{"id":9994,"date":"2017-05-29T07:36:17","date_gmt":"2017-05-29T07:36:17","guid":{"rendered":"http:\/\/gacanlibaaxnews.com\/?p=9994"},"modified":"2017-05-29T07:36:17","modified_gmt":"2017-05-29T07:36:17","slug":"siddeed-qof-oo-ku-dhintay-toogasho-ka-dhacday-maraykanka","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/?p=9994","title":{"rendered":"Siddeed Qof oo ku dhintay toogasho ka dhacday Maraykanka."},"content":{"rendered":"<p class=\"story-body__introduction\">Rasaasayn habeennimadii ka dhacay gobolka Mississippi ee dalka Maraykanka ayaa horseeday in ay ku nafwaayaan siddeed ruux oo uu ka mid yahay taliye ku xigeenka deegaankaas, sida uu booliisku sheegay.<\/p>\n<p>Toogashada ayaa ka dhacday saddex goobood oo kala duwan oo ka tirsan deegaanka Lincoln County ee koonfurta Mississippi.<\/p>\n<p>Nin laga shakisan yahay oo warbaahinta dalkaasi ay magaciisa ku sheegtay Willie Cory Godbolt ayay booliisku xireen subaxnimadii Axadda.<\/p>\n<p>Masuuliyiintu waxay sheegeen in aysan wali sheegi karin waxa uu salka ku hayo dilkani.<\/p>\n<p>Godbolt soddohdii, labo ruux oo ay qaraabo yihiin iyo William Durr oo taliye xigeen booliis ah ayaa maydkooda laga helay goobta ay rasaasayntii koobaad ka dhacday ee Bogue Chitto, sida ay wararku sheegayaan.<\/p>\n<p>Rasaasaynta labaadna waxay ka dhacday Brookhaven halkaas oo laga helay maydka labo dumar ah oo da&#8217;yar, sida ay booliisku sheegeen.<\/p>\n<p>Goobta saddexaad ee ay toogashadu ka dhacdayna waa Bariga Lincoln oo laga helay maydka nin iyo haweenay.<\/p>\n<figure class=\"media-landscape has-caption full-width\"><span class=\"image-and-copyright-container\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"responsive-image__img js-image-replace\" src=\"https:\/\/ichef.bbci.co.uk\/news\/624\/cpsprodpb\/49D9\/production\/_96250981_untitled.png\" alt=\"Saxafi deegaankaas ku sugan ayaa sheegay in dhacdadani ay tahay middii u xumayd ee waligeed ka dhacda deegaanka Lincoln.\" width=\"624\" height=\"351\" \/><span class=\"off-screen\">Lahaanshaha sawirka<\/span><span class=\"story-image-copyright\">THERESE APEL \u2013 THE CLARION-LEDGER<\/span><\/span><figcaption class=\"media-caption\"><span class=\"off-screen\">Image caption<\/span><span class=\"media-caption__text\">Saxafi deegaankaas ku sugan ayaa sheegay in dhacdadani ay tahay middii u xumayd ee waligeed ka dhacda deegaanka Lincoln.<\/span><\/figcaption><\/figure>\n<figure class=\"media-landscape has-caption full-width\"><span class=\"image-and-copyright-container\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"responsive-image__img js-image-replace\" src=\"https:\/\/ichef.bbci.co.uk\/news\/624\/cpsprodpb\/97F9\/production\/_96250983_0330durr.jpg\" alt=\"Sawir horay looga qaaday William Durr oo ah sarkaalka booliiska ah ee la dilay\" width=\"624\" height=\"351\" \/><span class=\"off-screen\">Lahaanshaha sawirka<\/span><span class=\"story-image-copyright\">THE DAILY LEADER<\/span><\/span><figcaption class=\"media-caption\"><span class=\"media-caption__text\">\u00a0horay looga qaaday William Durr oo ah sarkaalka booliiska ah ee la dilay<\/span><\/figcaption><figcaption class=\"media-caption\">Sources;Bbcsomali<\/figcaption><\/figure>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Rasaasayn habeennimadii ka dhacay gobolka Mississippi ee dalka Maraykanka ayaa horseeday in ay ku nafwaayaan siddeed ruux oo uu ka mid yahay taliye ku xigeenka deegaankaas, sida uu booliisku sheegay. Toogashada ayaa ka dhacday saddex goobood oo kala duwan oo ka tirsan deegaanka Lincoln County ee koonfurta Mississippi. Nin laga shakisan yahay oo warbaahinta dalkaasi [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":2,"featured_media":9995,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[2],"tags":[],"class_list":["post-9994","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/9994","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/2"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=9994"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/9994\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":9996,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/9994\/revisions\/9996"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/9995"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=9994"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=9994"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/gacanlibaaxnews.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=9994"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}