{"id":9305,"date":"2017-05-01T14:08:04","date_gmt":"2017-05-01T14:08:04","guid":{"rendered":"http:\/\/gacanlibaaxnews.com\/?p=9305"},"modified":"2017-05-01T14:08:04","modified_gmt":"2017-05-01T14:08:04","slug":"donald-trump-oo-hoggaamiyaha-waqooyiga-kuuriya-ku-tilmaamay-nin-xariif-ah","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/?p=9305","title":{"rendered":"Donald Trump oo Hoggaamiyaha Waqooyiga Kuuriya ku tilmaamay nin xariif ah"},"content":{"rendered":"<p>Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku tilmaamay Hoggaamiyaha Waqooyiga Kuuriya Kim Jong-un, nin aad xariif u ah.<span id=\"more-69597\"><\/span><\/p>\n<p>Donald Trump oo la hadlayay Barmaamij ka baxa Telefishinka CBS ayaa sheegay in Kim Jong-un uu awooda qabsaday, isagoo aad u dhalinyar ah, uuna la macaamilay dad u aad u qalafsan.<\/p>\n<p>\u201cIsagoo dhallinyar ayuu awoodda qabtay. Dad badan ayaan hubaa inay isku dayeen inay awooddaas kala wareegaan, ha noqdo adeerkiis ama qof kale, waxaana u suurto gashay inuu awoodda haysto. Sida muuqata waa nin aad xariif u ah\u201d ayuu yiri Trump.<\/p>\n<p>Waxaa uu sheegay inuu ogsoon yahay in Kim Jong-un uu yahay nin maskax ahaan caafimaad qabo.<\/p>\n<p>\u201cDadku waxay leeyihiin, miyuu fiyow yahay? Ma garanayo\u2026laakin wuxuu ahaa nin dhallinyar oo jiray 26 ama 27 markii uu aabihii dhintay. Wuxuu la macaamilayaa dad sida muuqata aad u qallafsan, gaar ahaan jeneraallada\u201dayuu yiri Donald Trump.<\/p>\n<p>Xiisada Mareykanka iyo Waqooyiga Kuuriya ayaa todobaadyadii u dambeysay sii xoogeysatay, kaddib markii labada dal ay hawada isu mariyeen hanjabaado, waxaana Waqooyiga Kuuriya ay sii wadaa tijaabinta gantaalada nooca balastikada ah.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku tilmaamay Hoggaamiyaha Waqooyiga Kuuriya Kim Jong-un, nin aad xariif u ah. Donald Trump oo la hadlayay Barmaamij ka baxa Telefishinka CBS ayaa sheegay in Kim Jong-un uu awooda qabsaday, isagoo aad u dhalinyar ah, uuna la macaamilay dad u aad u qalafsan. \u201cIsagoo dhallinyar ayuu awoodda qabtay. Dad badan [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":2,"featured_media":9306,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[2],"tags":[],"class_list":["post-9305","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/9305","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/2"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=9305"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/9305\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":9307,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/9305\/revisions\/9307"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/9306"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=9305"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=9305"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=9305"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}