Mar kale; Somaliland doorasho muddaysneyd ayaa waqtigeedii dib uga dhacaysa. Mar kale sii jirista golayaasha muddo dhaafaya ee Deegaanada iyo Golaha Wakiilladu waxay u iilanayaan muddo kordhin Guurtidu u samayso. Wixii kale ee aan tallaabadan ahayniba haatan way hadheen oo waxba ma beddelayaan. Balse, tan lafteeda qaab kale oo waxtar u noqon kara hanaanka doorashooyinka dalka ayaa laga dhex raadin karaa. Haddii laysla garto, waxa la beegsan karaa in doorashooyinka dalka lagu middeeyo hal maalin. Taasi; waxay ku suurogelaysaa oo keliya, in muddo kordhintan la samaynayo lagu simo maalinta doorashada madaxtooyada 13.Nov.2029. Haddii sidaa la yeelo, waxa la haystaa waqti lagu diyaarin karo xeerka doorashada G Guurtida, si shanta doorashaba maalintaa u qabsoomaan. Sidoo kale; waxa la helayaa waqti lagaga bogan karo xalinta kala maqnaanta siyaasadeed ee maanta jirta ee saamaysa doorashadan dib u dhacu ku yimi iyo doorashooyinka kale ba. Maanta (May.2026) iyo (Nov.2029) maalintaa, waxa u dhexeeya waqti dib loogu eegi karo xeerka doorashooyinka, lagu na bislayn karo xeer dhammaysa oo maalintaa ku middaynaya doorashooyinka dalka.
Haddii talladan la qaato, Somaliland waxa u baaqanaya waqti iyo dhaqaale badan. Waxa adkaanaya in laysku haleeyo muddo kordhin, waayo, sababaha abuura hunguriga muddo kordhinta waxa ugu wayn doorashooyinka aan isku waqtiga ahayn. Madaxtooyadda, Baarlamaanka (Guurti & Wakiilo) Dawladdaha hoose iyo Xisbiyaddu, markay kala waqti yihiin isku danaysi waa ina daanweyne. Laakiin; shanta ba marka maalin la wada doorto, way adkaanaysaa in loo badheedho qaran dumisnimo sharci oo aan sabab lahayn.
2: Haddii laysku raaco middaynta waqtiga doorashooyinka, waxa khasaba in la quweeyo awoodda hawlgalka Komishanka doorashada dalka (NEC). Ugu horayn; guddiga doorashada in udubkiisu adkaado iyo inuu isku hallayn garsoor oo buuxda yeeshaa, waxay ku xidhantay waarista xil hayntooda. Waajib gudashada sannadaha koobani, waa tiirka ugu wayn waxyaabaha sababa/sababi kara musuq garsoor iyo mid maaliyadeed. Midda labaad; waxbarista iyo laylyida guddiga cusubi waxay hore qayb uga noqotay dibu dhac doorashooyin oo soo dhacay. Sidaa awgeed; in dhawrkii sanno ba mar suuqa lagu sii daayo Komishan koray oo khibrad yeeshay, waxa ka haboon in guddiga laga dhigo mid aanuu cimrigiisu xaddidnayn.
Markaa, si aynu 13 Nov 2029 uga yeelo maalinta doorashooyinka, waxa khasaba in guddigan hadda jooga laga dulqaado xayiraada cimriga kooban. Haddii; komishineerka laga dhigo mid geeri iyo khalad uu galay oo keliya ku waayi kara xilkiisa, waxa hadhi doona gacan maroojin iyo farsamo kufsi ba khaladaadka aanuu tuhunkoodu weli ka hadhin loo garsoorayaasha. Waxa hatigaada awooddaha sare ka xorroobaya xubnaha, waxaana sugnaan iyo hallayn buuxda yeelan doona madaxbanaanida garsoor ee hay’adda. Intan oo keliyi ka dhigi mayso NEC, hay’adda aynu doonayno inay noqoto, balse, baahiyaha kale ka hadalkooda waxa ka horeeya in laysla qaato: In maalin lagu middeeyo doorashada dalka iyo in xubnaha guddiga doorashooyinka cimrigooda mid waara laga dhigo.