{"id":8164,"date":"2017-03-22T13:47:34","date_gmt":"2017-03-22T13:47:34","guid":{"rendered":"http:\/\/gacanlibaaxnews.com\/?p=8164"},"modified":"2017-03-22T13:47:34","modified_gmt":"2017-03-22T13:47:34","slug":"akhri-taariikh-nololeedka-wasiiradda-xukuumadda-raiisul-wasaare-xasan-cali-kheyre","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/?p=8164","title":{"rendered":"Akhri: Taariikh Nololeedka Wasiiradda Xukuumadda Ra\u2019iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre"},"content":{"rendered":"<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Halkan waxaa idinku soo gudbineynaa\u00a0taariikh nololeedka dhammaan wasiirrada xukuumadda Xasan Khayre, wasiirrdan oo ka kooban 27 waxaa lagu dhawaaqay galabtii Talaadada.<\/span><span id=\"more-66787\"><\/span><\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Sida aad ka akhrin doontaan taariikhda wasiirrada, intooda badan waxaa ay la haayeen hey\u2019ado iyo NGO\u2019s, qaar waxaa ku jira madaxweyne Farmaajo isku jaamacad ka soo baxeen ama reer New York isla ahaayeen, koox waxaa ku jirta shaqaale ka ahaa hey\u2019adda NRC, dad dalka Qatar muddo ku noolaa, shaqana ka soo qabtay iyo in kale oo isbadal doon-ka ku timid.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Waxaad ku arki doontaa, wasiirro aqoon leh balse shaqo aan shaqadooda aheyn loo dhiibay, gaar ahaan wasaarada ammaanka la xiriira, dhibaatada ugu badan ee wasiirrada qabsan doonta waa la qabsiga shaqada iyo shaqaalaha.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\"><b>Hadaba, Halkan Ka Akhriso Taariikhda Wasiirrada Oo Dhameystiran:<\/b><\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\"><b>Mahdi Axmed Guuleed \/Khadar: <\/b>Ra\u2019iisul Wasaare Ku-xigeen , Waxa uu soo jeedaa Hargeysa, Xubin ayuu ka ahaa guddida doorashooyinka Somaliland 2009-kii, waxaa uu noqday la taliyaha sharciga ee guddida doorashooyinka Somaliland iyo Operation Director, Sidoo kale waxa uu hey\u2019adda UNDP kala shaqeeyey sharciga\/ Rule of law.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Dhanka waxbarashada, Sharciga ayuu ka bartay jaamacad Ethiopia ku taalla, isaga oo Master ka qaatay Oil Protection agreements, Waxa uu noqday madaxa kuliyadda sharciga ee Jaamacada Hargeysa, Hadda waxa uu shahaada PHD ka diyaariyaa jaamacada UN ee Peace University Addis ababa\/ Waana xildhibaan laga soo doortay Jubbaland, hada waxaa loo magaacabay ra\u2019isul wasaare ku xigeen.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\"><b>Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdi Xaashi:<\/b> W. Kaluumeysiga &amp; Kheyraadka Badda, waa Dhul-bahante, waxaa uu Sheekh ku dhashay September 23-keedii, 1955-tii, waxaa dhalay madaxweynihii hore ee Puntland Maxamed Cabdi Xaashi.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Dhanka waxbarashada waxaa uu heystaa PhD xagga dhaqaalaha ah ee Jaamacadda George Mason University, Master-kana John Hopkins University, waxaa uu dhaqaalaha ka bartay Pace University in New York, waxaa uu heystaa shahaadada loo yaqaano Public Accountant (CPA).<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Waa falanqeeye xagga dhaqaalaha, waxaa uu aqoon fiican u leeyahay Bangiyada, 1989-2004-tii, waxaa uu ka shaqeynayey Bangoga Adduunka, waxaa uu maareeyay lacag ka badan Bank\u2019s\u00a0 $115 billion. Hadda waxaa loo doortay wasiirka kaluumeysiga iyo kheyraadka badda.