{"id":9210,"date":"2017-04-27T20:12:06","date_gmt":"2017-04-27T20:12:06","guid":{"rendered":"http:\/\/gacanlibaaxnews.com\/?p=9210"},"modified":"2017-04-27T20:12:06","modified_gmt":"2017-04-27T20:12:06","slug":"gudida-taakulaynta-abaaraha-iyo-wasaaradda-caafimaadka-oo-bulshada-somaliland-u-diray-fariimo-wakhti-roobaadka","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/?p=9210","title":{"rendered":"GUDIDA TAAKULAYNTA ABAARAHA IYO WASAARADDA CAAFIMAADKA OO BULSHADA SOMALILAND U DIRAY FARIIMO WAKHTI ROOBAADKA"},"content":{"rendered":"<div class=\"newscontent\">\n<h3>Shir ay maalmihii u danbeeyey Madaxweyne ku xigeenka, iyo Guddida Abaaraha ee heer qaran ku lahaayeen Qasriga Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa lagaga hadlaayey sidii taakulo loo gaadhsiin lahaa dadka ay abaaruhu tabaaleeyeen, ka dib markii uu shirkaasi soo dhamaaday waxaa Warbaahinta la hadlay Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed oo Iimaamada Masaajidada iyo Culimada dalka ugu baaqay inay Khudbadaha Jimcaha kaga hadlaan muhiimada Nadaafada si loo xakameeyo cudurada faafa ee ka dhalan kara goobaha biyo fadhiisinada ah sida Baliyada iyo Baraagaha.<\/h3>\n<h3>Sheekh Khaliif Cabdilaahi Axmed Wasirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland waxa uu yidhi \u201cWaad ka war haysaan walalayaal Abaar baynu la tacaalaynay Todobadii bilood ee u danbaysay, qaranka Somaliland wuxuu dhammaantii ku jiray heegan isagoo kaashanaya\u00a0 Ganacsatadiisa dadweynihiisa kala duwan, Xubnaha Bulshada iyo hay\u2019addaha Caalamigaa kuwa Islaamigaa ama caalamigaa wixii waxtar aynu ka helnay intaba, waxaynu gaadhsiinaynay\u00a0 Todobadaa biloodba dadkeena abaaraysayn ee abaartu ku habsatay oo ay ugu horeeyaan Gobolada Bariga,\u00a0 imikana aynu rajaynayno in Raxmadii Ilaahay inoo da\u2019ado horaanteediina aynu hayno\u201d<\/h3>\n<h3>Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay inuu shirku daarana muhiimadana lagu saaray \u201c Waxa runtii maanta shirkeenu daaranaa\u00a0 sidii looga wada tashan lahaa loona xakamayn lahaa Cudurada \u00a0faafa, haday tahay Shuban Biyood haday tahay Kaneeco IWM oo runtii marka abaartu dhacdo ama dadku Nafaqo beelaan ay inta badan ku dhacdo, markaa meel fiicana waa noo maraysaa aad iyo aad bay Wasaaraddu uga shaqaysay annaguna waxaanu taakulo tari karaynay waanu gaadhsiinay waanu kala shaqaynaynaa ilaa inta Ilaahay (SWT) inaga saarayo Abaarta iyo Cudurada Insha Allaahu Tacaala\u201d<\/h3>\n<h3>Sheekhu waxa uu Culimada dalka ku booriyey inay dadka ku wacdiyaan ilaalinta Nafaada iyadoo qeyb ka ah Imaanka \u201cWaxaan dadweynaha ku boorin lahaa maadaama aynu dad islaama nahay ummad nadaafadeed nahay ummadii dhaqanka Ilaahay lagu soo dejiyey ay is nadiifiso aynu ahayn waxaanu leenahay walalayaal gacmaha awalba waynu maydhi jirnay oo wayso kasta waan ku maydhnaa, cuntadana waynu iska karinaa waynu naqaanaa oo ma cuno cunto qeydhin, lakiin biyaha waynu sahashana biyuhu goobaha ay inoo galeen roob ha geliyo ama booyado halagu shubee waxaa lagama maarmaana inaad dalbataan iyadoo ay wasaaraddu idinla garab taagan tahay biyo sifeeyihii (Chlorine) lagu sifaynayey biyaha in dhammaan baraagaha iyo baliyada lagu shubo biyo sifeeyahaas iyo (Chlorine) taas dadkuna biyaha ay soo qaateen iska karkariyaan oo