{"id":9985,"date":"2017-05-29T06:57:15","date_gmt":"2017-05-29T06:57:15","guid":{"rendered":"http:\/\/gacanlibaaxnews.com\/?p=9985"},"modified":"2017-05-29T06:57:15","modified_gmt":"2017-05-29T06:57:15","slug":"wasiirka-gaadiidka-cirka-iyo-dhulka-soomaaliaya-oo-markii-ugu-horeysay-ka-hadlay-sababihi-ay-u-degi-weyday-diyaarada-turkish","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/?p=9985","title":{"rendered":"Wasiirka Gaadiidka cirka iyo dhulka Soomaaliaya  Oo Markii ugu Horeysay ka hadlay sababihi ay u degi weyday diyaarada Turkish."},"content":{"rendered":"<p>Wasiirka Gaadiidka Cirka iyo dhulka dowladda Soomaaliya Maxamed C\/llaahi Salaad ayaa ka hadlay sababihii keenay in saddexdii maalmood ee la soo dhaafay ay u degi weydo diyaarada Turkish Airlines, taasoo dib u dhac iyo rafaad badan la kulmeen rakaabkii ay keeni laheyd garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho.<span id=\"more-71555\"><\/span><\/p>\n<p>Wasiirka ayaa sheegay in sababta diyaarada ay u degi weyday saddexdii maalmood ee la soo dhaafay ay aheyd dabeyl badan oo jirtay, taasoo dhaaftay xadkii loogu tala galay sida uu yiri.<\/p>\n<p>\u201cDiyaarada Turkish Airlines waxay u sii degi weyday saddexdii maalmood ee la soo dhaafay waxay aheyd kaliya dabeysha oo xadkii loo ogolaa inay diyaarada ku soo degto ka badneyd, marka diyaarada dageysa dabeyl ayaa gadaal kaga soo dhacda, hadii ay dhaafto xawaaraha ama xadkii loogu tala gala, looma ogola inay degto\u201dayuu yiri Wasiirka.<\/p>\n<p>Wasiirka ayaa sheegay in arrintan ay tahay sharci u gaar ah shirkadda Turkish Airlines, isla markaana aanay aheyn mid garoonka Muqdisho kaliya quseysa.<\/p>\n<p>\u201cWaa sharci u yaala shirkadda Diyaarada, mana ahan mid quseysa Garoonka Muqdisho, waxay quseysaa meel kasta oo ay tagto Turkish Airlones, waa wax maalmihii la soo dhaafay dhacayay, waa wax mar kasta dhici kara, garoomada Caalamka ee ay ka degto Turkish Airlines ayay ka dhacdaa\u201dayuu yiri Wasiirka Gaadiidka cirka iyo dhulka Soomaaliya Maxamed C\/llaahi Salaad<\/p>\n<p>Sidoo kale waxaa uu tilmaamay in Wasaaradda iyo Hey\u2019adda Saadaasha Hawada ay ka shaqeeyeen sidii loo sahmin lahaa hawada, isla markaana diyaaradaha ay si caadi ah uga soo degaan garoonka, waxaana ay xuseen in si toos ah ay ula shaqeeyaan shirkadaha diyaaradaha ee ka soo dega garoonka Muqdisho.<\/p>\n<p>Rakaabkii maalmahan ku rafaadsanaa diyaarada ayaa ugu dambeyn shalay ay neef ka soo fuqday, markii dhowr cisho ay diyaarada geyneysay magaalooyinka Mombasa iyo Jabuuti, waxaana dhamaan rakaabka la seexiyay hotelo ay shirkaddu ka bixisay.<\/p>\n<p><a href=\"http:\/\/www.jowhar.com\/wp-content\/uploads\/2017\/05\/wasirka.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"aligncenter size-full wp-image-71556\" src=\"http:\/\/www.jowhar.com\/wp-content\/uploads\/2017\/05\/wasirka.jpg\" alt=\"\" width=\"640\" height=\"357\" \/><\/a><\/p>\n<p>Diyaaradda Turkish Airlines ayaa saddexdii maalmood ee la soo dhaafay u suura geli weyday inay ka soo degto garoonka, dabeylo jira awgeed, waxaana marka ay diyaarada caga dhiganeyso dhabaha garoonka ay ka timaadaa dhanka badda, waxaa diyaarada ka mamnuuca ah in magaalada dusheeda ay marto, sababo amni awgeed, inkastoo marka dabeylo noocaan ah oo kale ay jiraan, kana yimaada dhanka badda, waxaa ay diyaaradaha inta badan ay dul maraan magaalada dusheeda.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>Diyaaradda Turkish Airlines ayaa ah diyaarada kaliya ee caalami ee duulimaad ku timaada Soomaaliya, waxaana ay maalin walba ay sameysaa duulimaad toos ah Istanbul-Muqdisho iyo Muqdisho-Istanbul.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Wasiirka Gaadiidka Cirka iyo dhulka dowladda Soomaaliya Maxamed C\/llaahi Salaad ayaa ka hadlay sababihii keenay in saddexdii maalmood ee la soo dhaafay ay u degi weydo diyaarada Turkish Airlines, taasoo dib u dhac iyo rafaad badan la kulmeen rakaabkii ay keeni laheyd garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho. Wasiirka ayaa sheegay in sababta diyaarada ay u degi [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":2,"featured_media":9986,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[2],"tags":[],"class_list":["post-9985","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/9985","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/2"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=9985"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/9985\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":9987,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/9985\/revisions\/9987"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/9986"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=9985"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=9985"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=9985"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}