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\"><b>Dr. Maryan Qaasim Axmed:<\/b> Wasiirka Gargaarka &amp; Maareynta Masiibooyinka: Waxaa ay dhalatay 1959, Waxaa ay ku dhalatay Baardheere., dhanka waxbrashada 1979-1983: Jaamacadda Umadda, Kuliyadda Daawada iyo Qaliinka. 1986: Siminar, Jarmalka ee Parlin Uviversity, Intii Holland ay joogtay, Waxaa uu dhigatay Katholic Universities Nijmegen, waxaa ay sidoo kale\u00a0 2011-2012: Master in Public Health ka dhigatay Jaamacadda Warwick University, UK<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Shaqada ay ka qabatay waxaa ka mid ah 1984-1986: Caawiye Macalin Jaamacadda Umadda, 198-1989: Dalka Yemen, Dhakhtar, Primary Health Care, Hey\u2019ad Hollanad, Damaar.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">November 18, 2010: Xukuumadii Ra\u2019isul Wasaare Farmaajo, Maryan Qasim Ahmed waxaa loo magacaabay\u00a0 wasiirka arrimaha haweenka iyo qoyska.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">2012: Madaxda Xisbiga Tayo<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">November 4, 2012: Xukuumadii Ra\u2019isul Wasaare Shirdoon waxaa Maryam Qasim loo Magacaabay\u00a0 Minster of Social Developments<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">2016: Madaxa Fund Rising-ka ee Fursad Fund,, Waxaa ay Lataliye u tahay ra\u2019isul Wasaare Cumar Cabdirashid arrimaha bulshada, Madax ka yahay tahay Carma, waxaa ay la shaqeysaa hey\u2019ado ay ka mid yihiin UNICEF iyo WHO, Waxay kaloo Goodwil ambassador u tahay hey\u2019ado badan, hadda ayaa loo magacaabay wasiirka gargaarka iyo maareynta Musiibooyinka.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\"><b>Cabdi Faarax Siciid(Juxa<\/b>): Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka &amp; Dib u Heshiisiinta: Wuxuu ka soo jeedaa Garoowe Nugaal, Master ayuu ka qaatay culuumta saxaafadda jaamacad ku taalla jamhuuriyada Czech Republic. Waxa uu noqday mulkiilaha idaacadda Halgan oo ku taalla Ohio kana waranta arrimaha bulshada \/Community Radio.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\"><b>Mr. Juxa<\/b> waxaa uu \u00a0noqday wasiirka waxbarashada Puntland 5 sanno oo madaxweyne Cabdiraxmaan Faroole xilka hayey . waxaanu mudadaasi suurogeliyey midaynta imtixaanaadka dugsiyada Puntland iyo midaynta manhajka waxbarasho.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Hay\u2019adda UNOPS ayuu kala shaqeeyey arrimaha siyaasadda Puntland ka hor inta aan loo bixin magaca UNSOM, isaga oo hey\u2019adda ka ahaa xiriiriyaha waxbarashada Soomaaliya iyo midawga Yurub<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Waxa uu qoray Buugga lagu magacaabo QAB IYO QUURSI oo uu kaga hadlaayo arrimaaha takoorka bulshada dhexdeedu ay isku samayso, hadda waxaa loo doortay wasiirka arrimaha gudaha, federaalka ah iyo dib u heshiisiinta.