{"id":7960,"date":"2017-03-14T07:14:00","date_gmt":"2017-03-14T07:14:00","guid":{"rendered":"http:\/\/gacanlibaaxnews.com\/?p=7960"},"modified":"2017-03-14T07:14:00","modified_gmt":"2017-03-14T07:14:00","slug":"salaad-roob-doon-ah-oo-maanta-laga-oogayo-muqdisho-iyo-ammaanka-oo-si-aad-ah-loo-adkeeyay","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/?p=7960","title":{"rendered":"Salaad Roob doon ah oo maanta laga oogayo Muqdisho iyo Ammaanka oo si aad ah loo adkeeyay"},"content":{"rendered":"<p>Waxaa maanta lagu wadaa in magaalada Muqdisho iyo meelo ka mid ah gobolada dalka uu ka dhaco isu soo bax Roob Doon ah, kaasoo Alle lagu weydiisanayo inuu Abaarta iyo dhibka heysta ka dulqaado, raxmadiisna uu siiyo.<span id=\"more-66242\"><\/span><\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>Magaalada Muqdisho, gaar ahaan Masaajidka Isbaheysiga Islaamka ayaa maanta salaad roob doon ah lagu dukanayaa, iyadoo ay ka qeyb geli doonaan salaadaas Madaxda dowladda Federaalka.<\/p>\n<p>Ammaanka ayaa si aad ah loo adkeeyay, iyadoo la xiray jidad dhowr ah oo ku yaala magaalada, waxaana dadka iyo madaxda ay si isku mid ah salaada roob doon ugu dukan doonaan Masaajidka Isbaheysiga.<\/p>\n<p>Sheekh Bashiir Axmed Salaad Guddoomiyaha Hey\u2019adda Culimada Soomaaliyeed ayaa dadka Soomaaliyeed ugu baaqay inay ka qeyb qaataan salaada roob doonka ah.<\/p>\n<p>Waxaa uu sheegay inay rajeynayana in Muqdisho iyo gobolada qaar si isku mid ah Salaada roob doonka ah looga oogo, si ducada iyo alle bariga ay sameynayaan dhamaan umadda Alle uga aqbalo.<\/p>\n<p>Madaxweynaha Soomaaliya ayaa Axadii la soo dhaafay iclaamiyay Salaad roob doon iyo alle bari, isagoo ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay ka qeyb qaataan, si Alle looga baryo inuu dhibka ka dulqaado.<\/p>\n<p>Gobolada dalka Soomaaliya ayaa waxaa xilligan ka jira abaar iyo biyo la\u2019aan daran oo ay dad iyo duunyo u geeriyoodeen, waxaana meelaha qaar ka jira cuduro ka dhashay abaarta oo dad badan ay u dhinteen, kuwana ay la liitaan<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Waxaa maanta lagu wadaa in magaalada Muqdisho iyo meelo ka mid ah gobolada dalka uu ka dhaco isu soo bax Roob Doon ah, kaasoo Alle lagu weydiisanayo inuu Abaarta iyo dhibka heysta ka dulqaado, raxmadiisna uu siiyo. &nbsp; Magaalada Muqdisho, gaar ahaan Masaajidka Isbaheysiga Islaamka ayaa maanta salaad roob doon ah lagu dukanayaa, iyadoo ay [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":2,"featured_media":7961,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[2],"tags":[],"class_list":["post-7960","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/7960","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/2"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=7960"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/7960\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":7962,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/7960\/revisions\/7962"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/7961"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=7960"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=7960"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=7960"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}