Raadkii Saxaabada. WQ: DR. Jaamac Muuse Jaamac
October 13, 2018 - Written by C M

Ma ay ahayn gef xilliga ah. Waxay ahayd 4.30kii. “Kuwa Eebbe rumeeyayow, ooga salaadda, sidaasaa ka door roon e” ayuu ku celiyey saddex jeer baaqa hortii. Yeedhmadii shalay ee salaadda arooryo, ee habdhaca luuqdeedu xerudhaladka ahayd, kolkaan saakana maqlay, waxa ay igu riddey jid cusub: in aan raaco raadkii saxaabada Nebi Maxamed, Nabadgelyo iyo Naxariisi Korkiisa ha Ahaatee.

Mekele waxa aan ka kiraystey tagsi i geeya Neegash (Negaash?). Saacad iyo rubuc ka dib, waxa aan soo gaadhay oogo aad mooddo in goorsheegtada lagu hakiyey Rajab, Sannadkii 5aad ee Hijriyada (614-615 miilaadiga?), kolkii 17 ka mid ah saxaabadii Nebi Maxamed (NNKHA), oo ka soo cararay xumaantii Qurayshta Maka iyo xaqdarradii Carabta qaarkeed, ay soo gaadheen buurahan qabow ee degganaanshaha nafsiga ahi hadheeyey. Kooxda hore waxay ahaayeen baa la yidhi 12 nin iyo 5 (4?) dumar ah oo ay ku jiraan Cismaan Ibn Cafaan iyo Ruqiya Bintu Maxamed, Eebbe raalli ha ka noqdo labadaba e. Kooxda labaad oo 83(?) rag iyo 19(?) dumar ah ahayd, waxa hoggaaminayay Jacfar Abu Daalib, Eebbe raali ha ka noqdee. Waxa soo direy Suubbanaha Maxamed (NNKHA), oo u sheegay in ay halkaa ku badbaadayaan, maganna u noqon doonaan boqor madow oo ka taliya dhulkaa nabadda ah.

Neegash, Negaash ama Nejaash, waa tuulo ku taal kililka Tigree, Itoobiya, waddada isku xidha Mekele-Adigrat, una jirta 6.5km magaalada Wukro. Waxa la yidhaahdaa waa degaankii islaamka ee ugu horreeyey Afrika. Magacu wuxuu ka yimi afka Tigreega waana boqor. Dadka ku nooli oo qiyaastii 10,000 ku dhow in ka yar 700 ayaa muslim ah.

Ashama Ibn Ajbar (Boqorkii Neegash) wuxuu ahaa boqor Kiristaan “Orthodox” ah oo ka taliya boqortooyadii Aaksum, wuxuuna noolaa oo xukumaayay Aaksum 614-631 CD, ee ku beegan sannadihii 5-22 ee tirsiga Islaamka. Tuuladan aan caawa joogo meel u dhow oo qowga buurta kasoo horjeeda ah, walina kasii muuqdaan duugaalkii degganaanshuhu, ayuu fadhigiisu ahaan jirey. Waxa aad mooddaa sida loo nool yahay, in wax yari is beddeleen ilaa xilligaa. Boqorku wuxuu ku aasan yahay halkan, waxana uu ku geeriyooday islaannimo kolkii danbe ayay degaanku qabaan.

Saddex dhisme oo dhawaan Turkigu sameeyey, oo si filroon u dhisan, dhul nadiif ah oo biyo ka soo dhacayaan, oo la isku daahiriyo, kuraasi dhadhaab ka samaysan oo loogu fadhiisto waysada, farxshaxan joometeri isku dhafan ku salaysan, xayndaab qurxoon oo masaajidka iyo xabaalaha kala oodaya, iyo goob shirarka lagu qaban karo oo qiyaastii 300 oo qof fadhiisan karaan, ayaa judhadiiba ku qaabilaya. Waxaad dareemaysaa ilbaxnimo, dadnimo iyo degganaasho, kolka Iimaan Aadan kaaga horyimaaddo si kalsooni ah. “Haddii aad Islaam tahay u weeco xagga masaajidka, haddii aad dalxiise kale tahayna dariiqa toos u qaad oo xayndaabka ka tallow,” ayay si kalsooni leh kuugu odhan doonaa markaad is hortaagto. Hadday kuu gartaan soo galeetina, kolkay yiqiinsadaan in aanad Af Tigree iyo Af Amxaari toona ku hadal, waxay kugu odhan “miyaad ku hadashaa Af Carabiga?”

Kolka ay ku haybsadaan, waxay kuugu yeedhi qof afkaaga ku hadla: Soomaali, Amxaari, Canfari, Ingiriisi, Tigree iyo Carabi intaba cid ku hadasha ayaa xerta ka mid ah.

Taariikhaha qoran ee Reer Galbeedka, kuwa buugaagta taariikhda islaamka ku sheeggan, iyo kuwa afka ay iiga yidhaahdeen degaanku way isdhaafsan yihiin, kolkaa waxba ka odhan maayo jeeroon baadhitaan kale sameeyo, degaanku se waxay ay ii sheegeen in taariikhdii Islaamka ee dhabta uga dhacday halkan, ay dawladihii xoogga waynaa ee u kala danbeeyey Itoobiya dhallanrogeen. Waxa aan soo arkay dhowr qof oo dadnimadooda iyo iimaankooduba aad u sarreeyo. Walow hayntooda adduunyo ay dayro u muuqatay, haddana iftiin badan baa ka muuqday labbiskooda iyo wajiyadooda. Ma ogi in ay maalin kasta sidan quruxda badan u labbisanyihiin, iyo in Jimcaha daraadeed ay salaadda ugu soo diyaargaroobeen. Midi waa Sheekh Aadan Maxamed Ibraahin, hayaha furaha iyo adeegaha Xarunta Negaash, ahna hagaha masaajidka xilliyada la oogayo salaadda. Midina waa Cali Muuse Cali, gacanyare xerow ah oo afsoomaaliga ku hadla. Dhowr qof oo kalena waan la kulmay.