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\"><b>Xil. Dr.Cabdiraxman Ducaale Beyle:<\/b> Wasiirka Maaliyadda: Mr. Bayle, waxaa uu ka soo jeedaa Awdal, \u00a0intii u dhaxaysay 1955 ilaa 1956 ayuu ku dhashay degmada Gabiley oo ka tirsan Gobolka Waqooyi Galbeed shahaadooyinka MBA iyo PHD ayuu ka diyaariyey jaamacadda WISCONIN ee dalka Maraykanka<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Cabdiraxmaan Bayle, shaqooyinka uu qabtay waxaa ka mid ahaa: waxaa uu noqday safiirka Hindiya u fadhiya Soomaaliya, wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya dowladdii Xasan Sheekh Maxamuud, \u00a0waa Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka 10aad , Mr Beyle waxaa uu noqday guddoomiyaha doorashada guddoonka baarlamaanka 10aad iyo sidoo kale guddoomiyaha guddiga doorashada madaxweynaha Soomaaliya, , hadda waxaa loo magacaabay wasiirka maaliyadda.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\"><b>Amb.Yuusuf-Garaad Cumar:<\/b> WasiirkaArrimaha Dibadda: Waxaa uu ku dhashay Muqdisho 1960-kii, waxaa uu ku hadlaa English, French iyo Somali,\u00a0 mudadii u dhaxeysay 1992-2012-kii, waxaa uu ka shaqeyn jiray BBC, isaga oo 13 sano madax ka ahaa laanta afka Soomaaliga. Horay 1991-kii waxaa uu la shaqeeyay hey\u2019adda laan-qeyra Cas halka uu weriye ka ahaa radio Muqdisho 1983-1990-kii.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Dhanka waxbrashadaL 2004 -2005, waxaa uu dhigtay Global Master of Arts Programme ee\u00a0 Fletcher School of Law and Diplomacy at Tufts University.\u00a0 Waxaa kaloo uu Bachelor of Arts ka dhigtay jaamacadda Somali National University ee magaalada Muqdisho.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">2014-kii, wixii ka dambeeyay waxaa uu la taliye u ahaa madaxweyne Xasan Sheekh isaga oo sidoo kale hey\u2019ado caalami ah la taliyey. sanadkii hore waxaa loo magacaabay safiirka Soomaliya ee UN, hadda waxaa loo magacaabay wasiirka arrimaha dibadda.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\"><b>Xil. Maryan Aweys Jaamac:<\/b> Wasiirka Dekedaha &amp; Gaadiidka Badda, waxaa ay muddo ka shaqeyn jirtay hey\u2019adda UNHCR, illaa markii dambe uu ra\u2019isul wasaare Cabdiweli Gaas u magacaabay wasiirka haweenka iyo qoyska.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Baarlamaankii 9aad waxaa ay ku jirtay xubnaha firfircoon, iyaga oo madax ka noqotay guddiga\u00a0 haweenka iyo xuquuqul insaanka.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Aqoonteeda waa heer Jaamacadeed, waxaa ay ku hadashaa afar luqad oo ay ka mid yihiin Kiswahili iyo Ingiriiska, hadda waxaa loo magacaabay Dekedaha &amp; Gaadiidka Badda.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Maxamed Cabdullahi Salaad: Wasiirka Gaadiidka Cirka&amp; Dhulka<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\"><b>Xil .Sheekhnuur Maxamed Xasan:<\/b> Wasiirka Xanaanada Xoolaha, waa Biyo-maal, waxaa uu dhashay 1981-dii, jir ku dhashay degmada Jamaame ee Jubbada hoose, waxbarada dugsiga waxa uu ku qaatay Jubbada Hoose iyo Muqdisho.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Noloshiisa badankeeda waxa uu ku qaatay dalka Qadar oo uu waxbarashada ka sii waday ilaa heer jaamacadeed waxaanu bartay cilmiga Engineering-ka, waa ganacsade suuqa Bakaaraha ku leh ganacsiyo soo lagu iibiyo qalabka Electronics-ka iyo waxybaaha la isku qurxiyo, qoyskiisu waxa uu deganyahay Muqdisho sida Hooyadii iyo Aabihii, waa Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka 10aad, waxaa hadda loo doortay wasiirka xanaanada xoolaha.