{"id":7859,"date":"2017-03-10T10:53:01","date_gmt":"2017-03-10T10:53:01","guid":{"rendered":"http:\/\/gacanlibaaxnews.com\/?p=7859"},"modified":"2017-03-10T10:53:01","modified_gmt":"2017-03-10T10:53:01","slug":"buhari-oo-ku-laabtay-nijeria-ka-dib-xaalad-caafimaad-oo-uu-london-ugu-maqnaa","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/?p=7859","title":{"rendered":"Buhari oo ku laabtay Nijeria ka dib xaalad caafimaad oo uu London ugu maqnaa"},"content":{"rendered":"<p class=\"story-body__introduction\">Madaxweynaha dalka Nigeria Muhamadu Buhari ayaa ku laabtay dalkiisa ka dib todobaadyo uu fasax ugu maqnaa UK iyada oo xaaladdiisa caafimaad aad loo hadal hayay.<\/p>\n<p>Todobaatan iyo afar jirkan ayaa ka dagay garoon millatari oo ku yaalla magaalada waqooyiga ku taalla ee Kaduna, waxaana la filayaa in uu u sii kicitimo magaalada caasimadda ah ee Abuja.<\/p>\n<p>Madaxweynaha ayaa Nigeria ka duulay 19 bishii Janaayo, wuxuuna fasax caafimaad u joogay magaalada London.<\/p>\n<p>Sida ay tahay xaaladdiisa caafimaad wax faahfaahin ah lagama bixinin.<\/p>\n<p>War qoraal ah oo rasmi ah ayaa lagu sheegay Khamiistii in madaxwene Buhari uu Nigeria uga baxay &#8220;fasax, markaas oo uu isku sameeyay baaritaanno caafimaad&#8221;.<\/p>\n<p>&#8220;Fasaxa ayaa loo kordhiyay talo uu dhakhtarku bixiyay oo ahayd in madaxweynuhu uu baaritaanno dheeraad ah sameeyo, nastana.<\/p>\n<ul class=\"story-body__unordered-list\">\n<li class=\"story-body__list-item\"><a class=\"story-body__link\" href=\"http:\/\/www.bbc.com\/somali\/war-37594609\">Gobolka Kaduna ee Nigeria oo Shiicada mamnuucay<\/a><\/li>\n<li class=\"story-body__list-item\"><a class=\"story-body__link\" href=\"http:\/\/www.bbc.com\/somali\/war-38399542\">&#8220;Bariis caag ka sameysan&#8221; oo lagu qabtay Nigeria<\/a><\/li>\n<li class=\"story-body__list-item\"><a class=\"story-body__link\" href=\"http:\/\/www.bbc.com\/somali\/war-37996255\">Macluul daran oo ka taagan dalka Nigeria<\/a><\/li>\n<li class=\"story-body__list-item\"><a class=\"story-body__link\" href=\"http:\/\/www.bbc.com\/somali\/37800322\">Nigeria oo shidaal badan laga helay<\/a><\/li>\n<\/ul>\n<p>Xisbiga ugu wayn mucaaradka Nigeria ee PDP ayaa dalbaday in dadka si wanaagsan loola socodsiiyo xaaladda caafimaad ee madaxweynaha.<\/p>\n<p>Dalkaas ayaa hadda wajahaya khalkhalkii dhaqaale ee ugu xumaa ee muddo sanado ah soo mara, arrintaas ayaana ka dhalatay qiimaha shidaalka oo aad hoos ugu dhacay, kaas oo ahaa waxa ugu wayn ee uu dalku dhoofiyo.<\/p>\n<p>Waa markii labaad ee uu madaxwaynuhu xaalad caafimaad dalka dibaddiisa u aado muddo hal sano ka yar.<\/p>\n<p>Sources;Bbcsomali<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Madaxweynaha dalka Nigeria Muhamadu Buhari ayaa ku laabtay dalkiisa ka dib todobaadyo uu fasax ugu maqnaa UK iyada oo xaaladdiisa caafimaad aad loo hadal hayay. Todobaatan iyo afar jirkan ayaa ka dagay garoon millatari oo ku yaalla magaalada waqooyiga ku taalla ee Kaduna, waxaana la filayaa in uu u sii kicitimo magaalada caasimadda ah ee [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":2,"featured_media":7860,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[2],"tags":[],"class_list":["post-7859","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/7859","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/2"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=7859"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/7859\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":7861,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/7859\/revisions\/7861"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/7860"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=7859"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=7859"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=7859"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}