{"id":8436,"date":"2017-03-30T05:44:00","date_gmt":"2017-03-30T05:44:00","guid":{"rendered":"http:\/\/gacanlibaaxnews.com\/?p=8436"},"modified":"2017-03-30T05:44:00","modified_gmt":"2017-03-30T05:44:00","slug":"garoomo-loogu-magac-daray-dad-caan-ah","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/?p=8436","title":{"rendered":"Garoomo loogu magac daray dad caan ah"},"content":{"rendered":"<p class=\"story-body__introduction\">Waxaa jira wax yaab leh oo isku xiraya Hillary Clinton, George Best iyo Cristiano Ronaldo. &#8211; waa garoomo diyaaradeed.<\/p>\n<p>Weeraryahanka Boortaqiiska u dhashay ayaa ah qofkii ugu dambeeyey ee garoon loogu magac daro. Garoonka Madeira ayaa magacii laga baddalay oo loo bixiyey magaca Ronaldo, ayadoo cayaartoygaas lagu maamuusayo.<\/p>\n<p>Arrintaas ayaa keentay in aan ka fekerno garoommada kale ee loogu magac daray dadka caanka ah.<\/p>\n<p><strong>Garoonka George Best<\/strong><\/p>\n<figure class=\"media-landscape has-caption full-width\"><span class=\"image-and-copyright-container\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"responsive-image__img js-image-replace\" src=\"http:\/\/ichef.bbci.co.uk\/news\/624\/cpsprodpb\/D46A\/production\/_95387345_best__.jpg\" alt=\"Garoonka George Best\" width=\"976\" height=\"549\" \/><\/span><figcaption class=\"media-caption\"><span class=\"off-screen\">Image caption<\/span><span class=\"media-caption__text\">Garoonka George Best<\/span><\/figcaption><\/figure>\n<p>Garoonkan oo ku yaalla Belfast waxaa loogu magac daray ninkii kubadda cagta caanka ku ahaan jiray ee George Best.<\/p>\n<p>Wuxuu u cayaaray waqooyiga Ireland iyo Manchester United 1960-meeyadii ilaa 1980-meeyadii.<\/p>\n<p>Sannadguuradiisii 60-aad ayaa sannadkii 2006 waxaa magacii laga beddelay garoonka magaalada Belfast ayadoo lagu maamuusay magaca cayaartoygaas.<\/p>\n<p><strong>Garoonka Clinton<\/strong><\/p>\n<figure class=\"media-landscape has-caption full-width\"><span class=\"image-and-copyright-container\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"responsive-image__img js-image-replace\" src=\"http:\/\/ichef.bbci.co.uk\/news\/624\/cpsprodpb\/FB7A\/production\/_95387346_clinton__.jpg\" alt=\"Garoonka Clinton ee Arkansas\" width=\"976\" height=\"549\" \/><\/span><figcaption class=\"media-caption\"><span class=\"off-screen\">Image caption<\/span><span class=\"media-caption__text\">Garoonka Clinton ee Arkansas<\/span><\/figcaption><\/figure>\n<p>Waa garoonka ganacsi ee ugu weyn gobolka Arkansas, waxaana loogu magac daray lamaanihii ugu xoogga badnaa dhinaca siyaasadda ee gobolka soo mara.<\/p>\n<p>Bill Clinton wuxuu ahaa madaxweynihii 42aad ee Maraykanka 1993 &#8211; 2001. Hillary oo afadiisa ah waxay ahayd murashaxaddii xisbiga Dimoqaraadiga ee la loollantay Donald Trump 2016.<\/p>\n<p><strong>Garoonka John Lennon<\/strong><\/p>\n<figure class=\"media-landscape has-caption full-width\"><span class=\"image-and-copyright-container\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"responsive-image__img js-image-replace\" src=\"http:\/\/ichef-1.bbci.co.uk\/news\/624\/cpsprodpb\/1228A\/production\/_95387347_lennon__.jpg\" alt=\"Garoonka John Lennon ee Liverpool\" width=\"976\" height=\"549\" \/><\/span><figcaption class=\"media-caption\"><span class=\"off-screen\">Image caption<\/span><span class=\"media-caption__text\">Garoonka John Lennon ee Liverpool<\/span><\/figcaption><\/figure>\n<p>Garoonkan caalamiga ah ee ku yaalla Liverpool waxaa loogu magac daray mid ka mid ah wiilashadii ugu caansanaa ee magaaladaas soo mara oo ah John Lennon.