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\"><b>Khadra Axmed Ducaale:<\/b> Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga &amp; Warshadaha: 2015- hadda: Waxaa ay la taliye ka aheyd wasaaradda qorsheynta iyo xiriirka caalamiga ah, 2014-2015-kii, waxaa ay la taliye ka aheyd wasaaradda arrimaha gudaha iyo federaalka iyada oo la shaqeysay hey\u2019adaha\u00a0 the African Union, European Union, UNHCR, UNDP, AMISOM iyo hey\u2019ado kale, 2013-kii waxaa ay aheyd madaxa shaqaalaha xafiiska ra\u2019isul wasaaraha, 2005-2012-kii waxaa ay ka shaqeyn jirtay CARNEGIE MELLON UNIVERSITY ee dalka Qadar.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Xagga aqoonta waxaa ay Master of Arts ka heystaa\u00a0 International Education ee Jaamacadda New York, New York City, New York halka\u00a0 Bachelor of Science\u00a0 ka diyaarisay\u00a0 Business Studies and Office Administration ee State University College of Buffalo, Buffalo, New York, hadda waxaa loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga &amp; Warshadaha.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\"><b>Dr. Fawziya Abiikar Nuur:<\/b> Wasiirka Caafimaadka &amp; DaryeelkaBulshada, waxaa ay ka soo jeedaa gobolka Hiiraan, muddoo dheer waxaa ay deganeed oo ay heystaa dhalashada Talyaaniga, waxaa ay hadda la shaqeysaa qaramada midoobey xafiiska Nairobi halkaas oo lagu badalay shaqo uu seygeeda ka geeriyooday, waxaa ay caruurta yaryar ku heystaa oo ay ku nooshahay magaalada Nairobi.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\"><b>Eng.Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Yarisow:<\/b> Wasiirka Warfaafinta &amp; Hanuuninta\u00a0 Dadweynaha. Waa aqoonyahan heysta shahaadaha Masterka, mudadii 9sano ahayd ee ugu dambeysay waxa uu ka shaqeynayay dalka, xilal kala duwan ayuu dalka kasoo qabtay Wasiirka Lacagta, wasiirka warfaafinta, la taliye sare oo ka tirsan dowladda Soomaaliya, iyo Afhayeenka madaxtooyada dowladda federaalka Soomaaliya.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Injineer Yariisow waxa uu ka mid ahaa qorbajoogga Soomaaliyeed ee ku dhaqnaa dalka UK, waxa uu xubin firfircoon ka soo noqday jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkaas ku dhaqan, isagoo muddo 10sano ahna dowladda hoose ee magaalada London uu kasoo shaqeeyay heer agaasinna uu ka gaaray, hadda waxaa loo magacaabay wasiirka warfaafinta iyo hanuuninta dadweynaha.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\"><b>DeeqaYaasiin Xaaji Yuusuf:<\/b> Wasiirka Haweenka &amp; Xuquuqu lInsaanka, in ka badan 20 sanno ayey ku nooleed dalka Talyaaniga oo ay wax ku baratay, waxaa ay\u00a0 aasaastay hey\u2019adda IIDA oo ka shaqaysa arrimaha xuquuqda haweenka.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Doorashadii dalka ka dhacday waxaa ay ka mid aheyd guddiga doorashada dadban, waxay ahayd xubin guddoomiye ku-xigeenka guddida doorashooyinka dad badan ee heer federal.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\"><b>Xil. Saciid Xuseen Ciid:<\/b> Wasiirka Beeraha:\u00a0 Saciid waxaa uu dhashay 1973-dii, waxaa PHD ka diyaariyay American International Open University ee Qaahira, India ayuu labo Master ka diyaariyay, shaqada waxaa ugu muhiimsanaa 2016 waxaa uu 2014-ahaa\u00a0 wasiirka xanaada xoolaha, waxaa kaloo uu muddo ka shaqeeyey rugaha ganacsiga dalka sida Puntland, waa xildhibaan ka tirsan baarlamaanka 10aad, waxaa hadda loo doortay wasiirka Beeraha.