{"id":9231,"date":"2017-04-29T10:34:43","date_gmt":"2017-04-29T10:34:43","guid":{"rendered":"http:\/\/gacanlibaaxnews.com\/?p=9231"},"modified":"2017-04-29T10:34:43","modified_gmt":"2017-04-29T10:34:43","slug":"deg-dag-ciidamada-booliska-somaliland-oo-xabsiga-u-taxaabay-siyaasi-cabdillaahi-daamurjidh-dil-xooggan-u-geystay-xoghayaha-garabka-dhallinyarada-waddani","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/?p=9231","title":{"rendered":"DEG-DAG:-Ciidamada Booliska Somaliland oo Xabsiga u Taxaabay Siyaasi Cabdillaahi Daamur+Jidh Dil Xooggan u Geystay Xoghayaha Garabka Dhallinyarada WADDANI"},"content":{"rendered":"<p>Hargeysa(GLN):-Ciidamada Booliska Somaliland, ayaa goor-dhaweyd xabsiga u taxaabay Siyaasi Cabdillaahi Daamur oo ka mid ah hoggaanka Xisbiga WADDANI iyaga oo sida oo kale na jidh dil xooggan u geystay xoghayahii garabka dhallinyarada heer qaran ee Xisbigaasi Md.Aftax Siciid Jaambiir xili ay Maxkamadda gobalka Maroodi-jeex ay\u00a0 u joogeen dhageysiga dacwadda siyaasiyiin ka tirsan Xisbiga WADDANI oo muddooyinkii dambe ku xidhnaa Jeelka weyn ee Hargeysa.<\/p>\n<p>Illaa hada lama garanaayo sababta loo xidhay mas\u2019uuliyiintan balse sida ay dad goob-joogeyaal ahi noo xaqiijiyeen, ayaa sheegaya in ciidamada Boolisku ay si juujuub ah gaadhiga Maxaabiista ugu tureen siyaasi Cabdillaahi Daamur halka Xoghaye Aftax oo isna garab-joogay loo geystay jidh dil aad u xooggan ka dib markii uu ciidamada weydiiyey sababta loo xidhaayo siyaasi Daamur, waxaana hada xaaladdiisa caafimaad lagu dabiibayaa Cisbitaalka weyn ee Hargeysa.<\/p>\n<p>Xadhiga siyaasiyiinta mucaaradka ah, ayaa muddooyinkii dambe si aada u soo badanaayey maadaama la joogo xili kala guur ah oo ay u muuqato in ay meesha ka sii baxayso xukuumadda hada talada dalka haysa ee KULMIYE taasi oo miciin biddey xadhi, cago-jugleyn iyo weli ba sida oo kale cabudhin ay siyaasiyiinta mucaaradka ah ka hor istaagayso in ay si caadi ah u gutaan hawlahooda shaqo ee siyaasaddeed.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Hargeysa(GLN):-Ciidamada Booliska Somaliland, ayaa goor-dhaweyd xabsiga u taxaabay Siyaasi Cabdillaahi Daamur oo ka mid ah hoggaanka Xisbiga WADDANI iyaga oo sida oo kale na jidh dil xooggan u geystay xoghayahii garabka dhallinyarada heer qaran ee Xisbigaasi Md.Aftax Siciid Jaambiir xili ay Maxkamadda gobalka Maroodi-jeex ay\u00a0 u joogeen dhageysiga dacwadda siyaasiyiin ka tirsan Xisbiga WADDANI oo [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":2,"featured_media":9232,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[2],"tags":[],"class_list":["post-9231","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/9231","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/2"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=9231"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/9231\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":9233,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/9231\/revisions\/9233"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/9232"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=9231"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=9231"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=9231"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}