{"id":8965,"date":"2017-04-17T07:10:54","date_gmt":"2017-04-17T07:10:54","guid":{"rendered":"http:\/\/gacanlibaaxnews.com\/?p=8965"},"modified":"2017-04-17T07:10:54","modified_gmt":"2017-04-17T07:10:54","slug":"madaxweynaha-dalka-turkiga-recep-tayyip-erdogan-oo-ku-guuleystay-afti-awooddiisa-lagu-kordhinayay","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/?p=8965","title":{"rendered":"Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan oo ku guuleystay afti awooddiisa lagu kordhinayay."},"content":{"rendered":"<p class=\"story-body__introduction\">Xisbiga madaxweyne Erdogan ayaa ku guuleystay aftidii ka dhacday dalka Turkiga oo waxaa ay heleen 51.37% halka garabka mucaaradka iyaguna ay heleen boqolkiiba 48.63 guud ahaan codadkii la dhiibtay, labada dhinac oo aad isugu dhawaa ayaa waxaa ay guddiga doorashada ku dhawaaqeen in qolyaha taageersan &#8221;HAA&#8221; ay ku guuleysteen aftda.<\/p>\n<p>Natiijada aftida ayaa ka dhigan in madaxweyne Erdogan uu xafiiska sii joogi doona ilaa iyo sannadka 2019-ka.<\/p>\n<figure class=\"media-landscape has-caption full-width\"><span class=\"image-and-copyright-container\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"responsive-image__img js-image-replace\" src=\"https:\/\/ichef.bbci.co.uk\/news\/624\/cpsprodpb\/11266\/production\/_95664207_c8cd9314-2316-44c3-a901-9d491980d098.jpg\" alt=\"Qaabka codadka loo dhiibanayo\" width=\"624\" height=\"351\" \/><span class=\"off-screen\">Lahaanshaha sawirka<\/span><span class=\"story-image-copyright\">AP<\/span><\/span><figcaption class=\"media-caption\"><span class=\"off-screen\">Image caption<\/span><span class=\"media-caption__text\">Qaabka codadka loo dhiibanayo<\/span><\/figcaption><\/figure>\n<p>Xisbiga mucaaradka ee ugu weyn dalkaasi ayaa sheegay in wax isadabamrin ay hareesay codbixinta.<\/p>\n<p>Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa isaguna meel fagaara ah ka sheegay in si aqlabiyad ah lagu meel mariyay dastuurka cusub.<\/p>\n<p>Taageerayaasha madaxweyne Erdogan ayaa dhankooda sheegay in arrintani ay ka dhigantahay in hanaanka barlamaanka ee dalkaasi lagu bedelayo qaab madaxweyne.<\/p>\n<figure class=\"media-landscape has-caption full-width\"><span class=\"image-and-copyright-container\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"responsive-image__img js-image-replace\" src=\"https:\/\/ichef-1.bbci.co.uk\/news\/624\/cpsprodpb\/13976\/production\/_95664208_b3966ac0-a532-48b7-960b-18136c6eb03f.jpg\" alt=\"Madaxweyne Erdogan oo codkiisa dhiibanaya\" width=\"624\" height=\"370\" \/><span class=\"off-screen\">Lahaanshaha sawirka<\/span><span class=\"story-image-copyright\">EPA<\/span><\/span><figcaption class=\"media-caption\"><span class=\"off-screen\">Image caption<\/span><span class=\"media-caption__text\">Madaxweyne Erdogan oo codkiisa dhiibanaya<\/span><\/figcaption><\/figure>\n<p><strong>Maxaa ku qoran dastuurka cusub?<\/strong><\/p>\n<p>Dastuurka cusub waxa uu dhigayaa in doorashada madaxweynaha iyo tan baarlamaanka xigta la qaban doono 3 nofeember 2019.<\/p>\n<p>Madaxweynaha waxa uu dalka ka talin karaa laba xilo doorasho oo min shan sano ah.<\/p>\n<ul class=\"story-body__unordered-list\">\n<li class=\"story-body__list-item\">Madaxweynaha ayaa si toos ah u soo magacaabi doono wasiirada iyo saraakiisha sarsare.<\/li>\n<li class=\"story-body__list-item\">Wuxuu sidoo kale magacaabi karaa madaxweyne ku xigeena dhowr ah.<\/li>\n<li class=\"story-body__list-item\">Waxaa meesha laga saari doonaa xilka ra&#8217;iisalwasaaraha oo uu hadda hayo Binali Yildirim.<\/li>\n<li class=\"story-body__list-item\">Madaxweynaha wuxuu awood u lahaan doonaa inuu faragelin ku sameeyo waaxda caddaaladda oo uu Erdogan horay ugu eedeeyay inay u janjeeraan dhinaca wadaadka Fetxullahi Gulen.<\/li>\n<li class=\"story-body__list-item\">Madaxweynaha ayaa ku dhawaaqi karo xaalad deg deg ah.<\/li>\n<\/ul>\n<h1 class=\"story-body__h1\">Source;Bbcsomali<\/h1>\n<p class=\"story-body__h1\">\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Xisbiga madaxweyne Erdogan ayaa ku guuleystay aftidii ka dhacday dalka Turkiga oo waxaa ay heleen 51.37% halka garabka mucaaradka iyaguna ay heleen boqolkiiba 48.63 guud ahaan codadkii la dhiibtay, labada dhinac oo aad isugu dhawaa ayaa waxaa ay guddiga doorashada ku dhawaaqeen in qolyaha taageersan &#8221;HAA&#8221; ay ku guuleysteen aftda. Natiijada aftida ayaa ka dhigan [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":2,"featured_media":8966,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[2],"tags":[],"class_list":["post-8965","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/8965","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/2"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=8965"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/8965\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":8967,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/8965\/revisions\/8967"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/8966"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=8965"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=8965"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=8965"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}