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\"><b>Eng. Cabdi Canshuur Xasan:<\/b> Wasiirka Boostada,\u00a0 Isgaarsiinta &amp; Teknology-da , waxaa uu u dhashay Baadi Cadde, waxaa uu ku dhashay kalana soo jeedaa gobolka Hiiraan, Canshuur waxaa uu Master ka heystaa cilmiga Injineernimada, dowladdii Siyaad Barre isla cilmigaas ayuu ku shaqeeyay, 3-dii sano ee ugu dambeysay waxaa uu madax ka ahaa xarun NISA hoos tagto oo lagu dhaqangeliyo maleeshiyaadka, waxaa loo magacaabay wasiirka Boostada, Isgaarsiinta iyo Tecknoljiyadda.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\"><b>Cabdiraxmaan Daahir Cusmaan: <\/b>Wasiirka Waxbarashada &amp; Tacliinta Sare, waxaa uu u dhashay Xawaadle, Buul-barde ayuu ku dhashay 1968-dii, waxaa Jaamacadda Oslo ka diyaariyay Xisaabaadka iyo Kimistariga, waxaa uu dibloma sare ka qaatey waxbarashada.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Muddadii ugu dambeysay waxaa uu ka shaqeeyay 2007: UNICEF, 2009-2011: NRC oo uu ka ahaa maamule xagga waxbarashada, 2011-2013-kii waxaa uu Dhadhaab kala shaqeyn jiray waxbarashada hey\u2019adda UNHCR, 2013-2015: Waxaa uu wasaaradda waxbarashada la taliye kala ahaa dhanka waxbarashada, waxaa kaloo uu ka soo shaqeeyay Koonfurta Suudaan iyo Ciraaq oo uu kala shaqeyn jiray UNESCO iyo UNICEF, hadda waxaa loo magacaabay wasiirka wasaaradda waxbarashada.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\"><b>AVV. Xasan Xuseen Xaaji:<\/b> Wasiirka Cadaaladda , waa abuukaate, u dhashay Dir, Dabarre, waxaa uu heystaa dhalasho UK ah, waxaa uu ka soo shaqeeyay guddiga dastuurka xilligii Maxamed Sh. Cusmaan Jawaari, ki simaha guddoomiyaha guddigaas ayuu noqday, hadda ayaa loo magacaabay wasaaradda cadaaladda.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\"><b>Xil. Dr. Iiman Cabdullahi Cali<\/b>: Wasiirka Awqaafta &amp;ArrimahaDiinta<b>:<\/b> waxaa uu u dhashay beesha Hadame, waxaa uu heystaa dhalashada Canada, shahaadada Master ayuu ka diyaariyay maamulka iyo maareynta, muddo dheer oo uu qorbojoog ahaa mar dhaw ayuu dalka ku soo laabtay, Xildhibaan ayuu ka yahay golaha shacabka, waxaa kaloo hadda loo magacaabay wasiirka awqaafta iyo arrimaha diinta.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\"><b>Cabdirashid Cabdullahi Maxamed:<\/b> Wasiirka Gaashaandhigga , Waxaa uu ka soo jeeda Digil iyo Mirifle, Noloshiisa inta waxaa lagu xusuustaa NGO\u2019s-ka gobollada Bay iyo Bakool, hey\u2019ado ay ka mid yihiin Care International, WFP iyo NRC ayuu sidoo kale la shaqeeyay, maamulka Koofur Galbeed ee Sharif Xasan ayaa 2015-kii u magacaabay guddoomiyaha gobolka Bay, hadda waxaa loo magacaabay wasiirka gashaandhigga ee Soomaaliya.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\"><b>Xil. Cabaas Cabdullahi Sheekh Siraaji:<\/b> Wasiirka Howlaha Guud &amp; Dib-u- Dhiska<b>:<\/b> waxaa uu u dhashay Digil iyo Mirifle, waxaa uu dhashay 1986-dii, in ka badan 20 sano waxaa uu ku noolaa xeryaha qaxootiga ee Kenya, Xerada IFO ayuu uga baxay dugsi sare, shahaadada koowaad waxaa uu diyaariyay Cilmiga Computer-ka, Jaamacadda Nairobi ee dalka Kenya, waxaa uu ka mid noqday xildhibaannadii lagu soo doortay Kismaayo, hadda waxaa loo magacaabay\u00a0 wasiirka howlaha guud iyo dib u dhiska.