{"id":7915,"date":"2017-03-12T14:07:26","date_gmt":"2017-03-12T14:07:26","guid":{"rendered":"http:\/\/gacanlibaaxnews.com\/?p=7915"},"modified":"2017-03-12T14:07:26","modified_gmt":"2017-03-12T14:07:26","slug":"howl-gal-cir-iyo-dhul-ah-oo-ka-dhan-ah-al-shabaab-oo-ka-bilaabanaya-jubbooyinka","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/?p=7915","title":{"rendered":"Howl gal cir iyo dhul ah oo ka dhan ah Al-Shabaab oo ka bilaabanaya Jubbooyinka"},"content":{"rendered":"<p>Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ee gobolka Jubada Hoose ayaa sheegaya inuu socdo diyaar garow dagaal oo ka dhan ah Al-Shabaab, iyadoo maamulka Jubbaland uu ku dhawaaqay in maalamaha soo socda uu bilaaban doono howl gal ballaaran oo Al-Shabaab looga saarayo deegaanada Jubbooyinka.<span id=\"more-66052\"><\/span><\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>Howl galkan oo muddooyinkii u dambeeyay diyaar garowgiisa laga dareemayay magaalada Kismaayo ayaa la sheegay inuu yahay mid isugu jira cir iyo dhul, iyadoo ay ka qeyb qaadan doonaan diyaarado dagaal.<\/p>\n<p>Wararka ayaa sheegaya in diyaarado jawi hoose ku duulaya ayaa xalay illaa shalay lagu arkayay duleedyada Kismaayo iyo deegaanada Al-Shabaab ka taliyaan.<\/p>\n<p>Diyaaradahan oo ah kuwa qumaatiga u kaca oo ay ku rakiban yihiin qoryaha ayaa la ogeyn dalalka laga leeyahay, balse waxaa la sheegay inay ka qeyb qaadan doonaan gulufka dagaal ee Al-Shabaab looga saarayo Jubbooyinka.<\/p>\n<p>Howl gallo ay si wadajir u fuliyeen Ciidamada Jubbaland, kuwa Kenya iyo Ciidamo mareykan ah oo diyaarado ay taageerayaan ayaa todobaadyo ka hor ka dhacay deegaano u dhow degmada Afmadow ee Gobolka Jubadda Hoose, waxaana ay weerar ku qaadeen saldhigyo Al-Shabaab ku lahaayeen.<\/p>\n<p>Al-Shabaab ayaa si buuxda gacanta ugu heysa Gobolka Jubadda Dhexe, waana gobolka kaliya ee ay si guud degmooyinkiisa u maamusho, waxaana la sheegaa inuu yahay gobolka ay ku sugan yihiin saraakiisha sar sare ee Al-Shabaab.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ee gobolka Jubada Hoose ayaa sheegaya inuu socdo diyaar garow dagaal oo ka dhan ah Al-Shabaab, iyadoo maamulka Jubbaland uu ku dhawaaqay in maalamaha soo socda uu bilaaban doono howl gal ballaaran oo Al-Shabaab looga saarayo deegaanada Jubbooyinka. &nbsp; Howl galkan oo muddooyinkii u dambeeyay diyaar garowgiisa laga dareemayay magaalada [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":2,"featured_media":7916,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[2],"tags":[],"class_list":["post-7915","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/7915","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/2"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=7915"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/7915\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":7917,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/7915\/revisions\/7917"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/7916"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=7915"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=7915"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=7915"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}