{"id":9566,"date":"2017-05-11T13:21:35","date_gmt":"2017-05-11T13:21:35","guid":{"rendered":"http:\/\/gacanlibaaxnews.com\/?p=9566"},"modified":"2017-05-11T13:21:35","modified_gmt":"2017-05-11T13:21:35","slug":"galabsi-qalinkii-hibo-ciise-maxamed","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/?p=9566","title":{"rendered":"Galabsi. Qalinkii: Hibo Ciise Maxamed"},"content":{"rendered":"<div>Omoska, diihaalka iyo boodhka ka kacaya meeliba meelbay kasii liidataa, adoo tii hore ka<\/div>\n<div>yaabanaa ayaad haatana amaakaagtay, amakaag lama yidhaa tanoo kale waa anfariir iyo naxdin<\/div>\n<div>markaliya ku saaqey. Duunyo waxay noqotaba idlaatay inta kasii joogtaana naf lama sii joogto,<\/div>\n<div>dadkiibaa se imika qarqarka u saaran inay oon iyo xanuuno ka dilaacay abaaraha u dhintaan.<\/div>\n<div>Haddaba bushadii aynu u kala saarno in Miyi ku nool iyo in Magaalo joog ah. Kii Miyiga<\/div>\n<div>markuu Illahey nimcadiisa u shubo halkii uu ka mahadnaqi lahaa buu kibray oo xoolo layska<\/div>\n<div>dhaco iyo reer hebel baa nasoo eegay anana hubkaanu guranaynaa laga bixi waayey markaasaa<\/div>\n<div>cirkaa la maray, xoolihii yaraa ee ay haysteen markii ay barwaaqada iyo nimcada deegaanka<\/div>\n<div>heleen wakaa u batey ee ay daawashadiisi ku ashqaraareen sidii ooy waligood caynkaa<\/div>\n<div>ahaanayaan. Kasii darane Sakadii iyo sadaqadiina ay la bakhayleen . intooda yar ee bixisaana<\/div>\n<div>neef uduuf ah oo uu laga samraybay sii jeed ku bixinayaan. Masaajidadii iyo salaadihii Illahey<\/div>\n<div>ku faral yeelayna aduunyo ayey kaga mashquuleen.<\/div>\n<div>Magaaladiina waxay noqotay meel ay wax walba ka dhacaan macaasidii oo aan loo kala Aabo<\/div>\n<div>yeelayn ha noqoto Khamrigii oo sharaab la mooday, Sinadii oo wax iska caadiya noqotay,<\/div>\n<div>amaanadii oo la dayaco, beentii iyo ballan furkii oo ka mid noqdayba tiirarkii nolosha, dulmigii<\/div>\n<div>oo oodaha jabiyey, wax aynu siyaasad nidhi oo la yidhi waxa lagu kala badinayaa cadaalad<\/div>\n<div>darrada, eexda, qof jeclaysiga IWM, Ka aynu siyaasiga leenahayna uu ku caanbaxay isku dir,<\/div>\n<div>danaysi, been &amp;amp; munaafaqnimo\u2026..<\/div>\n<div>Alle (SW) inagama aargoosnayo balse quraankiisu ku cadeeyay in aanay cidna wax aanay<\/div>\n<div>galabsan aanu ku dhaceyn. Hadday wanaag sameeyaan ay natiijada arki doonaan taa kasoo<\/div>\n<div>horjeedkeeduna u jiro.<\/div>\n<div>Afka iyo fagaarayaasha ayaa Alle laga baryaya iyadoo quluubtiina mugdi, xiqdi iyo xanuuno aan<\/div>\n<div>daawo laheyn ku dhaceen.<\/div>\n<div>Bulsho Islaam ah baynu nahay bal aynu isku dayno in aynu dhaqankeenan sii janjeedhsamaya<\/div>\n<div>halkiisii ku soo celino oo cilmigan inagu dhex dayacan ay dawgiisa marino quluub nadiif ahna<\/div>\n<div>aynu Alle SW la hor istaagno.<\/div>\n<div>\uf0b7 Allahaan gaf aadmiga ku qadin, qadaf kastuu gaysto.<\/div>\n<div>\uf0b7 Allahaan adoomaha gumayn , gacanta hoos haysta.<\/div>\n<div>\uf0b7 Isagaa gufeyn kara docdaan hararku gaadhayne.<\/div>\n<div>\uf0b7 Go,a madhan Raxmaan baan u dhigay gumaradiisiiye.<\/div>\n<div>\uf0b7 Adigaa ninkaad gaadh u tahay gudufna jiidhaynine<\/div>\n<div>\uf0b7 Adigaa ninkaad gawdhisaa gabagaboobaaye.<\/div>\n<div>\uf0b7 Adigaa ninkaad guusha siin tiisu gudubtaaye.<\/div>\n<div>\uf0b7 Adigaa ninkaad gaax tirtana gaajo solataaye.<\/div>\n<div>\uf0b7 Adaan geedna kaa qarin qalbiga xaalka gubayaaye<\/div>\n<div>\uf0b7 Inkastuu gabood falo nafluhu gu, iyo Jiilaalba.<\/div>\n<div>\uf0b7 Guulaha dulqaataad tahee oon hanagu goynin.<\/div>\n<div>\uf0b7 Gaargaaroow Raxmaan baad tahee cayn hanagu giijin.<\/div>\n<div>\uf0b7 Gacmihii madhanaabaan wadhnee maanta nagu goobo.<\/div>\n<div>\uf0b7 Abaaruhu gafkayagii batiyo galabsi weeyaane.<\/div>\n<div>\uf0b7 Goortaan dulmiga gaaxsanay guurtay dhibicdiiye.<\/div>\n<div>\uf0b7 Raboow gamashi baan taaganee roobka noogu gurmo.<\/div>\n<div>Xigasho<\/div>\n<div>Hibo Ciise Maxamed<\/div>\n<div>hibafaakhir@gmail.com<\/div>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Omoska, diihaalka iyo boodhka ka kacaya meeliba meelbay kasii liidataa, adoo tii hore ka yaabanaa ayaad haatana amaakaagtay, amakaag lama yidhaa tanoo kale waa anfariir iyo naxdin markaliya ku saaqey. Duunyo waxay noqotaba idlaatay inta kasii joogtaana naf lama sii joogto, dadkiibaa se imika qarqarka u saaran inay oon iyo xanuuno ka dilaacay abaaraha u [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":9567,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3],"tags":[],"class_list":["post-9566","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-maqaallo"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/9566","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=9566"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/9566\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":9568,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/9566\/revisions\/9568"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/9567"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=9566"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=9566"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=9566"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}