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\"><b>Xil. Eng.Cabdirashiid Maxamed Axmed:<\/b> Wasiirka Batroolka &amp; Macdanta: \u00a0waa beesha Sheekhaal, Gandarshe, 1962-dii ayuu ku dhashay magaalada Buulo-barde ee gobolka Hiiraan.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Waxbarashada, Jaamacadda umadda ayuu dhameeyay 1988-dii, isaga oo bartay Injineernimo, \u00a0waxaa uu caan ku ahaa qandaraasyada, \u00a0hey\u2019ado ay ka mid yihiin Oxfam iyo kuwa kale ayuu ka shaqeeyay.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">UNOSOM markii ay dalka joogtay waxaa uu ahaa Injineer la shaqeeya, maamulka Koofur galbeed ayaa u magacaabay wasiirka howlaha guud iyo dib u dhiska, 2015-kii, xukuumadii Cumar Cabdirashid Sharma\u2019arke ayaa loo magacaabay wasiirka ganacsiga, waa xildhibaan ka tirsan baarlamaanka 10aad, hadda ayaa loo magacaabay wasiirka Batroolka iyo Macdanta.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\"><b>Xil. Maxamed Abuukar Islow(Ducaale):<\/b> Wasiirka Amniga Gudaha , waa Abgaal, waxaa uu ku dhashay Muqdisho 1969-kii, waxbarashada Master ayuu ka heystaa Computer science Jaamacadda Mid-Sweden, waa ciyaar yahan kubadda Koloyga ah, qaranka Soomaaliya ayuu u ciyaaray, ciyaaraha heerka koowaad ee Swedena sidoo kale, waa ganacsade, waxaa uu leeyahay shirkadda shidaalka Naitionwide, waxaa uu share ku leeyahay Hoteellada Naasahablood, 2011-kii waxaa uu xildhibaannimo ka badalay Hilowle Iimaam Maxamuud, wixii xilligaas ka dambeeyay waa xildhibaan ka tirsanaa baarlamaanka, hadda waxaa loo magacaabay wasiirka amniga gudaha<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\"><b>Xil. Khadiija Maxamed Diiriye:<\/b> Wasiirka Dhallinyarada &amp; Isboortiga: Khadiijo Diiriye oo ku dhalatay Muqdisho 2 April 1964-tii, waa hooyo leh 5 caruur ah, Jaamacadda Hope ayey 2014-kii ka qaadatey shahaadada koobaad ee Public Adminstration.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Khadiijo waxaa Xildhibaan noqotey dowladdii Carte 2000, waxaa ay xubin ka noqotey dhammaan baarlamaanndii xilligaas ka dambeeyay, iyaddoo guddiyo badan madax ka noqotey sida midka cilmi barista iyo guddiga xuquuqul insaanka, waxaa kaloo xilligaas wixii ka dambeeyay ay noqotey dhowr mar wasiiru dowlo ama wasiir ku xigeen, waxaa kaloo ay noqotey wasiirka horumarinta haweenka, wasiirka horumarinta reer miyiga, dhirta iyo daaqa, wasiirka dhalinyarada iyo Sportiga iyo ugu dambeyntii wasiirka haweenka iyo xuquuqda aadanaha.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\"><b>Xildhibaan Saalax Axmed Jaamac:<\/b> Wasiirka\u00a0 shaqada iyo shaqaalaha,\u00a0 waxaa uu\u00a0 ku dhashay Ceerigaabo Sanaag, dhanka waxbrashada Degree-ga koobaad iyo Master waxa uu ku qaatay Hindiya ka dibna Canada ayuu ku noolaa<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Waxaa uu ka \u00a0shaqeeyey barnaamijkii New Deal , Booliska Soomaaliya hay\u2019adda qaramada midoobay iyo xubin ka tirsan guddidii doorashooyinka, waa xildhibaan ka tirsan baarlamaanka 10aad, hadda waxaa loo doortay wasiirka shaqada iyo shaqaalaha.