{"id":7442,"date":"2017-02-24T19:08:58","date_gmt":"2017-02-24T19:08:58","guid":{"rendered":"http:\/\/gacanlibaaxnews.com\/?p=7442"},"modified":"2017-02-24T19:08:58","modified_gmt":"2017-02-24T19:08:58","slug":"dawlada-ethiopia-oo-soomaalilaand-ugu-deeqday-raashin","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/?p=7442","title":{"rendered":"DAWLADA ETHIOPIA OO SOOMAALILAAND UGU DEEQDAY RAASHIN"},"content":{"rendered":"<div class=\"newscontent\">\n<p>Dawlada Somaliland ayaa maanta la wareegtay deeq Raashin loogu tallogalay dadka abaarahu waxyeeleeyeen ee gobolada dalka oo Dawlada Federaalka Itoobiya bixisay kana koobnayd 16 gawaadhida nooca is-jiidka ah magaalo-xuduudeedka Tog-Wajaale.<\/p>\n<p><img decoding=\"async\" class=\"alignnone  wp-image-22435\" src=\"http:\/\/i1.wp.com\/somalilandspan.com\/wp-content\/uploads\/2017\/02\/mn-300x148.png?resize=750%2C370\" alt=\"mn\" \/><\/p>\n<p>Raashinkan oo ka koobnaa laba iyo todobaatan kun Ton oo cuntooyin nafaqaysan ah, saddex kun Ton oo sareen iyo daqiiq ah, laba kun Ton bariis ah, boqol Ton buskut nafaqo ah, Bariis, Caano, Daqiiq iyo noocyada kale raashinkan, oo \u00a0wax weyn ka tari doonta taageerada xukuumada Somaliland iyo Guddiga Heer-Qaran ee taakulaynta Abaarahu u fidinayaan bulshada abaarahu saameeyeen ee gobolada dalka ayuu magaalada Tog-wajaale masuuliyiin ka tirsan xukuumada Somaliland, Guddiga heer-qaran ee Taakulaynta Abaaraha iyo guddiga heer-gobol ee Gebilay ku wareejiyey Mr. Ageze Amelo, madaxa qeybta ganacsiga ee Safaarada Itoobiya ku leedahay caasimada Hargeysa.<\/p>\n<\/div>\n<p>Mr. Ageze Amelo, oo xafladii wareejinta deeqda xukuumadiisa Itoobiya ka hadlay ayaa sheegay in wadankiisu marwalba dhinac-taagan yahay walaalahooda Somaliland, waxaana hadaladiisi ka mid ahaa,<\/p>\n<p>\u201cItoobiya mar walba waxay garab-taagan tahay Somaliland, xilliyadda adag, iyo marka caqabadahu la soo gudboonaadaan.xidhiidhkan aan wadaagno Somaliland waa mid qoto-dheer oo cad,\u201d<\/p>\n<p>Wasiiru-dowlaha Wasaarada Arrimaha Dibedda Mr. Muxumed Maxile Boqore oo ka hadlay ayaa yidhi,<\/p>\n<p>\u201cAnigoo ka wakiil ah xukuumada Somaliland, madaxweynaha JSL iyo Madaxweyne-xigeenka, halkan waxaan kula wareegayaan deeq ay innagu caawiyeen walaalaheena Itoobiya.<\/p>\n<p>Mr. Maxile Boqore ayaa sheegay in shacabka labada wadan isku dad yihiin, waxaanu yidhi,<\/p>\n<p>\u201cIsku dad ayeynu nahay waa tan shacabku labada dhinacba degan yihiin, mar walbana, waxyaabo badan ayaa innaga dhexeeya Itoobiya, hadday tahay dhinaca iskaashiga amaanka, ganacsiga, iskaashi badan ayaa innaga dhexeeya.<\/p>\n<p>Xafladii wareejinta deeqda xukuumada Itoobiya ee manta oo masuuliyiinta heer-qaran iyo heer gobo lee Taakulaynta Abaaraha iyo Madax-dhaqameed ka hadleen ayaa dhamaantood soo dhoweeyeen, isla markaana tilmaameen inay muujinayso xidhiidhka labada wadan iyo labada shacab ee Somaliland iyo Itoobiya ka dhexeeya.<\/p>\n<p><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone  wp-image-22436\" src=\"http:\/\/i0.wp.com\/somalilandspan.com\/wp-content\/uploads\/2017\/02\/anwr03-300x190.jpg?resize=744%2C471\" alt=\"anwr03\" width=\"744\" height=\"472\" \/><\/p>\n<p>La-taliyaha Madaxwaynaha DDSI ee Xuquuqal-Insaanka iyo Xidhiidhka Hay\u2019adaha Caalamiga ahna Wasiir-xigeenka Xafiiska ka hortaga iyo udiyaar-garowga Masiibooyinka DDSI Mudane\u00a0<strong>Anwar Cali<\/strong>\u00a0oo ka hadlay markii deeqdu ka soo dhaqaaqday magaalada Jigjiga ayaa yidhi,<\/p>\n<p>\u201cDeeqdan oo ka timi Dawlada Federaalka Itoobiya ayaa loogu tallo-galay abaaraha ka jira wadanka jaarkeena ee ah ee Somaliland, taasoo ka turjumaysa sida xukuumada dhexe Itoobiya xog-ogaalka ugu tahay saamaynta abaarahu ay keentay isbedelka cimiladu ku yeesheen Somaliland.\u201d<\/p>\n<p><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone  wp-image-22398\" src=\"http:\/\/i1.wp.com\/somalilandspan.com\/wp-content\/uploads\/2017\/02\/brigadier-general-berhe-tesfaye-300x204.jpg?resize=754%2C513\" alt=\"brigadier-general-berhe-tesfaye\" width=\"754\" height=\"514\" \/><\/p>\n<p>Deeqdan xukuumada Dhexe ee Itoobiya \u00a0ku wareejisay Somaliland oo hore dedaal balaadhan u galay helitaankeeda safiirka Dawlada Federaalka Itoobiya \u00a0u fadhiya Somaliland Brg Gen Mr. Berhe Tesfay, isla markaana ah markii labaad ee dalka Itoobiya deeq raashin dhinaca abaaraha ku caawiyaan Somaliland ayaa la filayaa inay kor u qaadi doonta xidhiidhka labada wadan iyo labada \u00a0wax weyna ka tari doonto baahiyaad badan oo ay tabayeen shacabka gobolada dalka ee abaarahu saameeyeen.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Dawlada Somaliland ayaa maanta la wareegtay deeq Raashin loogu tallogalay dadka abaarahu waxyeeleeyeen ee gobolada dalka oo Dawlada Federaalka Itoobiya bixisay kana koobnayd 16 gawaadhida nooca is-jiidka ah magaalo-xuduudeedka Tog-Wajaale. Raashinkan oo ka koobnaa laba iyo todobaatan kun Ton oo cuntooyin nafaqaysan ah, saddex kun Ton oo sareen iyo daqiiq ah, laba kun Ton bariis [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":2,"featured_media":7443,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[2],"tags":[],"class_list":["post-7442","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/7442","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/2"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=7442"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/7442\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":7446,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/7442\/revisions\/7446"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/7443"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=7442"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=7442"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=7442"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}