Xildhibaanad ka Mid ah Baarlamaanka Somaliya Oo ku Geeriyootay Dalka Idia.
September 8, 2016 - Written by

Xildhibaanad ka Mid ah Baarlamaanka Somaliya Oo maanta ku Geeriyootay Dalka Idia.

Muqdisho(GLN)_Marwo Faaduma Nuur Maxamed oo ka mid  ahayd Baarlamaanka Somaliya, ayaa maanta ku geeriyootay Dalka India, xilli ay arrimo caafimaad u joogtay halkaasi.

Marwo Faaduma Nuur Maxamed, ayaa muddooyinkii ugu dambeysay ku xanuunsaneysay dalka  India, iyadoo ugu dambeena  maanta oo Khamiis ah  geeriyootay.

Marwo Qaali Axmed Diiriye, Gudoomiye Ku Xigeenka Guddiga Haweenka ee Baarlamaanka Somaliya, ayaa waxay xaqiijisay geerida naxdinta leh ee ku timid Marwo Faaduma Nuur Maxamed.

Waxay kaloo xaqiijisay in muddooyinkan dambe ay ku xanuunsaneysay India, saacadihii ugu dambeeyayna ay ugu geeriyootay xanuunkii ay la tacaaleysay.

Qaali Axmed Diiriye, ayaa Warbaahinta u sheegtay in marxuumadda ay ka mid ahayd dumarka ku jira Baarlamaanka Somaliya, kuwooda ugu fir fircoon, marka ay noqoto hawlaha Baarlamaanka.

Marwo Qaali, ayaa ka tacsiyadeysay geerida Faaduma Nuur Maxamed, iyadoo si gaar ihi tacsi ugu dirtay qoyskii iyo qaraabadii ay ka baxday marxuumadda.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Somaliya, Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, ayaa sidoo kale ka tacsiyadeeyay geerida ku timid haweeneyda ka tirsaneyd Baarlamaanka.

COMMENTS