Abwaan Dheeg iyo Buugga “Dhaxal Abwaan”. WQ: Faysal Jaamac
January 13, 2019 - Written by C M
Weedho ugu danbayn lahaa aan soo horreysiiyo: ‘Taariikh-suugaaneedka Abwaan Dheeg waa daaqad aynu ka halacsan karno taariikh-siyaasadeedka dawladdii dhalatay lixdankii ee dhimatay sagaashankii. Waa Soddon sanno iyo suugaan isla beddelaysa hadba siyaasaddii Soomaalidii midawday. Waa sugaan ku bilaabmaya qarannimo la dhoodhoobayo oo ku dhammanaysa qabyaalad farta la isku fiiqaayo. Qarannimo ayaa la bilaabay. Dheegna qarannimo ayey suugaantiisu ku bilaabantay. Waa lixdameedaydii iyo hees uu tartan dawladdu qabatay kaalinta koowaad ka galay: “Alla qaayo badanaa, Qarannimadu wacanaa, Qof qof noo dhammaysee , Maxaa lagu qiyaasaa?!” – Fankiisa iyo marxaladdii dawladnimo ayaa isla jaanqaaday. wuxu ku soo beegmay marxalad nabdoon oo xorriyad iyo dawladnimo soomaaliyeed la gardaadinayo, la magaaloobay, laakiin weli loollan ka jiro dhaqankii magaaloobidda iyo kii miyiga oo aan weli kala miirmin. Waa kan isaga oo loollankaas hees ka sameeyey. Heesta waxa maggaabinaya wiil arki-jiray-doon ah oo qawadsan dhaqankan cusub ee uu hablihii magaalada ku arkay, iyo gabadh ku naaloonaysa ilbaxnimo iyo dhar magaalo oo berigaa cusbaa oo ay ku taagan tahay. Isaga ayaa daandaansiga bilaabaya: Isagii: “Beri hore waxaa jiray Inan timaha biiftoo Baarkana u tidicdoo Boqorkiyo Dhaclaa iyo Maro Bayd ah xidhatee Wax bedelay kuwii hore Belo geeso dheeroo Buul madaxa saartoo Suuqa beretamaayee Naa biise dhaqankii Sharcigii ka baydhoo Diintii burburisee Habloow mays badh-qabataan” Inantii: “Boqol sano horteediyo Bari hore wixii jiray Ee layska baalmaray Budulkii dib haw qaban Laga soo baqoolee Haddaa beretan iyo orod Bisha iyo cadceeddii Beesha loo horseedoo Aanu beegsanaynaa Horta baro tacliintiyo Buugiyo dhigaalkoo Badowyahow dib haw celin Dadkan soo baraarugay” – Noloshii degeneyd ee bilawgii dawladnimadii Soomaalida iyo magaaloobidda iyo xidhiidhkii jacayl ee dhalinyarada dhex mari jiray abwaanku heeso iyo ruwaayadaba waa ka tiriyey. Qaar ka mid ah kuwaasi illaa maanta waa xul aan laga xiiso goyn. Nooca ay afka qalaad ku yidhaahdaan ‘Champion of all time’. Waxa ka mid ah, midda ay ku luuqeyso Xaliimo Khaliif Magool: “Ma sal-guuro caashaqe Ani sibiq ma igu yidhi Intuu samada ila tagay Saxar-qaadda fooraha Dul sabbee ma igu yidhi Dhalanteed ma igu sabay Soo-jeede maqanoon Seexanayn ma iga dhigay” – Muddo ka dib dalkii sidii la moodayey wuu noqon waayey, dadkiina waxa ay khaati ka istaageen dawlad qabyaaladeed iyo siyaasad musuq ku dhisan. Deeto afganbi taliskii ciidanku ka danbeeyo ayaa dalkii qabsaday. Waxa loo bixiyey Kacaan. Bilawgiiba waa la soo dhaweeyey, dadkii soo dhaweeyey abwaanku waa ka kaw; gabay ayaanu taa ku suntay. Waa kan isaga oo taxaya wixii dhib lagu qabay kuwii meesha laga tuuray. Gabaygan abwaanku tartan uu galay ayuu, markii labaad, ku guuleystay oo billad buu ku mutaystay ay kacaanka cusub meel fagaare ah ku guddoonsiiyeen. Waa awaale’warran uu ka warramayo sida loogu hungoobay xukunkii hore, ee loo rabo mid kii hore dhaama. Wuxu ka warramayaa wax kasta oo kuwii hore xumaan