{"id":8179,"date":"2017-03-23T12:24:32","date_gmt":"2017-03-23T12:24:32","guid":{"rendered":"http:\/\/gacanlibaaxnews.com\/?p=8179"},"modified":"2017-03-23T12:24:32","modified_gmt":"2017-03-23T12:24:32","slug":"ururka-al-shabaab-oo-xalay-weerar-culus-ku-qaaday-degmada-baraawe","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/?p=8179","title":{"rendered":"Ururka Al-Shabaab oo xalay weerar culus ku qaaday degmada Baraawe"},"content":{"rendered":"<p>Dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ayaa xalay weerar ku qaaday magaalo xeebeedka Baraawe oo ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose.<span id=\"more-66862\"><\/span><\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>Weerarkan oo ahaa mid xooggan ayaa Al-Shabaab waxay dhowr jiho ka weerartay degmadaas, iyadoo gudaha u gashay sida dadka deegaanka xaqiijiyeen.<\/p>\n<p>Dagaalyahanada Al-Shabaab ayaa meelaha ay ka weerareen Baraawe ka mid aheyd dhanka Xeebta, iyagoo gaaray illaa saldhiga magaalada.<\/p>\n<p>Guddoomiyaha degmada Baraawe Cumar Madoobe ayaa warbaahinta u sheegay inay iska caabiyeen Al-Shabaabki xalay soo weeraray, iyagoo tilmaamay in haatan ay ku daba jiraan raadkooda.<\/p>\n<p>Waxaa uu sheegay in isaga qudhiisa uu ka mid ahaa ciidankii xalay la dagaalamay, waxaana uu xusay inay khasaare u geysteen.<\/p>\n<p>Wararka qaar ayaa sheegaya in Al-Shabaab ay ka gubeen ciidanka dowladda labo gaari, sidoo kale waxaa jira khasaare soo gaaray ciidamada dowladda.<\/p>\n<p>Ciidanka AMISOM ayaa saldhig ku leh duleedka magaalada Baraawe iyo halka looga galo, waxaana gudaha magaalada ku sugan ciidamada dowladda.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ayaa xalay weerar ku qaaday magaalo xeebeedka Baraawe oo ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose. &nbsp; Weerarkan oo ahaa mid xooggan ayaa Al-Shabaab waxay dhowr jiho ka weerartay degmadaas, iyadoo gudaha u gashay sida dadka deegaanka xaqiijiyeen. Dagaalyahanada Al-Shabaab ayaa meelaha ay ka weerareen Baraawe ka mid aheyd dhanka Xeebta, iyagoo gaaray [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":2,"featured_media":8180,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[2],"tags":[],"class_list":["post-8179","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/8179","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/2"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=8179"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/8179\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":8181,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/8179\/revisions\/8181"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/8180"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=8179"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=8179"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=8179"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}