Baryadda Alle. Qalinkii: Hal-abuur Ciise Maxamuud Geelle “Ciise Waddani”
February 24, 2020 - Written by C M

“Rabbigiin wuxu idin leeyahay I barya waan idinka aqbaliye, kuwa iska weyneynaya cibaadadeyda waxay gelayaan jahannama iyagoo dulaysan”. Suratu Qaafir/Ayadda-60.

Baryadu Af-soomaali ahaan wey ka duwan tahay kana xeel fogtahay dalabka ama codsiga, baryadu waa marka aad cid weydiisato wax ay ku siin karto adiga oo muujinaya inaanad ka maarmin ciddaas, ciddaasi waxa keliya oo ay noqon kartaa ALLE weyne s.w.

Hadabo si aynu u noqono adoomo rumaysan awoodda ALLE iyo doonistiisa aan la doorin karin, si aynu isigu dhul dhigno isaga una quud-darreyno s.w, si aynu arrimeheena xagiisa ula irkanno, si aynu uga maarano baryada adoomaha dhigeenna ah ee weydiisashada inagu naca, iyo si ay inoogu toosaan daneheena nololeed iyo kuweena mustaqbal, waxa aynu soo qaadanaynaa afar ciwaan oo la xidhiidha baryada iyo beylah la kaashiga Alle.  s.w

                                                  Waddada loo maro baryada ALLE

Si aad u noqoto qof u diyaarsan Alla bariga wadooyinka kuu saxar-tiraya waxa ka mid ah:-

1.      In aad rumeysantahay, adeecsantahay, ka amar qaadato, Allaha aad baryayso kuna xidhantahay dadka ku xidhan iyo goobaha lagaga xidhmo (Masaajidda), waxaana kuu cadeynaya Suuradda Al-baqra ee qur,aanka  aayadda 186 “Marka ay adoomahaygu wax igakaa weydiiyaan waan u dhawahay waanan aqbalayaa baryada kooda I barya

2.      In aanad ahayn qof shaqo xun oo xad gudba, balse ay jiraan shaqooyin aad Alle dartii u fulisay si aad ugu barido, ku baryidda camal wanaagsan Alle lagu baryo waxa tusaale kaaga noqon kara xadiiskii caanka ahaa ee uu warinayey C/laahi bin Cumar R.C kuna saabsanaa seddexdii nin ee dhagaxu ku daboolay godka iyo isku furdaamintii ku ducaysiga camaladoodi wanaagsanaa.

3.      In aad rumaysantahay inay baryadu tahay cibaado waajib ku ah addoon kasta ajar iyo ajiibidna aad Alle kaga doonayso, rusuulka ayaana sheegay xadiiskii uu warinayey nacmaan bin bashiir R.C “Ducadu waa cibaado” kuwa qawlkooda baryada ah loogu bogay qur,aanka iyo abaalka ay muteysteena waxad ka akhriyi kartaa suuradda Al-cimraan aayadda 147-148.

Faa,idooyinka Baryada ALLE

Faa,idooyinka baryadda Alle waxa ka mid ah:-

1.      In aad Alle ugu dhawaato kuna mutaysato naxariistiisa iyo jacaylkiisa.

2.      In Alle ku siiyo wixii aad ka bariday si fudud oo hawl yar.

3.      In aad ka bad-baado baryada cid aan Alle ahayn.

4.      In aad dareento xasilooni, niyadsami, iyo isku halayn Rabbigaaga.

5.      Iyo in aad joogtayso Alla bariga, kadib markad la kulanto natiijadeeda wanaagsan

Aadaabta baryada ALLE

Aadaabta qofka muslimka ah looga baahanyahay si uu Alle u baryo oo aad u badan waxa ka mid ah :-

1.      In aad Alle barido xilli kasta oo aanad ku kobnaan xilliga xaaladaadu kugu adagtay balse hadii xitaa aad nimco oo dhan haysato aad Alle ka magan gasho nabsigeeda iyo nusqaanteeda iyo in lagugu fidmeeyo.

2.      In aad khushuuc iyo qalbi saafiya Alle ku barido oo aanay ducadu kaa noqon hadalo carabku iskala qabsaday.

3.      Inad ducada ku bilowdo mahadnaq Alle iyo amaantiisa kuna barido magacyadiisa wanaagsan iyo sifaadkiisa sarreeya.

4.      In aad ducada ka bilowdo naftaada, ka dib waalidkaaga, ka dib qaraabada iyo islaamka guud ahaanba.

5.      In aad isu miskiiniso isuna dhul dhigto rabigaaga, adigoo ka cabsanaayana barido, tusaale ahaan nabi Ayuub C.S wuxu lahaa sida Alle inoogu sheegay Suradda Anbiya Aayadda 83  “Dhib ayaa I taabatay adna waxa tahay Allaha naxariista mid guud iyo mid gaarba” Ayuub wuxu sheegay xaalkiisa oo ah dhib taabatay waxa kele oo uu sifeeyey Allahiisa balse muu odhan iga dul-qaad, ka edebsiga rabbi darteed waana tii laga aqbalay, aayaddan ayaana sida ugu culus edaabta ugu qeexaysa qofkii dhuuxa.

6.      In aad Alle wax waasica weydiisato, sidoo kelena wax kasta oo wanaaga waxa ugusii wanaagsan aad weydiisato maadaama uu karayo, “Alle weel weyn ayaa lagu baryaa”somalida.

7.      In aad Alle u qirato danbiga aad gashay isuna nisbayso dulmiga aad naftaada ku gardarootay.

8.      In aad Alle ka rajeynayso inu kaa aqbalo,

9.      In aanad Alle weydiisan wax ka hor imanaya ballamaha uu qaaday sida; Allow weligay hay dilin adigoo og in hore geeri laguugu xukumay IWM.

10.  In aanad Alle ka baryin wax aanad cilmi u lahayn sida in aad tidhaahdo; Allahayow arintaasi khayr ayay ii leedehee ii dhameystir, laakiin waxa ka haboon Allow haday khayr ii leedahay ii dhamaystir sababtoo ah isagaa og.

11.  In aanad ku ducaysan macsi ama xumaan.

12.  In aanad Alle baryadiisa ku dalban doonis, sida; Allow iga aqbal hadaad doonto IWM.

Wakhtiyada baryadda ALLE aqbalo

Firsadaha la helo aqbalka Baryada Alle waxa ka mid ah:-

1.      Maalinta Carafo.

2.      Bisha ramadaan iyo habeenka weynida/habeenka qorshaha “Laylatul qadri”.

3.      Maalinta jumcaha iyo saacad ku jirta oo casar dabadii intaanay qorraxdu dhicin culimadu ku sheegaan.

4.      Habeenkii seddex meelodka danbe(thuluth), ama xilli suxuureedka.

5.      Marka la afurayo.

6.      Eedaanka iyo qiimista dhexdooda.

7.      Safarka markad ku jirto.

8.      Roobabowga/Xilliga roobku da,ayo.

9.      Sujuudda dhexdeeda,

10.  Saacadaha dagaal jihaada lagu jiro.

11.  Xilliga aad dulmanaha tahay

Alle haynaga yeelo kuwa barya ee uu aqbalo.

Qalinkii:   Hal-abuur Ciise Maxamuud Geelle (Ciise Waddani)


Gacanlibaaxnews masuul ka ma aha habka iyo curinta qoraalkan, ee waa fikir iyo aragti u gaar ah qoraha. Waxa se Gacanlibaaxnews masuuliyadi ka saran tahay hubinta iyo ka la haadinta ka hor inta aanan idiin soo baahin qoraalka.

COMMENTS