biyuhu marka la kariyo jeermiskii la socday waa ka dhimanayaa waynu ognahay jeerkisku maanta waynagu farabadan yahay oo xoolaheenii baa bakhtiyey , xoolaheeniibaa gooryan ka dhashay, xoolaheeniibaa meelkasta daadsan markaa biyihii meesha aad filaysaan ee gacankaa mooyaane dhulkii kale oodhan bay kasoo dareerayaan dabadeena waxay ku dhacayaan meelkasta oo go\u2019dan oo biyo inoo qaban jirtay, anigoo si gaara ula hadlaya culimo awdiinka qaranka iyo iimaamada iyo mu\u2019adiniinta inay masaajidada jimcaha berito kaga hadlaan ay kusoo qaataan mawducfa nadaafada iyo safaynta baliyada, gacamada iyo dhulka biyo mareenka ah inay safeeyaan oo dadweynaha ku boorisaan u sheegtaan maadaama ay tahay masalo sharciya oo Diini ah oo Ilaahay (SWT) ina faray ( Al-Nadaafatul Minal Iiman) Ilaahayna nadaafada wuu jecelyahay\u00a0 waana nadiif Ilaahay\u201d<\/h3>\n<h3><\/h3>\n<p><span class=\"embed-youtube\"><\/span><\/p>\n<\/div>\n<h3>Dhanka kale wasiiru dawlaha wasaaradda caafimaadka\u00a0 Maxamuud Jaamac Galaal ayaa xusay doorka ay ka wasaarad ahaan ku leeyihiin xakamaynta iyo la tacaalista xanuunka shubanka isala-markaana ay wasaaradoodu ku jirto xaalad heegan ah sidoo kalena waxa uu bulshada reer Somaliland ugu baaqay inay ilaaliyan Nadaaafada si ay Saxadu u wanagsanato Cudurada faafana looga hortago waxaana hadaladiisi ka mid ahaa sidan \u201cWaxaanu ka soo baxnay shir,\u00a0 shirkaasi waxa uu daaranaa gar-gaarka degdega ah ee loogu talo galay in lagu xakameeyo cudurada ka dilaacay dalka siiba shuban biyoodka waxaanu aad ugu mahad celinaynaa Madaxwayanaha Jamhuuriyada Somaliland iyo xukuumadaba waxaanu si gaara ugu mahad celinayaa guddida abaaraha oo si weyn noola shaqaysay. Imika xaalad degdega ayaanu ku jirnaa roobab ayaa da\u2019ay waxaanu leenahay biyaha halayska kariyo oo kiniinada ay wasaarada caafimaadku qaybinayso hala isticmaalo biyo mareenada iyo gacamadana bakhtiga xoolaha halaga duwo nimco kastaaba nusqaan lehe aynu ka taxadirno roobabkaas\u201d.<\/h3>\n<h3>Wa-bilaahi Tawfiiq<\/h3>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Shir ay maalmihii u danbeeyey Madaxweyne ku xigeenka, iyo Guddida Abaaraha ee heer qaran ku lahaayeen Qasriga Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa lagaga hadlaayey sidii taakulo loo gaadhsiin lahaa dadka ay abaaruhu tabaaleeyeen, ka dib markii uu shirkaasi soo dhamaaday waxaa Warbaahinta la hadlay Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed oo Iimaamada [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":2,"featured_media":9211,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[2],"tags":[],"class_list":["post-9210","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/9210","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/2"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=9210"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/9210\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":9212,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/9210\/revisions\/9212"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/9211"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=9210"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=9210"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=9210"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}