lahaayeen, xagga danbena wuxu ku diirsanayaa kacaanka cusub, isaga oo talooyinna xagga danbe kaga Daraya: “Gobonnimadu waa tii wax badan, geed sudhnayd kore’e Waa tii gudhnayd ee shacbiga, gaagax ka ahayde Gu’goo hooray, gaydhoo dhashay iyo godonka oo buuxa Maalintay Gobaad curatay, ee gorofka loo qaaday Iyadoo candhada giijisay, oo aan guudka ka arkayno Waa taynu gaajo iyo beer-caddaad, gaadhnay halis wayne Waa taan golmoonaan dhammaan, gabax u taagnayne Waatii boqol gabraartiyo dillaal, gooni ku ahaaye Nimankii guyaal iyo guyaal, godolka maalaayay Galxoodka iyo dhaydii raggii, gudub u laacaayay Afkuun galiya mooyee kuwii, aan eegin garabkooda Gunta weelka nimankii madhshee, gororsadee laacay Gacal iyo xigaal wada dhashoo, goobna wada yaalla Oon geeri mooyee wax kale, kala gufaynaynin Nimankii qabiilnimo gashee, godobta beeraayay Kuwii oday gaboobiyo dhashii, gaarba mid u weecshay Googoynta baas iyo kuwii, gobollo noo qaybshay Waagii guduudataba cashuur, uunka laga gooyo Googo’a miskiin laga jaro, iyo geedo habar keentay Nimankii bangiga gees marshee, galiyay jeebkooda Dawlado gargaar loo tirsaday, oo guunyo nagu deeqay Gayigeenna wixii yiil, kolkuu gaajo tiri-waayay Nimankii gacmaa hoos dhigtee, gooni ula leexday Golihii quruumaha nimankii, ceebta naga geeyay Gees kastaba kuwii naga qarribay, een gobo’na noo dhaafin Nimankii na kala gaabiyay, ee gadayay dhiiggeenna God hadimo ninkii qoday, inuu gali laguu sheegye Nimankii na wada goofin laa, nalaga soo gaadhye Guuleystayaal ciidankaa, goor san noo kacaye..” Waa gabay dheer oo sii socda. – Waa mar kale iyo laba kaclayn cusub oo lagu rabo in lagu midho dhaliyo midnimadii iyo himiladii Soomaali weyn ee qiirada weyn loo hayey. Askartu ma ay bilaabin ee waa ay sii godliyeen. abwaankuna kama yaraysan ee riwaayad buu ka curiyey doonista saddexda gobol ee maqan. Ruwaayaddiisa “Nin ba tacabkii togaay kaa maal” waxa ay raadinaysaa saddexdii gobol ee maqnaa. Arbaha ruwaayaddu waa Nin ay la dhasheen saddex hablood, saddexda hablood waxa ay u dhaxeen saddex nin oo xun oo aan gayaan ku habboonayn, sidaa darteed wuxu ninku (Jamhuuriyaddii Soomaaliya) guntiga u xidhanayaa sidii uu saddexdaa hablood uga soo badbaadin lahaa arxan laaweyaasha aan geyin. Mid uu xeel u adeegsado iyo mid uu xoog u adeegsadaba. Metelan inanta u dhaxday boqorka xun wax aan xoog ahayn ku kala calaf qaadi maayaan. Boqorku wuxu u taagnaa Itoobiya, waxana la sheegayaa in ruwaayaddu hor dhac iyo saadaal u ahayd in Soomaaliya iyo Itoobiya gacan-ka-hadal weyni dhex mari doono, muddo ka dib. – Khalkhalkii dawladnimo ee askartu dalka ka geysatay iyo siyaasaddii qaybi oo xukun si fiican ayey u saamaysay suugaantii abwaanka. Waxa bilaabmay iska horkeenistii beelaha oo uu kacaankii dadka ku madaddaalin jiray dadkana iskaga mashquulin jiray. Wareeggii hore kacaanku wuxu iska hor keenay beelaha Majeerteen iyo Isaaq oo midna dawlad diid laga dhigayey qaarna dawlad doon. Abwaanku ciyaartaas si fiican ayuu u jilay isaga oo kooxdiisa afka hore uga ciyaaraya. Gabaygiisa DAAFAC QARAN ee uu dawladnimada kaga difaacayey beesha Majeerteen, isaga oo Isaaq