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\"><b>Prof. Saalim Caliyow Ibrow:<\/b> Wasiirka Korontada iyo Biyaha , 2005-tii, waxaa uu noqday wasiirka maaliyadda iyo ra\u2019isul wasaare ku xigeenka 3aad, xukuumaddii 2aad ee Cali Maxamed Geedi waxaa uu noqday\u00a0 ra\u2019isul wasaare ku xigeen iyo wasiirka xanaanada xoolaha. 2007-dii ayuu noqday sii hayaha xilka ra\u2019isul wasaaraha Soomaaliya markii Geedi is casilay, isaga oo markii dambe xukuumadda Nuur cadde ka noqday wasiirka cadaaladda. Hadda waxaa loo doortay wasiirka korintada iyo biyaha.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\"><b>Avv.Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil:<\/b> Wasiirka Arrimaha Dastuurka, waa Abuukaate wax ku soo bartay dalka Canada, July 2011-November 2012-kii, waxaa uu ahaa wasiirka dastuurka iyo dib u heshiisiinta.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Waxaa uu ahaa Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka 9aad, guddiga xuquuqul insaanka ayuu ka mid ahaa, waxaa uu ka mid ahaa mucaaradka dowladda Xasan Sheekh, hadda waxaa loo doortay Wasiirka Arrimaha Dastuurka.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\"><b>Amb. Jamaal Maxamed Xasan:<\/b>, Wasiirka Qorshaynta, Maalgashiga&amp; Horumarinta Dhaqaalaha, Waxaa uu ka soo jeeda gobollada Sool iyo Sanaag, Waxaa shakhsi 2 sano ku jira siyaasadda.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Mr. Jamaal waxaa uu heystaa dhalashada Canada, isla dalkaas ayuu wax ku soo bartay, waxaa uu sidoo kale xiriirka caalamiga ah ka dhigtay jaamacadda Moi ee dalka Kenya.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Amb. Jamaal Maxamed Xasan:\u00a0 shaqooyinkiisa waxaa ka mid ahaa in uu la taliye safaaradda Mareykanka ee Naibobi uga ahaa arrimaha Soomaaliya, waxaa uu noqday Aug 6, 2015-tii noqday safiirka Soomaaliya ee Kenya isaga oo badalay Maxamed Nuur Americo, hadda waxaa loo magacaabay Wasiirka Qorshaynta, Maalgashiga&amp; Horumarinta Dhaqaalaha.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><strong>Xigasho: Goobjoog News<\/strong><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Halkan waxaa idinku soo gudbineynaa\u00a0taariikh nololeedka dhammaan wasiirrada xukuumadda Xasan Khayre, wasiirrdan oo ka kooban 27 waxaa lagu dhawaaqay galabtii Talaadada. &nbsp; Sida aad ka akhrin doontaan taariikhda wasiirrada, intooda badan waxaa ay la haayeen hey\u2019ado iyo NGO\u2019s, qaar waxaa ku jira madaxweyne Farmaajo isku jaamacad ka soo baxeen ama reer New York isla ahaayeen, [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":2,"featured_media":8165,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[2],"tags":[],"class_list":["post-8164","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/8164","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/2"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=8164"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/8164\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":8166,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/8164\/revisions\/8166"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/8165"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=8164"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=8164"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=8164"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}