“ð€ðªð¨ð¨ð§ ð‹ðš’ðšðšð§ð¢ ð–ðšðš ðˆðŸð­ð¢ð¢ð§ ð‹ðš’ðšðšð§” ð™Œð™–ð™¡ð™žð™£ð™ ð™žð™ž: ð™ˆð™–ð™­ð™–ð™¢ð™šð™™ ð™”ð™ªð™ªð™¨ð™ªð™› ð˜½ð™žð™™ð™ð™žð™žð™™ð™ ð˜½ð™–ð™™ð™™ð™–.
October 9, 2025 - Written by maamule

“ð€ðªð¨ð¨ð§ ð‹ðš’ðšðšð§ð¢ ð–ðšðš ðˆðŸð­ð¢ð¢ð§ ð‹ðš’ðšðšð§”
ð™Œð™–ð™¡ð™žð™£ð™ ð™žð™ž: ð™ˆð™–ð™­ð™–ð™¢ð™šð™™ ð™”ð™ªð™ªð™¨ð™ªð™› ð˜½ð™žð™™ð™ð™žð™žð™™ð™ ð˜½ð™–ð™™ð™™ð™–.
Ayaamahanba waxa tv ga qaranka dalkan Sweden haystay shaacinta aqoonyahanada kala duwan ee sannadkan 2025 ku guulaystay bilada aqoonta ee caanka ka ah aduunka , waa Nobel Prize ta ‘e.
Haddaba intaanan u gudo gelin maqaalkan aan jeclaystay, in aan idinla wadaago aan dib ugu yaro noqdo xusuusta iyo 1979-kii oo aan idiin soo yara qadimo bal wixii sannadkaa dhacay iyo horta AQOON ta qudheeda laga sheegay.

15 Oktoobar 1979-kii ayaa guddida abaalmarinta Nobel prize ee Sweden ay ku dhawaaqday, in ay abaalmarinta Nobel ee fisigiska (Physics) ee sannadkaa 1979-kii ay ku guulaysteen seddexda aqoon yahan ee kala ah :
â— Mohammad Abdus Salam (Pakistani)
â— Sheldon Lee Glashow (American)
â— Steven Weinberg (American)

Waxa aanay ku kasbadeen abaalmarintaa in ay xaqiijiyeen arragtidda la yidhaa Electroweak Theory oo ah arragti qeexaysa in laba awoodood Electromagnetic force iyo Weak nuclear force ay dhab ahaantii yihiin uun hal awood oo keliya.

Waa sheeko dheer oo mawduuca aan u socdo inaga duwaysa haddaan is idhaa sii sharax’e balse adigu tusaale aan ka dhigo uun sida biyaha iyo barafka oo kala duwan marka aad eegto, oo midi dareere yahay midna uu adag yahay, balse marka aad fahanto dhismahooda atamada (Atoms) ee kimistariyadooda (Chemistry), isku mid uun ah oo ah laba atam oo haydarjiin ah iyo xabad ogsajiin ah (Hâ‚‚O).

Sidaas oo kale ayay nimankaasi heleen in xoogagga electromagnetism iyo weak force ay u muuqdaan laba wax oo kala duwan, lbalse marka la eego xagga hoose ee physics-ka, ay yihiin uun hal awood oo lagu magacaabo Electroweak Force.
Maalintii haddaba la guddoonsiinayay nimankaa biladda oo ahayd 10 december ee 1979-kii ayuu aqoonyahankaa Mohammed Abdus Salam aayad Qur’aan ah ka hor akhriyay madaxweydiintii madashaa nobol Prize ka iskugu timid oo boqorka Sweden kow ka ahaa, Waxaanu yidhi magaca Alle dabadii:

Ø³ÙŽÙ†ÙØ±ÙيهÙمْ آيَاتÙنَا ÙÙÙŠ الْآÙَاق٠وَÙÙÙŠ Ø£ÙŽÙ†ÙÙØ³ÙÙ‡Ùمْ حَتَّىٰ يَتَبَيَّنَ Ù„ÙŽÙ‡Ùمْ أَنَّه٠الْحَقÙÙ‘ Û— أَوَلَمْ يَكْÙÙ Ø¨ÙØ±ÙŽØ¨Ùّكَ أَنَّه٠عَلَىٰ ÙƒÙÙ„ÙÙ‘ شَيْء٠شَهÙيدٌ
(Aayada 53 ee suratul Fusilat).