meteleya si fiican buu uga soo dhalaalay. Doorka abwaanka haddii uu isagu qaatay, doorka ciidamada waxa berigaa hayey Maxamed Kaahin, Xasan Yoonis iyo askar kale oo Isaaq ahaa oo noqday gacantii midig ee uu Siyaad Barre u adeegsaday wax yeelladii beeshii Majeerteen. Dhanka metelaadda Siyaasadeedna waa maalmihii uu Siyaad hareeraha iska xigsiin jiray siyaasiyiin ka soo jeedda beesha Isaaq, sida Cumar Carte iyo qaar la nooc ah. Waa kan dheeg oo Majeerteen dawladda ka xigsanaya. Wuxu u jawaabayaa Khaliif oo Majeerteen ah oo bilaabay silsilad la yidhaa “Maruuryo”. Waa markii laga soo noqday dagaalkii Soomaaliya iyo Itoobiya, oo waxa deegaannadaas Bariga ka bilawday dhaqdhaqaaq mucaarad oo la rabo in uu dalka intiisa kale ku baaho, laakiin talisku taas wuu ka war hayaa. Dheegna waa kan, oo budhkiisu waa diyaar, waana Daafac qaran, sida uu sheegayo. Wuxu metelayaa dhexdhexaad aan Siyaad muxaafad u ahayn, laaakiin diiddan mucaarad uu ku tuhmayo ama ku eedeynayo in uu shisheeye u shaqaynayo: “Maaha muran qabiil iyo tollaay, muusanow dhaca e Maskax iyo cilmaa lagu wadaa, iyo mabaadii’ e Maadaase maamul nacay oo ka tagay, madax aad diidayso Maad waxa Majeerteen ka duday, meesha ka caddaysid Illaa maalintaad haysatay, iyo maantadan aan joogno Muddadaaba wuxuun baanu hayn, duul mucaarid ahe Meeshaydii kamaan tagin iyo halkay, maxastu ii tiille Magaaladii Hargeysiyo Burcaan, mooski taagnahaye Masalluhu halkii aan ku dhashaybuu, mahade ii yaalle Miil haddaan tebaayana anoon, Xalayle midig siinin Ayay marinno dhowriyo si kale, ii mubaax tahaye Milgaha uu waddani leeyahay, ayaa maandhow kaa dadane Haddaan mawd I dilin waan hantiyi, sidigta Maandeeqe Annagoon muxaafid u ahayn, maamulka Af-wayne Misna Migiste goortaan arko, iyo niman Majeerteena Oo maaggan calankayga, ayaan dib u maleegtaaye Mootaha dhankiinaan ku ridi, labada meeloode Maxaa yeelay cadowbaw tihiin, maxanta Soomaale Waa muran xigaalada dhexyaal, maandhow taayaduye Kolkaan idinka idin maaruqaan, meeriskaa tolane Kolse hadaan Migiste ii talinahayn, Maxamed yeelkiisa Intaad se aniga ii soo mudh-liqi, maan-yaraad tahaye Inaad migiste kaga sii xuntahay, midhaha Soomaali Oonad magacba nala sheegan Karin, waad is moogtahaye Middan haysa iyo tii dambee, meesha noo qabata Nin mustaafiruunbaad ka tee, meel ka raac dunida Oo maganso WAARSO iyo kuwaad, midigta siinaysay Magbaa calanku kugu leeyahay, iyo miilal faro-wayne Waa waxaanu musaamixi karayn, ruux masuul ahiye Ka maqnaada intaad nooshihiin, oo dibadda meeraysta Meelahaa kasoo caaya ciiddayadu, waa makaan xor ahe. -Laakiin muddo kooban ayaa wax weyni is beddelayaan. kacaankii saaqiday markan beelo kale ayuu soo ciyaarsiinaysaa. Doorkan Isaaq ayaa dibadda loo tuurayaa ama isaguba isku tuuraya. Gabay kasta oo uu beri hore kaalinta koowaad ama billad ku mutaystay waxa ka sii farshaxan badan labada gabay ee uu guubaabada iyo gulufkii kacaan-diidka ku darsaday abwaanku. Laba gabay oo uu mid tiriyey 1983-kii mid kalena 1984-kii tiriyey gulufka dirireed ee ku jira fajac baad u dhimanaysaa. Dhammaan wixii uu ceeb kacaanku lahaa ayuu mar qudha furka ka tuurayaa oo dadka