<\/p>\n<p>Kooxda the Beatles ayaa ahayd kooxdii ugu wanaagsanayd ee taariikhda muusigga Pop, sannadkii 2001 ayaana garoonka magaca laga beddelay.<\/p>\n<p>Waxaa loogu magac daray John Lennon oo kooxda heesaa u ahaa oo markaas mootanaa 21 sano, ka dib markii lagu dilay New York.<\/p>\n<p><strong>Garoonka John Wayne<\/strong><\/p>\n<figure class=\"media-landscape has-caption full-width\"><span class=\"image-and-copyright-container\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"responsive-image__img js-image-replace\" src=\"http:\/\/ichef.bbci.co.uk\/news\/624\/cpsprodpb\/1499A\/production\/_95387348_wayne__.jpg\" alt=\"Garoonka John Wayne\" width=\"976\" height=\"800\" \/><\/span><figcaption class=\"media-caption\"><span class=\"off-screen\">Image caption<\/span><span class=\"media-caption__text\">Garoonka John Wayne<\/span><\/figcaption><\/figure>\n<p>Garoonkan oo ku yaalla Orange County, California, waxaa loogu magac daray ninkii ku caan baxay filimmada Ameerikaanka.<\/p>\n<p>John Wayne wuxuu ku guulaystay abaalmarinnada aflaamta galbeedka (kaabooy), gaar ahaan filimka True Grit oo kaalin hore kaga jiray qiimaynta filimada sannadihii 1950-meeyadii iyo 1960-meeyadii.<\/p>\n<p><strong>Garoonka La Guardia<\/strong><\/p>\n<figure class=\"media-landscape has-caption full-width\"><span class=\"image-and-copyright-container\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"responsive-image__img js-image-replace\" src=\"http:\/\/ichef-1.bbci.co.uk\/news\/624\/cpsprodpb\/170AA\/production\/_95387349_laguardia__.jpg\" alt=\"La Guardia wuxuu ahaa duqii 99aad ee New York\" width=\"976\" height=\"549\" \/><\/span><figcaption class=\"media-caption\"><span class=\"off-screen\">Image caption<\/span><span class=\"media-caption__text\">La Guardia wuxuu ahaa duqii 99aad ee New York<\/span><\/figcaption><\/figure>\n<p>Garoonkan wuxuu yaalla waqooyiga New York, qaybta la yiraahdo Queens.<\/p>\n<p>Waxaa loogu magac daray Fiorello Henry La Guardia oo ahaa siyaasi Ameerikaan ah.<\/p>\n<p>Waxaa aad loogu yaqaannaa inuu ahaa duqii 99aad ee New York. Maadaama uu ahaa nin gaaban ayey dadku ugu yeeri jireen &#8220;ubixii yaraa&#8221;.<\/p>\n<p><strong>Garoonka Louis Armstrong<\/strong><\/p>\n<figure class=\"media-landscape has-caption full-width\"><span class=\"image-and-copyright-container\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"responsive-image__img js-image-replace\" src=\"http:\/\/ichef.bbci.co.uk\/news\/624\/cpsprodpb\/1502\/production\/_95387350_armstrong__.jpg\" alt=\"Armstrong wuxuu caan ku ahaa muusigga Jazz.\" width=\"976\" height=\"549\" \/><\/span><figcaption class=\"media-caption\"><span class=\"off-screen\">Image caption<\/span><span class=\"media-caption__text\">Armstrong wuxuu caan ku ahaa muusigga Jazz.<\/span><\/figcaption><\/figure>\n<p>Wuxuu ku yaallaa New Orleans, Louisiana.<\/p>\n<p>Waxaa loogu magac daray ninkii caanka ku ahaa muusigga Jazz-ka ee Louis Armstrong. Waxaa laga yaabaa inay jiraan dad weli xusuusta heestiisii caanka ahayd ee &#8220;What a Wonderful World&#8221;.