Dr.Mohamed oo kasbaday habbeenkaa dadkii madasha fadhiyay dhegahoodu, aayada uu soo qaatay aawadeed ayaan haddaba qormadan u holladay bal aniguna in aan isku dayo in aan idinku (dhalinyarada aqoonyahanka ah) soo jeediyo waxa ay aqoontu tahay.

Ma ihi caalim, wax ogtihiin ama aad awalba taqaaneen ayuun baan rabaa in aad dib idiin xasuusiyo oo idinku booriyo ee aan iska bilowdee Alle waxa uu wax baddan inoo sheegay, in dadka ugu cabsida baddan ay yihiin kuwa cilmiga leh aqoon yahanka garo oo †نَّمَا يَخْشَى اللَّهَ Ù…Ùنْ Ø¹ÙØ¨ÙŽØ§Ø¯Ùه٠الْعÙلَمَاء٠surah Faatir aayada 28 aad†, oo macnaha aayaddan waxaa laga fahmayaa in aqoonyahanka dhabta ahi uu yahay uun qof:
• Leh aqoon ku dhalisay cabsida Alle subxaanahu wa tacaalaa’e oo tawfiiq iyo khushuucba leh.
• Aan aqoontiisa marnaba u adeegsan kibir ama dano gaar ah oo Alle ka cadhaysiinaya.
• Aqoontu siisay ku dhaqanka wanaag oo dhan sida runta, caddaaladda iwm.

Waa yahay! Ee haddaba bal aynu ku horayno waxa ay gaalada iyo qolooyinkan reer galbeedku ay aqoonta ka aaminsanyihiin. Oo dib bal aynu ugu noqono faylasuufyadii ay ku dhowaad 3000 sanno ka hor caqliga bidi jireen waxa ay yidhaahdeen.

Aan ku horayno horta sida ay u qeexeen erayga aqoon ama knowledge oo ah in uu yahay ogaal ama garasho uu qofku ka yeesho xaqiiqo, run ama dhacdo, iyada oo uu haysto daliilo ama cadaymo uu ku garanayo. Waxa aanay ku sharaxaan laan la yidhaahdo Epistemology oo qayb ka ah falsafadda, taasi oo daraasaysa ama ka jawaabta su’aalo ay ka mid yihiin:-
• Waa maxay aqooni?
• Sidee loo helaa aqoon?
• Goorma ayay noqotaa aqoontu mid la isku haleyn karo ama sax ah?
• Maxaa ay kaga duwan tahay rumaysashada, aaminaada (belief) ama se ra’yi?

Aynu ku horayno ninkii Plato ahaa oo noolaa (427–347 Nebi Ciise hortii CS) ahaana faylasuuf Giriig ah , ahaana faylasuufkii ugu horreeyay ee u baxa in uu si nidaamsan u qeexa aqoonta 2300 sanno ka hor maanta oo wuxuu ku sheegay in ay aqoontu tahay uun “Justified , True, and Belief†(JTB), oo macnaheedu yahay uun :
In qof uu “wax†aqoon buuxda u leeyahay haddii oo kaliya oo saddex shardi buuxsamaan, seddexdaasi oo uu yidhi waa:-
1.Rumayn, ama aaminaad (Belief): oo ku sharaxay in qofku rumeysan yahay waxaasi.
2.Run (Truth): In waxa uu rumeysan yahay ay dhab ahaantii run yihiin.
3.Caddayn (Justification): Waa in uu haysto daliil ama sabab macquul ah oo taageeraysa rumaysashadiisaasi.

Tusaale ahaan waxa uu yidhi†haddii uu qof yiraahdo “Cadceedu way ka weyn tahay dhulkaâ€, waa in uu awal aaminsan yahay taasi, waana in ay dhab ahaan run u tahay, waana in uu hayo daliil uu ku caddayn karo taasi. Markaasi ayaa baa la odhan karaa ninkaasi waxaasi aqoon buu u leeyahay ayuu yidhi odaygaasi waagaa.
Markay halkaasi maraysay ayuu haddaba naf kale oo imtixaan ahayd oo Gettier la odhan jiray ka daba qaadatay oo yidhi , sedexdaasi uu sheegay hadayna ku jirin RELAIBILATY (la isku halayn karo), aqoontaa Pluto sheegay wey dhantaalantahay. Sidii baana Justification kii loogu ladhay (reliable process) lagu kalsoonaan karo.

