{"id":9603,"date":"2017-05-12T16:57:38","date_gmt":"2017-05-12T16:57:38","guid":{"rendered":"http:\/\/gacanlibaaxnews.com\/?p=9603"},"modified":"2017-05-12T16:57:38","modified_gmt":"2017-05-12T16:57:38","slug":"soomaali-laga-soo-musaafuriyay-mareykanka-oo-maanta-la-keenay-muqdisho","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/?p=9603","title":{"rendered":"Soomaali laga soo musaafuriyay Mareykanka oo maanta la keenay Muqdisho"},"content":{"rendered":"<p>Illaa 67 ruux Soomaali laga soo musaafuriyay Mareykanka ayaa maanta laga soo dejiyay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.<span id=\"more-70421\"><\/span><\/p>\n<p>Diyaaradda siday dadkan Soomaaliyeed ayaa soo martay garoonka diyaaradaha Joma Kenyatta ee magaalada Nairobi, halkaasoo ay ku dejisay illaa 5 Kenyan ah oo iyana ka mid ahaa dadka la soo musaafuriyay.<\/p>\n<p>Saraakiisha Hey\u2019adda Socdaalka Soomaaliya ayaa u sheegay qaar ka mid ah warbaahinta in diyaarad gaar ah dadkan lagu keenay, haatana ay nabad qabaan.<\/p>\n<p>\u201cWaxaa loo soo tarxiilay arrimo la xiriira socdaalka oo ay ka mid tahay sharci la\u2019aan, waa nalagu soo wargeliyay qorshaha keenidooda\u201d sidaas waxaa yiri Sarkaal ka tirsan Hey\u2019adda Socdaalka oo la hadlay Idaacada Risaala oo ka mid ah Idaacadaha ku yaala Muqdisho<\/p>\n<p>Bilihii la soo dhaafay ayaa waxaa korortay dadka faraha badan ee laga soo musaafuriyay dalka Mareykanka, waxaana laga soo dejiyay Muqdisho Soomaali ka badan boqol ruux.<\/p>\n<p>Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa balan-qaadkii uu sameeyay markii ololaha uu ku guda jiray waxaa uu ahaa inuu dalka ka musaafurinayo dadka sharci la\u2019aanta ah iyo kuwa fal dambiyeedyada galay.<\/p>\n<p>Bishii Janaayo ayay aheyd markii Madaxweyne Trumo uu soo saaray sharci ka mamnuucaya in dalka Mareykanka soo galaan Muslimiinta illaa lix dal oo kala ah Soomaaliya, Suudaan, Liibiya, Iiraan, Yemen iyo Suuriya<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Illaa 67 ruux Soomaali laga soo musaafuriyay Mareykanka ayaa maanta laga soo dejiyay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho. Diyaaradda siday dadkan Soomaaliyeed ayaa soo martay garoonka diyaaradaha Joma Kenyatta ee magaalada Nairobi, halkaasoo ay ku dejisay illaa 5 Kenyan ah oo iyana ka mid ahaa dadka la soo musaafuriyay. Saraakiisha Hey\u2019adda Socdaalka Soomaaliya [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":2,"featured_media":9604,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[2],"tags":[],"class_list":["post-9603","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/9603","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/2"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=9603"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/9603\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":9605,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/9603\/revisions\/9605"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/9604"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=9603"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=9603"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=9603"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}