ugu horayn waxa waxa loo baahan yahay in uu hogaamiyaha dalku
dareensanaado in ay jirto wada lahaansho iyo sinaan cadaalad ku dhisan oo loo
siman yahay dalka hayadihiisa oo dhan min madaxweyne ilaa waashmaan waa in loo
sinaadaa shaqada dawlada iyo wadalahaanshaha dalka guud ahaantiisba.
Waxa aynu ka soo dagaalanay waxa ugu waynaa waa cadaalad daro
laynoo geystey intii uu jirey maamulkii Afweyne ee xukumaddii Siyaad Bare ee
iyo kuwii ka horeeyeyba ay kula kaceen shacabkii keenay xoriyadda ee waqooyi
dal jacayl iyo midnimo darteed u sidqeeyey qaranimadii aynu ka qaadanay
Gumaystihii Ingiriiska.
Haddaba Soddon sano ka bacdi waa arin aan inoo cuntamin in aynu ka
haddalo saami qaybsi iyo sinaan loo simanyahay sharciga iyo dawladnimadda.
Burburkii somalilia waxa aynu la soo noqonay xoriyaddii aynu
lixdankii hibayney ee aynu midnimadda dhaafsanay, dhiig badan ka dib waxa aynu
helay dal iyo dad madaxbanaan oo dawladnimo doon ah inkasta oo aynaan ictiraaf
helin, haddana waxa aynu helay waa qaran taabo gal ah oo qaan gaadh ah, oo aan
maanta cidna marti uga hayn dawladnimadiisa. Balse waxa ayaan daro ah in Afartii
hogaamiye ee qaranka maamulkiisa soo qabtay aanay ku bixin dedaalkii iyo
kartidii loo baahnaa in la geliyo Midnimada dalka iyo Raadinta Ictiraafka aynu
soddonka sano raadinayney oo ninba meel uu diirada saaraayey balse aanu nina ku
guulaysan. Balse waa halxidhaale looga tegey Madaxweynaha maanta haya
hogaamintii dalka oo looga fadhiyo ku
dhicii iyo geesinimadii iyo go’aan
qaadashadii loogu codeeyey looguna ololeeyey, su’aashu se waa ma muuqataa
hogaamin arintaasi iyo hawlaha gudaha ee cakirn ka fal celinkartaa oo dalkan u
jeexi karta diriiq lagu guulaysan karo.
Haddii uu madaxweynuhu la yimaado karti iyo dedaal aqooni ku
dhisantahay, oo uu hanto quluubta shacbigiisa min daraf ilaa daraf, geesino iyo
hawlkarnimona ku darsado, cadaalad iyo sinaan sharci oo muuqatana oo la iska
wada dhex arkona uu sameeyo horaa loo soconayaa waa dhab. Laakiin haddii kale
horusocod daaye dibaa loo noqonayaa alle kama dhigee, guusha siyaasadu waxa ay
ku jirtaa furfuran iyo bisayl siyaasadeed oo ku dhac wata.
Cadaaladu waa laf dhabarta jiritaanka iyo sinaanta umadda,
soomalidu waxa ay ku maahmaahdaa ” Rag caddaalad waayaa sidii cawsha kala
yaac”, waayo haddii la waayo cadaalad iyo sinaan iyo midnimo, waxa
imanaysa in aan loo sinaan Sharciga, shaqada, xilalka dawlada, xukunada
maxkamadaha iyo hayadaha garsoorka iyo sinaanta ganacsiga dalka oo noqda in
kooto cid gaara loogu xidho,ama lagu wada qaato waxkasta oo adeega bulshada ah
sida iminkaba aynu horaanteeda aragno.
Arintaasi waxa ay
dhaawacaysaa jiritaanka dalka iyo dawladnimada jirta taabo galkeeda iyo soo
koritaankeeda iyo hiigsa fog ee qaranka lagu soo wadey 27 kiisano ee hore, Haddaba
waxa looga fadhiyaa maddaxweynaha maanta hogaaminaaya qaranka dhiiranaan
siyaasadeed iyo go’aano cadaaladeed oo qanciya bulshada Somaliland oo dhan min
lawyacado ilaa qaw. Wayo horaa loo yidhi “ Raqba waa ku rageed”, markaa maanta
ninka la doortay ee la wada eegayaa waa adiga Madaxweyne ee si cadaalad iyo
hufnaan ah ugu garsoor Qaranka oo dhinacna ha u eexan.
Gacanlibaaxnews masuul ka ma aha
habka iyo curinta qoraalkan, ee waa fikir iyo aragti u gaar ah qoraha. Waxa se
Gacanlibaaxnews masuuliyadi ka saran tahay hubinta iyo ka la haadinta ka hor
inta aanan idiin soo baahin qoraalka.