{"id":7710,"date":"2017-03-06T14:31:40","date_gmt":"2017-03-06T14:31:40","guid":{"rendered":"http:\/\/gacanlibaaxnews.com\/?p=7710"},"modified":"2017-03-06T14:31:40","modified_gmt":"2017-03-06T14:31:40","slug":"maxkamada-sare-ee-somaliland-aadan-xaaji-cali-oo-ka-warbixiyey-safar-uu-ku-tagay-dalka-kenya","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/?p=7710","title":{"rendered":"MAXKAMADA SARE EE SOMALILAND  AADAN XAAJI CALI OO KA WARBIXIYEY  SAFAR UU  KU TAGAY DALKA KENYA"},"content":{"rendered":"<p>Gudoomiyaha Maxkamada sare ee somaliland Aadan Xaaji ayaa mudooyinkii ugu dambeeyey safar ugu maqnaa dalka Kenya. Warsaxaafadeed ka soo baxay maxkamada sare ee somaliland ayaa lagu faah faahiyey safarka uu gudoomiye Aadan Xaaji Cali ku gaadhay dalka Kenya, waxaanu warsaxaafadeedkaasi u dhignaa sidan:<br \/>\nGuddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa hawlo shaqo u joogay dalka magaalada Nairobi muddo 9 maalmood ah, kadib markii uu martiqaad rasmi ah ka helay Guddoomiyihii Hore Maxkmadda Sare ee dalka Kenya, waxa kaloo uu xidhiidh la sameeyey xafiiska ugu sareeya xaga xidhiidhka Maxkamadda Sare ee Kenya. Ujeededa ugu muhiimsanayd waxa ay ahayd in la xoojiyo xidhiidhka Hay\u2019adaha Garsoorka\u00a0iyo Caddaaladda Somaliland ay la leeyihiin Wadammada Gobolka iyo kuwa caalamkaba.<\/p>\n<p>Muddada uu safarka ku joogay Nariobi, waxa kaloo Guddoomiyaha Maxkamadda Sare la kulmay haweenayda safiirka ah ee Midowga Yurub u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya, Safiiradda dalka Denmark, safiir-ku-xigeenka dalka Jarmarka, Hay\u2019adda Mucaawinooyinka bixisa ee GIZ oo laga leeyahay dalka Jarmalka, Hay\u2019adda Mucaawinooyinka Dibadda u qaabilsan dalka Ingriiska (DFID), Safaaradda Maraykanka iyo Hay\u2019adda u qaabilsan Maraykanka Mucaawinooyinka Dibadda ee USIAD. Waxa kaloo uu xidhiidh la sameeyay ururrada caalamiga ee kale ( INGOS) ee bixiya deeqaha yaryar (small Grants).<br \/>\nWaxa Guddoomiyuhu kala hadlay hay\u2019adaha iyo diblomaasiyiinta uu la kulmay inay caawiyaan Hay\u2019adaha Garsoorka iyo Caddaaladda Somaliland iyo guud ahaan ba Jamhuuriyadda Somaliland. Waxa uu si gaar ah ugala hadlay in ay gacan ka gaystaan dib-u-habaynta Garsoorka iyo caddaaladda ee ka socday baryahan dambe Somaliland. Waxa kaloo Guddoomiyihu kala hadlay in la sii wado, gacan fiicanna laga gaysto tageeridda Maxkamaddaha, Xeer-ilaalinta, Booliiska, ciidammada Asluubta iyo Xabsiyada, Hay\u2019adaha Socdaalka, Ururrada Qareenada, Kaalmada Adeega sharci iyo Ururrada Xuquuqal-insaanka Qaranka iyo kuwa bulshadaba.<br \/>\nKulamada iyo shirarka kala duwan ee Guddoomiyaha Maxkamadda Sare yeeshay muddada 9-ka maalmood ah ee uu safarka ku joogay magaalada Nairobi, waxa ka soo baxay natiijo fiican oo ah in la sii wado taageerada guud ahaan la siiyo Somaliland, lana xoojiyo iyo in si gaar ah gacan loo siiyo dib-u-habaynta iyo ballaadhinta Garsoorka iyo Caddaaladda ee ka socda Jamhuuriyadda Somaliland.<br \/>\nUgu danbayn, waxa uu safarkani guul u yahay guud ahaan qaranka Somaliland iyo gaar ahaan Garsoorka iyo Caddaaladda iyo Hay\u2019addaha kale ee la shaqeeya oo ah rukunka ugu muhiimsan ee uu leeyahay Qaran kasta oo ka jira Adduunka, waxaanay u suurogalinaysaa in ay helaan taageerada Caalamka ee ay xaqa ugu leeyihiin, waxaannu Guddoomiyuhu dib ugu soo laaban doonaa caasimadda Hargeysa maalinta Isniinta ah ee berri (maanta), haddii Ilaahay yidhaah.<\/p>\n<p>Allaah Ayaa dhammaan Hahad iska leh<br \/>\nMaxkamada Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Gudoomiyaha Maxkamada sare ee somaliland Aadan Xaaji ayaa mudooyinkii ugu dambeeyey safar ugu maqnaa dalka Kenya. Warsaxaafadeed ka soo baxay maxkamada sare ee somaliland ayaa lagu faah faahiyey safarka uu gudoomiye Aadan Xaaji Cali ku gaadhay dalka Kenya, waxaanu warsaxaafadeedkaasi u dhignaa sidan: Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa hawlo shaqo u joogay dalka [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":2,"featured_media":7711,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[2],"tags":[],"class_list":["post-7710","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/7710","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/2"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=7710"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/7710\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":7712,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/7710\/revisions\/7712"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/7711"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=7710"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=7710"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=7710"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}