<\/p>\n<p><strong>Garoonka George Bush<\/strong><\/p>\n<figure class=\"media-landscape has-caption full-width\"><span class=\"image-and-copyright-container\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"responsive-image__img js-image-replace\" src=\"http:\/\/ichef.bbci.co.uk\/news\/624\/cpsprodpb\/3C12\/production\/_95387351_bush__.jpg\" alt=\"Garoonkan wuxuu ku yaalla magaalada Houston ee gob. Texas\" width=\"976\" height=\"549\" \/><\/span><figcaption class=\"media-caption\"><span class=\"off-screen\">Image caption<\/span><span class=\"media-caption__text\">Garoonkan wuxuu ku yaalla magaalada Houston ee gob. Texas<\/span><\/figcaption><\/figure>\n<p>Garoonkan wuxuu ku yaalla magaalada Houston ee gobolka Texas. Waa halka ay ka soo jeedaan qoyska reer Bush.<\/p>\n<p>Waxaa loogu magac daray George H W Bush oo ahaa madaxweynihii 41aad ee Maraykanka, wuxuuna aabbe u ahaa madaxweynihii 43aad, George W Bush.<\/p>\n<p><strong>Garoonka Aadan Cadde<\/strong><\/p>\n<figure class=\"media-landscape has-caption full-width\"><span class=\"image-and-copyright-container\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"responsive-image__img js-image-replace\" src=\"http:\/\/ichef-1.bbci.co.uk\/news\/624\/cpsprodpb\/8A96\/production\/_95387453_garoonkaaadancadde.jpg\" alt=\"Garoonka Aadan Cadde\" width=\"976\" height=\"549\" \/><\/span><figcaption class=\"media-caption\"><span class=\"off-screen\">Image caption<\/span><span class=\"media-caption__text\">Garoonka Aadan Cadde<\/span><\/figcaption><\/figure>\n<p>Garoonkan waxaa loogu magac daray madaxweynihii ugu horreeyey ee Soomaaliya Aadan Cabdulle Cismaan.<\/p>\n<p>Waxaa garoonka magaca laga beddelay in yar ka dib markii uu geeriyooday Aadan Cadde sannadkii 2007.<\/p>\n<p>Aadan Cadde waxaa lagu xusuustaa in uu ahaa hogaamiyihii ugu horreeyey ee Soomaali ah ee xilka si nabdoon ku wareejiyey, xilli ay dalal badan oo Afrikaan ah gobonnimo qaadanayeen.<\/p>\n<p>Sources;Bbcsomali<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Waxaa jira wax yaab leh oo isku xiraya Hillary Clinton, George Best iyo Cristiano Ronaldo. &#8211; waa garoomo diyaaradeed. Weeraryahanka Boortaqiiska u dhashay ayaa ah qofkii ugu dambeeyey ee garoon loogu magac daro. Garoonka Madeira ayaa magacii laga baddalay oo loo bixiyey magaca Ronaldo, ayadoo cayaartoygaas lagu maamuusayo. Arrintaas ayaa keentay in aan ka fekerno [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":2,"featured_media":8437,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[2],"tags":[],"class_list":["post-8436","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/8436","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/2"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=8436"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/8436\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":8438,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/8436\/revisions\/8438"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/8437"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=8436"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=8436"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=8436"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}