{"id":805,"date":"2016-09-04T05:54:31","date_gmt":"2016-09-04T05:54:31","guid":{"rendered":"http:\/\/gacanlibaaxnews.com\/?p=805"},"modified":"2016-09-04T05:54:31","modified_gmt":"2016-09-04T05:54:31","slug":"mucaaradka-dalka-suuriya-oo-la-wareegay-dhul-cusub","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/?p=805","title":{"rendered":"Mucaaradka  Dalka Suuriya Oo La Wareegay   dhul cusub."},"content":{"rendered":"<p class=\"story-body__introduction\">Kooxda Fallaagada dalka Suuriya ee uu\u00a0 dalka Turkiga taageero ayaa waxa ay la wareegeen gacan ku haynta ku dhawaad toban tuulo oo ay ka qabsadeen kooxda khilaafada islaamka ah .<\/p>\n<p>Tuulooyinkan ayaa u dhow magaalada Al-Rai oo labo kilomitir oo kaliya u jirta xudduuda Turkiga uu la wadaago waddanka Suuriya.<\/p>\n<p>Guushan ay gaareen fallaagadani ayaa timid kaddib markii taangiyada dagaalka ee dalka Turkiga ay mar labaad ka tallaabeen xudduuda Turkiga uu la wadago dalka deriska ah ee Suuriya.<\/p>\n<p>Arrintan ayaa u fududeysay fallaagadani in kooxda khilaafada islaamka ay ka qabsadaan tuulooyinkan cusub ee u dhow magaalada al-Rai oo saaran xudduuda labada dal.<\/p>\n<p>Fallaagadani taageerada ka helaysa Turkiga ayaa horey u qabsatay magaaladaasi Al-Rai kaddib bilo ay dagaal kula jireen kooxda khilaafada islaamka.<\/p>\n<p>Hawlgalkani cusub ee uu qaaday Turkiga ayaa noqonaya hawlgalkii labaad ee uu ka sameeyo woqooyiga Suuriya, kaa oo ka dhan ah kooxda khilaafada islaamka iyo mintidiinta kurdiyiinta oo Turkidu ay u arkaan koox argagixiso ah oo xiriir la leh kooxda PKK.<\/p>\n<p>Warbaahinta Turkiga ee u janjeerta dhanka dowladda ayaa sheegtay in hawlgalkan cusub uu ku kooban yahay oo kaliya kooxda khilaafada islaamka.<\/p>\n<p>Turkiga ayaa doonaya in dhulka ballaaran ee ku xeeran xudduuda uu la wadaago Suuriya uu ka nadiifiyo mintidiinta kooxdani khilaafada islaamka.<\/p>\n<p>Duulaankan cusub ee Turkida ayaa ku soo beegmaya maalmo uun kaddib markii xukuumadda Ankara ay weerar dhanka afka ah ku qaaday mareykanka oo dhaliilay doorka Turkida ee colaadda Suuriya.<\/p>\n<p>Mareykanka ayaa xulufo la ah Turkiga iyo maleeshiyaadka kurdiyiinta ee woqooyiga Suuriya, waxa uuna aad uga walwalsanaa dagaal dhex mara labadaasi dhinac ee xulufada la ah.<\/p>\n<p>Sources;Bbcsomali<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Kooxda Fallaagada dalka Suuriya ee uu\u00a0 dalka Turkiga taageero ayaa waxa ay la wareegeen gacan ku haynta ku dhawaad toban tuulo oo ay ka qabsadeen kooxda khilaafada islaamka ah . Tuulooyinkan ayaa u dhow magaalada Al-Rai oo labo kilomitir oo kaliya u jirta xudduuda Turkiga uu la wadaago waddanka Suuriya. Guushan ay gaareen fallaagadani ayaa [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":2,"featured_media":806,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[2],"tags":[],"class_list":["post-805","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/805","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/2"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=805"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/805\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":807,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/805\/revisions\/807"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/806"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=805"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=805"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=805"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}