{"id":7600,"date":"2017-03-02T20:17:08","date_gmt":"2017-03-02T20:17:08","guid":{"rendered":"http:\/\/gacanlibaaxnews.com\/?p=7600"},"modified":"2017-03-02T20:17:08","modified_gmt":"2017-03-02T20:17:08","slug":"madaxweynaha-dalka-suudaan-oo-ku-xigeenkiisii-u-magacaabay-raysal-wasaare","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/?p=7600","title":{"rendered":"Madaxweynaha Dalka Suudaan Oo Ku Xigeenkiisii U Magacaabay Raysal Wasaare"},"content":{"rendered":"<p>Madaxweynaha Sudan Cumar Xasan Al-Bashir ayaa u magacaabay in uu noqdo Raisal-wasaare Bakri xasan Salax.<\/p>\n<p>Bakri Xasan Saalax ayaa hadda ah madaxweyne ku xigeenka dalkaasi.<\/p>\n<table border=\"1\" cellspacing=\"1\" cellpadding=\"1\" align=\"center\">\n<tbody>\n<tr>\n<td><img decoding=\"async\" src=\"http:\/\/hadhwanaagnews.ca\/attached\/_94910402_529e3423-0975-403e-8590-63f4b5fedcdc.jpg\" alt=\"\" \/><\/td>\n<\/tr>\n<\/tbody>\n<\/table>\n<p>Waxay taasi ka dhigantahay in Madaxweyne Al-bashir uu dib u soo celinayo jadaga Ra&#8217;iisul wasaaraha ee uu baab&#8217;iyey markii uu xukunka afgambi kula wareegay 1989-kii.<\/p>\n<p>Magacaabista Ra&#8217;iisul wasaaraha ayaa waxay qeyb ka tahay isbadel siyaasadeed la doonayo in laga hirgeliyo dalka Sudan.<\/p>\n<p>Mucaaradka dalkaasi ayaa markii ugu horeysay laga qeybgelin doonaa siyaasadda Sudan.<\/p>\n<p>Haddaba, waa nin ceenkee ah Raisal wasaaraha Cusub?<\/p>\n<p>Bakri Xasan Salax, waxa uu ka soo jeeda qoomiyadda Nubiyan ee ka soo<\/p>\n<div><span id=\"MainContent_lblArticle2\"><span id=\"spnCOntent\">jeeda woqooyiga dalka Sudan.<\/span><\/span><\/div>\n<p>Wuxuu ka mid yahay sarakiishii sarsare ee ka qeyb qaatay afgambigii military ee Cumar Xasan Al-Bashiir uu xukunka kula waregay 1989-kii.<\/p>\n<p>Xilal kala duwan oo muhiim ah ayuu ka soo qabtay xukuumadihii hore oo ay ka mid ahayd in uu mar noqday agaasimaha waxda amniga qaranka.<\/p>\n<p>Salaxa waa shaqsiga keliya ee hadda ka jooga golihii sare ee kacaanka ee gacanta ka gaystay in Al-Bashiir xukunka la wareego 27 sannom ka hor.<\/p>\n<p>Dadka wax indha indheeya ayaa sheegaya in xilkan loo dhiibo ay sababtay xiriirka dhow ee uu la leeyahay madaxweynaha.<\/p>\n<p>Waxa uu dhashay 1949-kii, balse curruurnimadiisi waxa uu ku soo qaatay dalka Masar halkaas oo uu aabihii ka shaqeynayey.<\/p>\n<p>Waa nin saamayn weyn ku leh siyaasada iyo ciidanka dalka Suudaan.<\/p>\n<p>Waxa laga filayaa in uu soo dhiso gole wasiiro oo ay ka mid noqon doonaan xubno matali doona xisbiyada mucaaradka ee Sudan.<\/p>\n<p>Madaxweyne Cumar Xasan Al-Bashiir ayaa waxa la soo doortay markii ugu dambaysay 2015-kii. Sudan ayaa doorasho kale qaban doonto sanadka 2022-ka.<\/p>\n<p>Waxa dhowaan la hadal hayey in Bakri Xasan Salax, laga yaabo in uu noqdo qofka xilka kala wareegi doono madaxweyne Al-Bshiir.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p><strong>Source:-BBCsomali<\/strong><\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Madaxweynaha Sudan Cumar Xasan Al-Bashir ayaa u magacaabay in uu noqdo Raisal-wasaare Bakri xasan Salax. Bakri Xasan Saalax ayaa hadda ah madaxweyne ku xigeenka dalkaasi. Waxay taasi ka dhigantahay in Madaxweyne Al-bashir uu dib u soo celinayo jadaga Ra&#8217;iisul wasaaraha ee uu baab&#8217;iyey markii uu xukunka afgambi kula wareegay 1989-kii. Magacaabista Ra&#8217;iisul wasaaraha ayaa waxay [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":2,"featured_media":7601,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[2],"tags":[],"class_list":["post-7600","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/7600","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/2"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=7600"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/7600\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":7602,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/7600\/revisions\/7602"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/7601"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=7600"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=7600"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=7600"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}