{"id":7091,"date":"2017-02-11T05:53:49","date_gmt":"2017-02-11T05:53:49","guid":{"rendered":"http:\/\/gacanlibaaxnews.com\/?p=7091"},"modified":"2017-02-11T05:53:49","modified_gmt":"2017-02-11T05:53:49","slug":"golaha-ammaanka-ee-qaramada-midoobey-oo-soo-dhoweeyay-doorashadii-farmaajo-ammaan-u-jeediyay-xasan-sheekh","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/?p=7091","title":{"rendered":"Golaha Ammaanka Ee Qaramada Midoobey oo soo dhoweeyay doorashadii Farmaajo, ammaan u jeediyay Xasan Sheekh"},"content":{"rendered":"<p>Golaga Ammaanka ee Qaramada Midoobey oo shir ku yeeshay magaalada New York ayaa soo dhoweeyay doorashadii Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed C\/llaahi Farmaajo, kaddib markii Arbacadii la soo dhaafay ay doorteen Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya.<span id=\"more-64274\"><\/span><\/p>\n<p class=\"entry-title single-entry-title\">\n<p>Golaha ammaanka ayaa bogaadiyay is bedelka cusub ee ka dhacay Soomaaliya iyo hanaanka xasilooni ee loo maray geeddi socodka siyaasada Soomaaliya.<\/p>\n<p>Waxaa ay sheegeen Golaha in mar walba ay ilaalinayaan madax bananaida Soomaaliya, xuduudaheeda, iyo midnimadeeda, iyagoo ugu baaqay Madaxweynaha cusub inuu soo magacaabo Ra\u2019iisul Wasaare<\/p>\n<p>Golaha ammaanka ayaa ammaanay Madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud sida sharafta leh ee dhakhsiyaha ah ee uu xilka u wareejiyay.<\/p>\n<p>Goluhu ayaa sheegay in madaxweynaha cusub looga baahan yahay inuu la yimaado, hanaan shaqo oo shacabka Soomaaliyeed ku qanci karaan, kana shaqeeyo, ammaanka, dib u heshiisiinta, wax qabadka abaaraha iyo arrimo kale.<\/p>\n<p class=\"entry-title single-entry-title\">\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Golaga Ammaanka ee Qaramada Midoobey oo shir ku yeeshay magaalada New York ayaa soo dhoweeyay doorashadii Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed C\/llaahi Farmaajo, kaddib markii Arbacadii la soo dhaafay ay doorteen Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya. Golaha ammaanka ayaa bogaadiyay is bedelka cusub ee ka dhacay Soomaaliya iyo hanaanka xasilooni ee loo maray geeddi socodka [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":2,"featured_media":7092,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[2],"tags":[],"class_list":["post-7091","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/7091","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/2"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=7091"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/7091\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":7093,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/7091\/revisions\/7093"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/7092"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=7091"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=7091"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=7091"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}