Yaa daaha dabadiisa ka murmaya? Qore: Dr-Abdulqani Hussein Beder
October 23, 2025 - Written by maamule

Maqaalkani waxa uu jihaynayaa hab dhaqanka waalidka ee fahamka ilmihiisa iyo fahamka macallinka ee ardaygiisa, waxaanu sababaynayaa kala duwanaanshaha hab -fikir ee ku xidhan heerarka cumriga, sidoo kale waxa uu ku fahamsiinayaa maxaynnu baraha bulshada ugu murannaa?

Koritaanka qofka ee jidheed iyo koritaankiisa maskaxeed xidhiidh weyn baa ka dhexeeya, qofka marka aad is horjoogtaan waxa aad garan karta heerka guud ee cumrigiisa, halkaasna waxa aad ka fahmi kartaa qayb ka mid ah heerka qaab fikirkiisa, oo ilma yar oo 12 jir ah iyo nin weyn oo 42 jir ah waad garan kartaa kala duwanaanshaha caqligooda. Arrintaa adiga oo ka duulaya ayaad qof walba kula tacaamulaysaa heerka ku habboon, way dhici kartaa in la helo qof 12 jir ah oo ka aqoon badan, kana waayo aragsan mid 42 jir ah, ha se yeeshee waxa ay noqonaysaa xaalad mar la arag ah, asalku se waa ta hore.

Dhibaatada baraha bulshada innaga haysataa waxa ay la xidhiidhaa halkan, waxa aad la hadlaysaa oo kula hadlay qof daaha dabadiisa ku jira, ma garanaysid da’diisa, mana garanaysid, aqoontiisa iyo waayo’aragnimadiisa, isaga oo ah ilma har ayaa laga yaabaa in aad ula hadasho sida qof weyn oo caqligiisu buuxo, isaga oo jaahil ah ayaa laga yaabaa in aad ula hadasho sida qof aqoon leh oo waxa aad ka hadlayso fahmi kara, isla markaana garanaya anshaxii uu ka mudnaa qofkan la hadlaa.

Haddaba halkan waxa aan maanta idinkula wadaagayaa qayb ka mid ah cilmiga tarbiya bulsheedka, gaar ahaan hab fikirka qofka iyo xidhiidhka ka dhexeeya da’diisa.

Cinwaanku waa: Marxaladaha koritaanka qofka iyo saamayntooda ku saabsan hab fikirkiisa

Qofku waxa uu maraa marxalado kala duwan marka uu korayo, heer walibana waxa uu leeyahay astaamo u gaar ah oo qaabaynaya hab ta fikirkiisa.

Waana kuwan:

1) Marxaladda caruurnimada (laga bilaabo dhalashada ilaa 12 jir ku dhow):

Marxaladdani waxa ay u qaybsantaa 2 qaybood:

1. Carruurnimada hore (Dhalashada illaa 6 jir): marxaladdan waxa la yiraahdaa “marxaladda aqbalaadda indho la’aanta ah”. Taasoo macnaheedu yahay in ilmuhu aqbalo oo run u qaato wax kasta oo loo sheego ama uu daawado. Xaaladdan ilmuhu inta badan waxa uu ku jiraa gacanta waalid, sidaa awgeed ayay ahay in waalidku ahmiyad weyn siiyo qaab korniinka maskaxeed ee ilmihiisa. Sidoo kale deegaanka ilmaha ku xeeran ayuu kala kulmaa keydka gundhigga ah ee maskaxdiisa, sida malcaamadda iyo iskuulka.

2. Carruurnimada dhexe/danbe (6-12 sano): heerkan waa marxalad muhiim u ah dhismaha qaab fikirka ilmaha, waa marxaladda ay u balaabanto sababaynta dhacdooyin (Why), laakiin weli ma gaadhin kala saaridda sababaynta teeda madniqa ah iyo ta mandiq la moodka ah, waana marxalad ku suntan keydinta qeedhin/ceedhin, waxa uu si guud u keydiyaa macluumaadka , waxaana bilaabma qaabaynta fikradaha bulshada iyo akhlaaqdeeda.

2) Marxaladda dhallinyarada-qaangaadhka – teenage (laga bilaabo 12 ilaa 18, waa laga yaabaa in ay ilaa 20 gaadho):

1- Heerkan waxa dhaca isbeddelo waaweyn oo muhiim ah, waxa uu jidhku keenaa hormoonno saamayn ku yeesha qaab fikirka qofka iyo dareenkiisaba, taasoo si muq leh u saamaysa tasarufaadkiisa iyo caqligiisaba.

