Balaayo Loo Baahan Yahay! WQ: Xamse Cumar Kujoog
February 5, 2019 - Written by C M

Maalin wanaagsan, muddo kooban oo laba bilood ku siman 04-Dec – 04- Feb ayaan halkan (Facebook) ka maqnaa, ma aan jeclayn in aan idhaahdo waan baxayaaye nabad gelyo iyo waan soo noqdee iska warrama sida asxaab badani samayso, waxa se aan jeclaaday in bulsho aan maalmo kala maqnayn mar kale aan idhaahdo “Barinaye ma barideen? Bulshayahay ma nabad baa?” bariidadana aan ku daro wax aan isleeyahay armaa Ilaahay hal qofna haka yeelee uu cid uun wax taraa.

Waxa ay ahayd bilowgii December kolkii aan iska xidhay bartaydan Facebook, sidoo kale waxa aan raaciyay madalo kale oo aan bulshada ka wada xidhiidhi jirnay oo uu ka mid yahay Instagram ama Immisa garaam waa halkii abtigay Khadar’e iyo qaar kale, igumay cusbayn in aan ka siibto madashan aad mooddo muddooyinkii danbe in ay ka mid noqotay nolosheenna oo inteenna badani aanay daqiiqad ka maarmi karin. Waa waxa u danbeeya ee habeenkii inta aynaan gamin aynu isha ku haynno, subixii kolka aynu kacnana inta aynaan indhaha si fiican u kala furin waxa aynu gacanta ku baadhbaadhnaa Telefoonka oo waxa aynu yar khaawisnaa baraha bulshada. Waxa aan sannadihii lasoo dhaafay is baray in aan usbuuc hawada ka maqnaado, haddana laba usbuuc, mar kalana bil hadda oo u danbaysayna laba bilood ayaan kasoo laacay.

Muddadii aan maqnaa waxa aan ogaaday laba arrimood oo aynu wada ognahay waxaanan jeclaystay in aan idinla wadaago:
1. Facebook iyo baraha bulshadu waxa ay innaga cunaan waqti aad u badan oo aynu ku qabsan lahayn hawlo badan sida; cibaadooyin badan oo faral iyo sunne ba leh, akhris iyo qoraal, booqasho ehel iyo ka warhayn qoys, shaqooyin innoo yaalla oo aynu si wanaagsan uga soo baxno iyo sidoo kale fulinta himilooyin aynu dhigannay si aynu u gaadhno. 
2. Baraha bulshadu waxa ay qayb ka yihiin meelaha aynu ka helno wararka iyo xaaladaha dalku marayo, sidoo kalana waxa aynu kala xidhiidhna bulsho ehel iyo asxaabba leh oo dunida daafaheeda kala joogta, waxana laga yaabaa in muddada aad ka maqan tahay aad noqoto sidii qof dhego la’ oo aan wax war ah u hayn waxa ka socda dhinaciisa.

Labadaas qodob haddii aan indhaha tijaabadii koobnayd ee aan sameeyay ku eego, baraha bulshadu waxa ay maalin kasta iga qaadan jireen wax ka badan 5 saacadood ugu yaraan, shantaas saacadood oo aan eegi jiray waxa ka dhex socda sida qoraallada ama aan daawan jiray sawirada iyo muuqaallada ay asxaabtu innala wadaagaan. 
Muddadii aan ka maqnaa waxa aan aad u dareemay in uu iisoo baxay waqti badan oo hore aanan u heli jirin, waxa aan bilaabay in aan shaqooyinka ii yaalla goor hore qabsado, waxa aan bilaabay in aan wax akhriyo, sidoo kale wax aan saacadihii soo baxay ku buuxiyay in aan wax qoro ama hal-tebiyo (turjumo), waxa aan marar badan isu qaaday qalin iyo warqad si aan wax badan oo aan doonayay u xariiqdo, sidoo kale waxa aan markii ugu horraysay ku dhiirraday in aan cidla fadhiisto aan la sheekaysto qof aan aad uga baqan jiray –Ilaahay baa laga baqdaaye- in aan la hadlo, baqo waynaa oo wadno gariir badanaa qof aad sannado ka dhuumanaysay kolka aad cidla ugu baxdo, kolka aad sheeko la wadaagto, kolka uu waydiimo adag ku hor dhigo, kolka uu nafta canaan kaaga jaro, qofkaasi qof kala maaha ee waa isla aniga, naftayda ayaan maalmo la sheekaystay, waanu isku madhannay, isku xiiqnay oo Ilaahay ballankii isku dul beercaddaannay.