Qudbadda salaadda Jimce ma aan fahmayn kolka laga reebo meelaha hadal-qaadka Suubbanaha Maxamed uu ku jiro oo sare loo qaadayay xuskiisa iyo Allowbarigiisa, Nabadgelyo iyo Naxariisi Korkiisa ha Ahaatee. Kolkaa waan raacinayay xuska oo Af Carabi ah, inta kalese Af Tigree ayaa waxa isu sheeggu ku baxayay. Salaadda ka dib ayuu Sheekh Aadan ii warramay, i soo mariyey dhismaha, i tusay xawaalka dhagaxaanta cusub lagu qurxiyey, haseyeeshee ay ku qoran yihiin inay ku aasan yihiin Boqorkii Neegesh, oo sida dadka degaanku aaminsan yihiin, ku dhintay islaannimo, iyo 15 ka mid ah asxaabadii ku geeriyootay intii aanay dib u noqon, oo laba iyo toban ka mid ahi isku meel kula aasan yihiin boqorka.

Waxa kale oo ku magaacaban dhagax-xawaallada midkood Cabdiraxmaan Jabarti oo ay aad ugu ducaynayeen, waayo isagaa dhisay, ilaaliyey goobtan, markii danbena labadiisii wiil u kala direy Geeska iyo Gudaha Afrika, si ay dacwadda u fidiyaan, ayay igu yidhaahdeen.

Waxa ay iiga sheekeeyeen, oo i tuseen, qoraallo farriin iswaydaarsi ah oo ah dhambaal uu Suubbaneheenna Maxamed u soo direy boqorka si uu uga mahadceliyo, iyo dhambaal jawaab ah oo boqor Negaash u celiyey Suubanaha.

Waxa ay iiga sheekeeyeen, oo i tuseen, qoraallo laga sameeyey dooddii Jacfar Binu Abii Daalib ku badbaadiyey saxaabada markii nimanka awoodda badan ee Qurayshi ka soo daba dirtey si loo soo qabqabto asxaabta, oo uu hoggaaminayay aftahan Camr ibn Caas oo aan wali soo muslimin markaa, boqorkana hadiyadda qaaliga ah u keeneen, ay ku andacoodeen in “kooxdani shufto soo goosatay yihiin oo qaran dumis ah, diintaada Ciise na ku wacad furey.”

Waxa ay ii sheegeen sida uu Boqor Negaash u ahaa xaqsoore oo intii aanu go’aanka gaadhin hadalka uu u siiyey Jacfar, oo isaguna iskaga dhiciyey dood qiime leh, una akhriyey qaybo ka mid ah suuradda Maryama ee Qowlka Eebbe. Kolkii Negaash dareemay runnimada doodad Jacfarna, jeclaystay in uu Jacfar bal u akhriyo qaybo kale oo hadalka Eebbe ee loo soo mariyey Maxamed (NNKHA) ah.

Waxa ay ii sheegeen in qaybo ka mid ah Quraanka kolkuu Jacafar u akhriyey Negaash, uu boqorku jidhidhicooday, kuna wacad galay in ay badbaado ku negaan doonaan ilaa inta ay iyagu iskood u noqonayaan, sidaana ku magan galiyey.

Dareenka hawada, dadka wajiyadooda, cimilada degganaanshuhu hadheeyey waxa aad is odhanaysaa kun iyo badhkaa sannadood ee ka soo wareegtay taariikhda, in ay goorsheegtadu taagnayd. Dhismayaasha, marka la reebo masaajidka cusub ee uu Turkigu ka dhisay mooyiye, dhulka intiisa kale dhagaxa uu ku samaysan yahay waxa ku muuqda duugaal muddo dheer soo jirey. Waxaan dareemayay in aan raadkii saxaabada, oo wali sii muuqda, aan aniguna ku dul tallaabsanayay, kolkaan sheikh Aadan la fadhiyey.

Cali Muuse wuxuu igu yidhi waxa aan ahay Soomaali, oo ina Muuse ayaan ahay. Anna waxaan ku idhi aniguba ina Muuse ayaan ahay. Markii danbe se wuu ii wada sheegay runta in uu isaga iyo waalidkiiba ku dhasheen Gondar dusheeda, oon asalkoodu ahayn Soomaali, haseyeeshee uu Jabbuuti ku korey, afka ku bartay, aabihiina ku dhintey halkaa, hase yeeshee hooyadii u diiddey inuu magaalada sii joogo, Jabbuuti iyo Addis toona, oo ay ku tidhi joog masaajidka oo xerow ka noqo.

Waxa aan go’aansaday in aan caawa u hoydo halkan, la cuno oonta yar ee isku fillaysiiyaan, kuna noolyihiin, tagsigiina waan fasaxay. Ayaamaha soo socda ayaan idiinka sheekayn doonaa mid mid arrimahaa kor ku xusan ee ay ii sheegeen oo faahfaahsan, haddii Alle idmo.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Dr. Jaamac Muuse Jaamac

Neegush, Ethiopia,

5 Oktoober, 2018

COMMENTS