2- Heerkan qofka fikirkuusu waxa uu sifoobi karaa – xaalad israadin nafeed ah, waxa uu raadinayaa ruuxa da’dan ku jiraa aqoonsi jiritaan iyo madax bannaani, waa xaaladda wiilashana dhidid koodu u uro ee muruqoodu go’o, habluhuna isqurxinta iyo muujinta dumarnimadooda bilaabaan. Marxaladdani waa marxalad khatar ah, waana xaalad kala guur lagu sifeyn karo ama isgoys dhanka fikirka iyo fahamka ruuxaba, sababtuna waa laba arrimood: mid jidheed iyo mid fikradeed, mid jidheed oo ah isbeddellada hormooniga ah ee ku imanaya jidhka iyo mid taa ku lammaan oo ah dhanka qaab fikirka, waa xaaladda ugu adag ee ay waalidka iyo ilmuhu isku dhacaan, waana xaaladda inta badan ay dhalinyaradu jar-iska-tuurka noqdaan.

Waa marxalad uu u nugulyahay ilmuhu in la duufsado; xagjirnimo lagu qalqaaliyo, tahriib loo kaxaysto, inamada iyo habluhu isla yaacaan. Waa marxalad ka fekeridda cidhibta danbe aanay xoogganayn ee caadifadda iyo ku dhaqaaqdu xooggantahay. Marxaladdan weeye ta ugu habboon hordhaca aynnu maqaalka u samaynay, waa marxaladda muranka aan waxba xeerinnin, sumadduna waa in uu ruuxani ku jiro xaalad uu naftiisa raadinayo, ismuujinayo, in uu wax walba garanayo isu haysto, isla markaana aanu u fadhiyin caqligii u sheegi lahaa ixtiraamka naftiisa iyo dadka ka waaweyn ama aqoonta badan xataa hadduu intaa qiro oo oggolaado.

3) Marxaladda koritaanka hore / Marxaladda dhalinyarada (laga bilaabo 18 ilaa 40 jir):

1- Heerkan waxa la yidhaahdaa: Marxaladda khatarta ah (18-25): Waxa sii xoogaysta aqoonsi raadista, laakiin tii ka horreysay waxa ay kaga duwan tahay waxa ay leedahay waxoogaa sababayn mandiq ku dhisan. Marxaladdan maadaama oo ay tahay marxalad ay bilaabmayso sababaynta caqliyeysani, waxa ugu habboon ee lagula dhaqmi karaa waa in si fudud oo mandiq ah wax loogu sheego oo la toosiyo.

2- Xasiloonidda iyo waayeelidda (25-40): heerka waxa bilaabma in uu ruuxu si tartiib tartiib ah u waayeelo oo u dego, waxa kordha khibradda nolosha, waxaana xoogaysta dareenka aqoonsiga waajibaadka nolosha (sida waxbarashada, shaqada, iyo guurka), taasoo ka caawisa in la yareeyo xaaladda kacdoonka iyo qaadashada aragti dheellitiran.

4) Marxaladda dhammaystiranka iyo bisaylka 40+

Waa marxaladda bislaanshaha iyo macquulnimada buuxda, halkan ayuu ka bilaambaa dhammaystiranka caqliga iyo aqoonsiga waaya’aragnimadu, xikmadda iyo go’aan qaadashada qumman ee sababaysani.

Taa macnaheedu ma aha in qof kasta iyo fikirkiisu uu ku fadhiyo arrimaha aynnu sheegnay, dad baa jira Alle faham dheeraad ah siiyo, oo iyaga oo da’yar ah haddana garasho buuxda leh, sidoo kale waxa aad arkaysaa kuwo 50ka maraya ama ku dhow oo caqligoodu dhicis yahay.

Mushkiladdaha waaweyn ee ay baraha bulshadu inoo soo kordhiyeen waxa ka mid ah arrin la xidhiidha qodobkan aynnu ka soo hadallay, waxa isku qasmay kala soocnaantii heerarka bulshada, waxa daaha dabadiisa ku murmaya maanta oo dhan laba qof oo aan heer ka fekerkoodu isu dhoweyn, sababtuna waa kala fogaanshaha da’da, aqoonta iyo waaya’aragnimada.

Taasi waxa ay yaraysay kala faa’iidaysigii iyo is ixtiraamkii bulshadu ku dhismi lahayd.

Dr-Abdulqani Hussein Beder

COMMENTS