Tusaale ahaan haddii aan idinla wadaago dhanka akhriska sannadkii lasoo dhaafay ee 2018 waxa aan hubaa in aan dhammeeyey 4 buug oo midiba bilo ila qaatay, qaar kalana aan farafareeyay oo midba aan meel kaga dhaqaaqay, sannadkan kolkii aan baraha bulshada ka yar baxsaday waxa aan Ilaahay mahaddii akhriyay bishii horeba 2 buug oo aad u culus, mid kalana bishan ayaan gacanta ku hayaa, waxa ay kala ahaayeen labada hore, buugga “Sidee ayaynu isu khilaafi karnaa? Ama Kayfa Nakhtalif” للدكتور سلمان العودة كيف نختلف waa buug ka warramaya kala duwanaanshaha aragtiyaha, waxa qoray Dr Salmaan Al Cowdah oo ah caalim iyo Sheekh u dhashay dalka Sucuudiga, sidoo kalana ah mufakir wayn oo ka mid ah dadka wax badan ka beddelay malaayiin dhallinyaro ah oo ku xidhan qoraalladiisa iyo baraha bulshada uu dadka kala xidhiidho, waxa uu hadda ku xidhan yahay isla dalka uu u dhashay ee Sucuudiga, isaga oo loo haysto fikirkiisa iyo ereyo uu ku qoray Twitter, Ilaahay haka soo furto jeelka uu dulmiga ugu xidhan yahay. 
Buugga labaad ee aan isku kala bixiyay ayaa ahaa “Shuruudda horumarka ama Shuruud An-nahda شروط النهضة لمالك بن نبي oo uu qoray mufakirkii waynaa ee Maalik bin Nabi, waxa uu soo bandhigayaa mushkiladaha iyo dhibaatooyinka xadaaradaha dunida, sidoo kalana waxa uu farta ku fiiqayaa waddada ugu mudan ee horumar lagu gaadhi karo. (Labadaas buug casharadii aan ka bartay mar kale ayaan idam Alle idinla wadaagi tognaan iyo tabnaan ba.

Dhanka qoraalka sannadkii hore waxa uu ahaa mid wixii aan xariiqi jiray iyo qalinkaygu ku sigtay inuu gudho, waxana aan filayaa in wax ka yar 10 maqaal aan bulshada la wadaagay, muddadii koobnayd ee aan baraha bulshada ka maqnaana waxa aan qalinka u qaatay tiradii sannadkii hore tiro kusoo laban laabmaysa, mid aan qoro iyo mid aan hal-tebiyaba, idam Allana waan sii wadi waanan idinla wadaagi wixii aan xarxariiqay.

Dhanka kale ama qodobka labaad waxa maalin kasta I dhaafi jiray warar badan oo aan u baahnaa iyo qaar aanan u baahnayn labadaba, waxa aan maqli jiray asxaab farxaddoodii I dhaaftay, barwaaqadii guurka iyo jannadii qoysnimadana daf yidhi, Ka bax ka bax😂. Sidoo kale waxa aan maalmo kaddib ogaan jiray asxaab ay geeri ku timi amaba ehelkooda cid ka mid ahi dunida ka huleeshay, Ilaahay inta dhimatay ha u naxariisto, cidda cidi ka dhimatayna ha u naxariisto, dhammaanteenna waan wada dhimanaynaa Rabbi ha innoo wada naxariisto. 
Sidoo kale xaaladaha isbeddelaya ee dalka ayaa marar badan muddo kaddib isoo gaadhi jiray, qaar ayaan niyadda ku qaban jiray in aan ka falceliyo, qaar kale oo foolxumada iyo calool xumada aad yaabtana waxa aan ku farxi jiray Rabbigii iga maqnaysiiyay meeshii lagu sheeg sheegayay, isku soo wada duub oo waxana aan dareemay inuu yahay Facebook iyo baraha bulshaduba “Balaayo loo baahan yahay”.

Ugu danbayn waxa aan idiin sheegayaa waa wax aad wada ogtihiin, se waa xasuusin, waxana aan soo jeedinayaa:
1. In la iska xakameeyo isticmaalka baraha bulshada oo qofku ugu yaraan sannadkii uu yeesho maalmo uu ka siibto oo laydhka iyo biyahaba ka goosto.
2. In aad muddayso isticmaalkaaga oo 16 saacadood ee aad soo jeeddo aad ka samaysato saacado aad isticmaasho oo inta aad wada marto kolka muddadaasi ay kaa dhammaatana aad xamaantaada ka uruursato.
3. Ma qabo in laga tago oo la yidhaahdo qof kasta oo wanaagsan ama mid kasta oo wax uun bulshada ku kordhin karaa ha ka tago, taa kasoo horjeedkeeda waxa aan qabaa in qof kasta oo aqoon, diin, dhaqan iyo fikir aynu ku tuhmaynaa uu halkan waxa uu hayo innagula wadaago, haddii se laga wada jaqaafiyo waxa isugu hadhi doona intaas kasoo horjeedkooda, waxa ay walaaqaanna guryaha ayay ugu tagi doonaan intii ka carartay. Mushkiladda oo laga cararaana xal maaha ee waa fulaynimo. Kolkaas joog, si wanaagsan u joog, wixii aad kordhin karto kordhi, xumaanta iyo dhibaatada halkeeda ku dami, dhaqankaaga halkan iyo ka nolosha caadiga ahina isku mid ha noqdaan.
4. Ha noqon dameeri dhaan raacday, hana isku dayin in maalinba wixii laga hadlayo aad adiguna dhinacaaga qabsato. La wadaag bulshada wax aad isleedahay wax ayay tarayaan ama dhib iyo mushkilad muuqata ayay si uun u xallinayaan.

WQ: Xamse Mustafe Cali Cumar Kujoog

————————————————————————————————————

Gacanlibaaxnews masuul ka ma aha habka iyo curinta qoraalkan ee waa fikir iyo aragti u gaar ah qoraha. Waxa se Gacanlibaaxnews masuuliyadi ka saran tahay hubinta iyo kala haadinta ka qoraallada ka hor inta aanaan idiin soo baahin.
 

COMMENTS