{"id":9708,"date":"2017-05-16T11:34:31","date_gmt":"2017-05-16T11:34:31","guid":{"rendered":"http:\/\/gacanlibaaxnews.com\/?p=9708"},"modified":"2017-05-16T11:34:31","modified_gmt":"2017-05-16T11:34:31","slug":"raysal-wasaaraha-somaliya-oo-la-kulmay-wasiirka-arrimaha-dibadda-norway","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/?p=9708","title":{"rendered":"Raysal Wasaaraha Somaliya  oo la kulmay Wasiirka Arrimaha Dibadda Norway."},"content":{"rendered":"<p>Ra\u2019iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa kulan gaar ah kula yeeshay Magaalada Doha ee dalka Qatar, Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Dawladda Norwey B\u00f8rge Brende, waxayna ka wada hadleen arrimo ku aadan horumarinta xiriirka labada wadan.<span id=\"more-70596\"><\/span><\/p>\n<p align=\"left\">Ra\u2019iisal Wasaaraha ayaa tilmaamay muhiimda ay leedahay sii xoojinta xiriirka labada dal ee soo jireenka ah. Waxaana uu si weyn uga mahad celiyey doorka suuban ee ay dawladda Norway ku leedahay dib-u-dhiska Soomaaliya. Isagoona soo dhoweeyey sida dawladiisu ay xilligan ugu heelan tahay in ay gacan ka gaysto dadaalada lagu xasilinayo dalka iyo dhismaha dawladnimada Soomaaliya.<\/p>\n<p align=\"left\">\u201cXiriirka u dhexeeya labada dawladood waa mid aad u xoogan, taageerada ay Norway u fidiso Soomaaliyana waa mid sahlaysa dib\u00ac-u\u2013dhiska dalka, kadib, burburkii xooganaa ee ku dhacay dadka iyo dalka Soomaaliyeed.<\/p>\n<p align=\"left\">Ra\u2019iisul Wasaare Kheyre oo heysta dhalashada Norway ayaa kulankii uu la qaatay Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Norwey Mr. B\u00f8rge Brende uga warbixiyey xaaladaha dalku marayo, iyo horumarada ay dawladdu ka samaysay dhanka dawlad wanaagga iyo nabad ku soo dabaalidda guud ahaan dalkeenna.<\/p>\n<p align=\"left\">Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalka Norway B\u00f8rge Brende ayaa xusay inuu ku faraxsan yahay kulanka uu la yeeshay Ra\u2019iisul Wasaaraha Soomaaliya , wuxuuna tilmaamay in dawladdiisu ay si toos ah u garab taagan tahay lana shaqeyn doonto dawladda Soomaaliyeed.<\/p>\n<p align=\"left\">Norway ayaa ku lug laheyd muranka badda ee u dhaxeeyay Soomaaliya iyo Kenya, iyadoo qeyb ka aheyd qorshaha shidaal baarista ee badda, waxaase la ogeyn in Ra\u2019iisul Wasaaraha oo qudhiisa saami ku lahaa shirkadda Soma Oil and Gas in arrimaha ay wada hadleyn uu qeyb ka yahay arrimaha shidaalka Soomaaliya.<\/p>\n<p align=\"left\"><a href=\"http:\/\/www.jowhar.com\/wp-content\/uploads\/2017\/05\/norway.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"aligncenter size-full wp-image-70597\" src=\"http:\/\/www.jowhar.com\/wp-content\/uploads\/2017\/05\/norway.jpg\" alt=\"\" width=\"640\" height=\"427\" \/><\/a><a href=\"http:\/\/www.jowhar.com\/wp-content\/uploads\/2017\/05\/norway1.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"aligncenter size-full wp-image-70598\" src=\"http:\/\/www.jowhar.com\/wp-content\/uploads\/2017\/05\/norway1.jpg\" alt=\"\" width=\"640\" height=\"427\" \/><\/a><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Ra\u2019iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa kulan gaar ah kula yeeshay Magaalada Doha ee dalka Qatar, Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Dawladda Norwey B\u00f8rge Brende, waxayna ka wada hadleen arrimo ku aadan horumarinta xiriirka labada wadan. Ra\u2019iisal Wasaaraha ayaa tilmaamay muhiimda ay leedahay sii xoojinta xiriirka labada dal ee soo jireenka ah. Waxaana uu si [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":2,"featured_media":9709,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[2],"tags":[],"class_list":["post-9708","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/9708","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/2"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=9708"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/9708\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":9710,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/9708\/revisions\/9710"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/9709"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=9708"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=9708"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=9708"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}