af-qallooc<span class=\"Apple-converted-space\">\u00a0<\/span><\/em><\/strong>miyaanu odhan:<\/p>\n<p><em>Afkaa laga maqlaa maaddadiyo, ereyga qaanuune,<\/em><\/p>\n<p><em>Faqii guriga lagu soo ebeyay, ka akhriyeen koore,<\/em><\/p>\n<p><em>Aqoon laawe laaluush cuniyo, aafo daba gab ah,<\/em><\/p>\n<p><em>Iyo oday ergo ah baa sharciga, dila abidkoode,<\/em><\/p>\n<p><em>Eexdiyo rishwadu waxay dhalaan, uurxumiyo ciile<\/em><\/p>\n<p><em>Aanaduna cadliga laga tagay, aabaheed tahaye,<\/em><\/p>\n<p><em>Aargoosigiisiyo dulmigu, waa isu adeere,<\/em><\/p>\n<p><em>Marka xaqa la awdaa tolmino loo abtiriyaaye.<\/em><\/p>\n<p><strong>Facebook:<\/strong>Cabdixakiim-Tiyari<\/p>\n<p><strong>Email:<span class=\"Apple-converted-space\">\u00a0<\/span><\/strong><span id=\"cloak7349\"><a style=\"margin: 0px; padding: 0px; font-size: 13px; font-family: Arial, 'Arial Unicode MS', Helvetica, sans-serif; text-align: left; text-decoration: none; color: #2340e1;\">Abdi.177@hotmail.com<\/a><\/span><\/p>\n<p>Addis Ababa, Ethiopia<\/p>\n<p><strong>SI-ARAG \u00a9<span class=\"Apple-converted-space\">\u00a0<\/span><\/strong><a style=\"margin: 0px; padding: 0px; font-size: 13px; font-family: Arial, 'Arial Unicode MS', Helvetica, sans-serif; text-align: left; text-decoration: none; color: #2340e1;\" href=\"http:\/\/www.weedhsan.com\/\"><strong>Weedhsan<span class=\"Apple-converted-space\">\u00a0<\/span><\/strong><\/a><strong>Corporation<\/strong><\/p>\n<div><\/div>\n<div class=\"spcomments_fb\">\u00a0<img decoding=\"async\" src=\"http:\/\/www.weedhsan.com\/files\/Abdihakiin_Tiyaari.jpg\" \/><\/div>\n<div class=\"spcomments_fb\">&#8212;&#8212;&#8212;&#8212;&#8212;&#8212;&#8212;&#8212;&#8212;&#8212;&#8212;&#8212;&#8212;&#8212;&#8212;&#8212;&#8212;&#8212;&#8212;&#8212;&#8212;&#8212;&#8212;&#8212;&#8212;&#8212;&#8212;&#8212;&#8212;&#8212;&#8212;&#8212;&#8212;&#8212;&#8212;&#8212;&#8212;&#8212;&#8212;&#8212;&#8212;&#8212;&#8212;&#8212;&#8212;&#8212;&#8212;&#8212;&#8212;&#8212;-<\/div>\n<div class=\"spcomments_fb\">\n<p><span style=\"margin: 0px; line-height: 115%; font-family: 'Times New Roman','serif'; font-size: 14pt;\"><span style=\"color: #000000;\">Gacanlibaaxnews masuul ka ma aha habka iyo curinta qoraalkan ee waa fikir iyo aragti u gaar ah qoraha. Waxa se Gacanlibaaxnews masuuliyadi ka saran tahay hubinta iyo kala haadinta ka qoraallada ka hor inta aanaan idiin soo baahin.<\/span><\/span><\/p>\n<\/div>\n<\/div>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>\u201cWaxaa cirka lagu hujuumay Waxaa dhulka lagu hubsaday Waxaa badahaa hugmaaya Bidhaansha guntooda hoose Waxaa uummiyaha hanuunshay Waxaa cudurkii halgaaday Waxaa jahligii haleelay Waxaa gaajadii hirdiyey Horseed cilmiyeed miyaa?\u201d\u2013\u00a0Abwaan Maxamed Xaashi Dhamac (Gaarriye) AHUN. Soon-qaad suubban dhammaan walaalahayga Soomaalida ah. Qormadan baan doonaya in aan idin la wadaago maanta, kaddib markaan arkey in aynnu ku [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":7089,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3],"tags":[],"class_list":["post-7088","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-maqaallo"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/7088","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=7088"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/7088\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":7090,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/7088\/revisions\/7090"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/7089"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=7088"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=7088"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=7088"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}