u soo bandhigayaa, dawada iyo xalkana jihaad aan waxba la iskula hadhin ayuu ka dhigayaa. Waa kan isaga oo aafooyin ka soo sheekeeyey deetana dhaar ku xigsiiyey: “Ku dhaartaye markay heerigaa, noloshu soo dhaafto In aad dhawrsatiyo baquhu, waa dhudaan bannaanayne Dhanka diinta xaaraan maqdaca, dhaqasho weeyaane Dhimashada xalaasha ah, ayaa jihaad lagu dhamaystaaye Dhulka meeray, reeraha la dhacay, ubadka dhaadooda Ragga lagu dhugtamay hawl yaraan, waan ka dheelimane Dhabeelaha goblamay iyo agoon, dhogor madoobaatey Wuu dhalan-rogmaa ruux, sidaan ogay u dheehdaaye Dheg ninkii ku jaray, daloolkiyoo dhuuban kugu reebye Idinkoon dhaqdhaqin ceebtii horee, rag idin dhoor goostay Dhayalsigiyo quudhsigi, haddaanu Dhahar la weynaanin Haddaan dhixirkan laydiin toliyo, dhuuggu qolo raacin Quruskiinna haddaan meel ladhigin, laysu dhagar qaadye Haddaydaan dhaydii maandeeq, raggii dhamay ka soo dooxin” – Runtii xaalad kasta si fiican buu uga soo dhalaalay Dheeg. Waxa xiiso gaar ah leh xilliga dirirta nin uu dhafoorka ka tooganayo ayuu xilliga nabadda malab u qooshayaa. Metelen gabay ka mid ah kuwa guubaabada dirireed ah oo ‘Durdur’ la yidhaa ayuu Xaaji Cabdi Waraabe (oo dawladda taageersan) iyo Janaraal Af gaab oo ahaa badhasaabkii dawladda ee gobolkii Waqooyi Galbeed, oo ay labadaba abwaanka tol yihiin, wuxu ku xukumayaa in ay tolku gacantooda ku dilaan, magtana iyagu isku qabaan: “Daba dhilifka kula raas ahee, eydu diranayso Inkastuu dad kuu xigo, kufriga kaaga sii darane Dibigu haku quustee, waysha yidhi daabka ka caseeye Kan dugaaga magasiisu yahay, iyo dila Af-gaabkeenna Inta aanu nin door kaa sahayan, dooxa nacaskiinna Dad xunkaaga raaskii walbow, isuqab daynkiisa Sidaas uunbaad ku daafici kartaan, degeladiinniiye Sidaas uunbaad dulmiga ina Siyaad, kaga durkaysaane Dawlad runa markaasuu shacbigu, dooranlaa madax e” – Haddana marxaladda nabadaynta, dib u dejinta iyo dib u heshiisiinta, abwaanku wuxu mar kale ciyaarayaa daraf aad uga fog kii hore. Raggii uu gabaygii hore ku dilay ayuu markan ku bogaadinayaa kaalintii dagaalka dabadeed ay ka qaateen xasilinta iyo isku keenista beelaha. Waa kii Hadraawi markaas oo kale odhan jiray “Taa horena aayad baa sheegtay, tan danbena aayad baa sheegtay”, sidaa darteed waa kan isaga oo Xaaji Cabdi-Kariim, mar kale kaalintiisa qiraya: “Adna Xaaji beelahan intaad, u xilqabteed roortay Xikmad laysku waanshiyo, talo aan xoolo goyn karinba Maad xistiyine dhaaxaad fartay, lama se xaalayne Xaashee hagar kamaad galin tolkaa, Ina Xuseenoow e Xaasid iyo rifena wayska jiray, tan iyo xaataaye Nin ragaan xagxagad waayahayn ,xay intuu yahaye Xeerbeegti niman aan metelin, iyo xaabo-dhoos ururtay Xilkasnimana aan geed u imanoo, xil isa soo raacshay Xusul duubka orodkoodi noqoy, xoorka soodhaha’e – Waa tan oo xaalad kale ayaa la galay, dadkii iyo dalkiina ardaayo iyo jufooyin ayaa loo kala daatay. Abwaanku markaa cidlo ma taagna. Markan wax kale iyo Isaaqba ha joogee, horta waa in uu tolkii meel ku hubsado, Si uu taa u fuliyo wuu yaqaannaa sida uu ula hadlayo iyo afka uu kula hadlayo: “Maantana gaanka Habaryoonisiyo, gudaha Daauud ba