Af Soomaaliga: Marxaladda Maanta Iyo Jiritaankiisa Mustaqbalka. WQ: Khaalid Bulshaawi
February 14, 2019 - Written by C M
Marxalado kala duwan iyo dadaalo is Xigay oo muddo dheer
soo socday Ugu danbayn sanadkii 1972 kii ayay dawladii soomaaliyeed shaacisay
hadal aad loogu farxay oo ahaa in guud ahaan qoomiyada Soomaaliyeed ay yeelan
doonaan Afka ay ku hadlaan oo qoran ama Leh Tixraac xuruufeed kaas oo
Fududaynaya waxbarashada Islamarkaana xoojinaya aqoonta iyo Akhriska soomaalida
maadaama Xiligaas wixii ka horeeyay ay Soomaalidu ahayd bulsho afkooda ku
Hadasha balse aan lahayn wax Qoraal ah.
Dawladii kacaanka ayaa dedaal Badan ku bixisay horumarinta af Soomaaliga iyagoo
isku dayay in uu La mid noqdo afafka kale ee dunida Waxaana ay dad badani
xusuusan Yihiin ololihii qorista iyo akhrinta af Soomaaliga.
Hase yeeshee burburkii soo gaadhay Qarankii iyo dawladii soomaaliyeed
Ayaa dhibaato dhinacyo badan ah u Horseeday qoomiyada soomaalida Waxaana afka
soomaaligu uu kamid Uahay dhibanayaasha ay Dhibaatadaasi saamaysay.
Laakiin khuburo kamida Aqoonyahanada ku xeeldheer Culuumta luuqadaha ee soomalida
ah Ayaa sheegay in marxalad aad u Hoosaysa uu marayo af soomaaligu Isla
markaana walaac iyo werwer Laga qabo jiritaankiisa mustaqbal.
Dedaalo badan iyo daraasado door ah Ayaa lagu gorfeeyay dajinta naxwaha
Afka soomaaliga sida Magac, fal, Fal-kaab, Magac u yaal, Sifo,
hadana Sidaasi oo ay tahay wali naxwaha iyo Erayaduba waa qabyo.
Qarnigan (21 – aad ) oo isdhexgalka Dunida iyo bulshooyinku ay meel sare
marayso maadaama tiknoolajiyada Iyo aaladaha casriga ah ee caalamka kusoo
kordhay ay fududeeyeen in dadyoowga caalamka oo dhan ay hal Meel ku wada
xidhiidhi karaan ama Iska arki karaan amase ay ka wada Hadli karaan.
Loolanka wajiyada badan iyo tartanka ka dhaxeeya
dalalka dunida waxa kamid ah fidinta iyo balaadhinta luuqadahooda inkasta oo cilmiga
iyo aqoontu ay qofkasta muhiim u tahay hadana waxa xusid mudan in la kala
saaro oo aan la isku qaldin macnayaasha aqoonta iyo afka ama luuqada.
Sida aynu ognahay aqoontu waa mid guud oo ka dhaxaysa
umadaha aduunyada ku nool mana jirto cid gaar u sheegata lahaanshaheeda balse
luuqada ama afka hooyo waa astaan iyo calaamad ka turjumaysa jiritaanka
qoomiyadeed ee qayb kamida bulshooyinka dunida wadan kastaana wuxuu gaar u
leeyahay luuqad u gaar ah.
Taariikhda iyo sooyaalka nololeed ee umadaha waxa lagu qeexaa ama ay qiimo ku
leeyihiin luuqadooda,
Markasta oo bulshadu yaraso adeegsiga afkaartooda ama ka qayb qaadashada
harumarinta iyo kobcinta waa Astaamaha lagu garto burburka luuqada iyo
calaamadaha ugu danbayn sababa in luuqadaasi ay ka baxdo khariirada
luuqadaha dunida.
Hadaba aqoonyahano badan ayaa ka walaacsan sii jiritaanka luuqadeena maadaama
oo xukumadaha,ganacsatada iyo dhalinyarada dambe ayna xooga saarin ama dedaal
badan ku bixinin luuqada af soomaaliga.