Xakamaynta Dhibka Abaaraha iyo Daadka is-xiga! WQ: Foodcadde Cawil
March 30, 2026 - Written by maamule

Maareyn Joogto ah, ma aha Gurmadka Kumeel gaadhk ahi
​Dalkeennu wuxuu muddo dheer ku jiray xaalad soo noqnoqota oo u dhaxaysa laba masiibo Dabiici ah oo iska soo horjeeda, Abaar baahsan oo xoolo iyo dadba laynaya, iyo Daadad khasaare hantiyeed iyo mid nafeedba geysta ( Mood iyo Nool. In kasta oo aynu Allah uga mahadnaqayno roobabka hadda curtay, haddana su’aasha taagan waxay tahay,

.Ma ku darsanay xisaabta in jiilaalka soo socda aanay mar kale qayla dhaani soo yeedhin?

​Si aynu uga baxno dhibaatadan, waa inaynu ka guurnaa habka “Gurmadka degdega ah” una guurnaa “Qorshaynta iyo Ka-hortagga.” Haddaba, si taasi u hirgasho, waxaa lagama maarmaan ah labadan qodob ee soo socda:-

​1. Joogtaynta Guddiga Abaaraha iyo in xafiis looga furo xarunta (Hay’adda Maareynta Masiiboooyinka ,
​Waa in guddiga abaaraha ee heer qaran aan la kala dirin marka roobku da’o. Taas beddelkeeda, waa in loo beddelo hay’ad rasmi ah oo leh xafiisyo, miisaaniyad iyo khubaro joogto ah.
​Sababtuna waa Marka masiibadu dhacdo, guddigu ma bilaabayo sahan cusub, balse wuxuu fulinayaa qorshayaal hore u yaallay oo loo dejiyey si masiibadaas looga samato baxo.

​Guddigani waxuu taageero maskax, muruq iyo maalba ku biirin karaa Hay’adaha Dawliga ah iyo kuwa maxalliga ah ee shaqadan gaxanta ku haya, iyagoo xidhiidhinaaya dawladda, shacabka iyo deeq-bixiyayaasha.

​2. Maareynta Biyaha (Ka Faa’iidaysiga Daadadka)
​Waa wax laga xumaado in biyaha roobka ee dalkeenna JSL ku soo da’a ay badda ku qulqulaan iyagoo waliba burbur u geystay beerihii iyo waddooyinkii ay mareen.

​Biyo-xidheenno (Dams): Waa in la dejiyaa qorshe heer qaran ah oo lagu dhisayo biyo-xidheenno waaweyn iyo kuwo yaryar oo lagu qabto biyaha socda.

​Biyahaas la qabtay waxay xal u noqonayaan jiilaalka dheer, waxayna suurtagal ka dhigayaan in la helo wax-soo-saar beereed oo joogto ah, taas oo horseedaysa isku-filnaansho cunto.

La-jaanqaadka Isbeddelka Cimilada,
​Adduunku wuxuu marayaa marxalad cimiladu is-beddeshay (Climate Change). Jamhuuriyadda Somaliland waxay ka mid tahay meelaha ugu nugul.

Markaa guddigani waxay inoo sejin karaan horumar iyo habab cusub oo lagu ilaalinayo deegaanka (sida beerista dhirta iyo joojinta dhuxusha).

​In la baro dadka reer miyiga ah habab cusub oo ay kula tacaali karaan isbeddelka cimilada si aanay xooluhu mar kasta ugu dhammaan abaarta.

​Ugu danbayn, ​haddii aynnaan maanta ogaanin in roobka hadda da’ayaa uu yahay fursad lagu keydsan karo biyo, waxa hubaal ah in dhowr bilood kadib aynu mar kale dalban doono gurmad biyo dhaamis ah iyo gargaar gudo /dibadba ah.

Horumarka dalku maaha dhismo qurux badan oo magaalo laga dhiso oo keliya, balse waa in la sugo nolosha aasaasiga ah ee muwaadinka, taas oo kuxidhan biyo iyo Baad (cunto).

Markaa halkan waxaynu ka diraynaa ​Farriin iyo baaq ah in lagaga faaiideeyo Biyaha badda ku qulqulaya waa hantidii dadkeena, nafaheena iyo ubadkeenna, ha loo xidho biyo-xidheenno si ay u noqdaan nolol iyo horumar.

Waxa qoray: Foodcadde Cawil

COMMENTS