Gorgortanka iyo baayaca ragbaa, dhiibay gacantiiye Hadh gadiida hadii laydin yidhi, waa gudcure seexda Ood gama’santiin meel nin ragi, xalay ka guureeyay Goor damboo lakala faasaxday, oo uu go’ayba iibkeedi Nin walibana guntaday wuxu ku helay, gabagabii qaybta” – Mar kale waa kan isaga oo tolkii “Guuyoobe” canaan tolnimo ugu sheegaya in uu sahan ugu maqnaa, ganafkana ku dhufanaya qaar falan oo tolka ah oo sahankiisa qawadsan, meel kalena ku faruuryo xidhan: “Gadhwayn iyo Afwayniyo dhamaan, gaanka reer Sacadba Giddigiin inaad falantihiin, gacalkayoow heedhe Hadaan geedo baxay oo cosoba, iyo godon barwaaqoobay Gal-dahab idiin soo heliyo, dheemman garab taalla Mar hadaydaan guddoon odhanahayn, laguna guuraynin Waxaan idiinku geeraarayaa, way garaad xumo’e” Farriintiisu waa ay caddahay. Wuxu tolka leeyahay: haddii ay daan sahankayga ku kalsoonayn, oo rag aydaan garanayn wax ka maqlaysaan, rag waa siman tihiin ee idinkuba suldaan idiin gaar ah oo arrimihiina u gaar ah samaysta: “Warkiisa waxaad u guuxdaan, ninkaydaan aad u garanayne Garrida uu shisheeyuhu tumaad, daba guclaysaane Hadduu galabba meel baas-ka-yimi, gees idiin rarayo Duhur galawdi geediga ratiga, gibishiyoo saaran Abaar gubatay sow inaad tagtaan, galabsigiin maaha kol hadaydaan marnaba goosanayn, talo idiin gaar ah Oo geed qalaad ku taallaan, sidii qaadh dhillawyahana Inaad guul usoo sacab tuntaan, waa habeen gudhaye Waar amma gacan ku hayntaa ku jira, guudka laga haysto Ama waad gudboontiin raggee, geed ka dhinac waabta Oo Suldaan idiin gaara iyo, guurti ka lahaada” Gabaygaas dheer ee farriinta gaarka ah u ah tolka wuxu ku soo xidhayaa bayd nuxur ah: “Waar Guuyooboow talaan kuu hayaa, haygu gacan-saydhin” – Gunta iyo gunaanadka halkaas ayeynu abwaanka ku og nahay. Laba meelood oo kalena waynu ku og nahay oo mid noqonayso Soomaalilaand oo aan Xamar dib u raacin: “Xalaaleeye Somaliland, xaasid ridi waaye In mar kale xaggii lagu ceshaa, waa habeen xalaye Xaanfaley mar bay qaadatay, iyo xuur liqdoo hora e Intuu naga xansheernaaba, waa loo xarbiyayuune Mar hadduu xaqiinii maqnaa, soo xawilay Eebbe Xejiyaay ayuu idin ka tagin, xero xunkii baase Muqdishana Xadbaa ina dhex yiil, hore u xarriiqnaaye Xuduudbaynu leenahay, sidaa xeeb Jabuutida’e Intay dunidu xay tahay, halkaa xamar hanoo joogto Oo yaan lay xodhayn, wixii horaan sii xusuusnahaye” – Qodobka kale oo aynu ku og nahay oo Dheeg mar kasta aad ku arkaysaa waa isaga oo xal u arka islaamnimada oo shareeco ahaan loogu dhaqmo. Dheeg dhib kasta haddii uu ka sheekeeyo wuxu xal ahaan u raacinayaa shareecada oo la isku xukumo. Tusaale u soo qaado Gabaygiisii “Shiinleyda” ku jiray: “Sharcigii islaamkoo la sugay, oo lagu shaqaynaayo Maxkamadahana sheekh caadil ahi, shubayo aayaadka Ooy shaadir xidhanyiin hablii, shacabka yaacaayay Shukri mahad dadkoo wada naquu, ku shuxay tawxiidku Shin maa la arkayaa lama qarsado, shaambad kugu taalle?” Isku soo wada duub oo waa ‘dhaxal abwaaniyo murtiye, dhego haloo yeesho’. Labada qoraa ee Aadan Daahir iyo Maxamed Xirsiba aad bay ugu mahadsan yihiin in ay dhaxalkan inoo kaydiyeen. Qalinkii: Faysal Jaamac ![]()
COMMENTS
|
|