Halkaa maxaa kaaga baxay, haa heey dee waa taan u socday oo waa Aaminaadii (Belief).
Tusaale yar oo kooban aan kuugu ladho si aan kuugu soo dhoweeyee, bal waxaad ka soo qaadaa (indhaha isku yara qabo oo) in adiga oo aan weligaa DAB arag, oo aan maqalna, aan kuu imaado oo aan ku idhaahdo “ Hebel waxa jira wax yar oo iftiin leh oo haddana kulul oo haddii u uku taabtana xanuun kulul oo lagu gubto†Miyaad rumaysan lahayd? Waayo?

Waan sii waday oo intaan dabkii shiday ayaan ku idhi, “ Waa taan kuu sheegay oo waa lagu gubtaa ee ha taaban dhimbiilahaa dabka ah oo ha u dhowaan†Miyaad aamini lahayd mise shantaad la geli lahayd? Waayo?
Waa yahay
ÙˆÙŽØ¥ÙÙ†ÙŽÙ‘ Ù„ÙŽÙƒÙمْ ÙÙÙŠ Ø§Ù„Ù’Ø£ÙŽÙ†Ù’Ø¹ÙŽØ§Ù…Ù Ù„ÙŽØ¹ÙØ¨Ù’رَةً Û– Ù†ÙّسْقÙيكÙÙ… Ù…Ùّمَّا ÙÙÙŠ Ø¨ÙØ·ÙونÙÙ‡Ù Ù…ÙÙ† بَيْن٠Ùَرْث٠وَدَم٠لَّبَنًا Ø®ÙŽØ§Ù„ÙØµÙ‹Ø§ Ø³ÙŽØ§Ø¦ÙØºÙ‹Ø§ Ù„ÙÙ‘Ù„Ø´ÙŽÙ‘Ø§Ø±ÙØ¨Ùينَ
(Surah Al Naxal aayada 66)

Saca madow, ka cas , ka cad iyo neef kasta Caanihiisan dhayda ah ee aynu cabno iyo halkay soo maraan ee Alle subxaanahu watacaalaa uu inaga dhansiiyo ayay aayadu tilmaamaysaa. Halka aan u socdo ma is qabadsiisay iminka haddaba.. haa heey.
Aad baynu kelmada aqoonyahan u isticmaalnaa ee waa kan nuxurkii qormadaydu ye, keligaa seddexdan su’aalood isweydii , walaahi waa kuu dan e oo hadaad jawaab u waydid ama aad adigu is qancin kari waydid dib iskugu noqo.
Si dhab ah isku waydii:
1. Marka qof aad la hadlaysid, u waramaysid, amaba aad shir kula jirtid, ee aad labadiina oo keliya isku tihiin Intee in leeg ayay maskaxdaada iyo ogaalkaagu qofkaa u soo jeedaa oo aad miyir iyo maanba la joogtaa?.
2. Marka aad alle hor joogtid ee aad salaada tukanaysid intee inleeg ayaad ogtahay in aad Alle la hadlaysid oo Allena uu kuu jawaabayo oo uu kula hadlayo?.
3. Dhar ama lebis iyo bilic caynkee ah ayaad kula kulantaa qofka aad shirka la leedahay, haddii uu wasiir ama madaxweyne yahayna ka waran?.
4. Mar kale marka aad keligaa tahay ee aad gurigaaga keligaa ku tukunaysid dhar sidee u bilicsan ayaad Alle la hor is taagtaa?.
Wuxuba, aqoonta aynu maanta layl ka hadlaynayba waa intan un haddaba . maalinta aad intan fahantid ayuun baad aqoonyahan tahay oo dhab ah.

Gunaanadkii, Aqoontu waa garashada Alle iyo abuurtiisa. Ka dibna doorashada adigaa yeelayana oo ama xaqiiqdii adigoo arkaya ka kibraya oo buug buug sita noqnaya ama Alle xaqiisa siinaya oo aqoonyahan dhab ah noqonaya.
Ilaahay baa og .
Wa bilaahi towfiiq.
Qalinkii: Maxamed Yuusuf Bidhiidh Badda.

COMMENTS