Raysal wasaaraha Dalka Jarmalka oo qaabishay dhigeeda Shiinaha.
June 1, 2017 - Written by

Ra’isal wasaaraha Shiinaha, Li Keqiang, ayaa ra’isal wasaaraha Jarmalka, Angela Merkel, si heer sare ah ugu soo dhawaysay magaalada Berlin waxaana lagu qaabilay maamuus milatari oo buuxa.

Ajendayaasha ay ka wada hadli doonaan ayaa la filayaa in ay ugu horrayn doonaan isbedelka cimilada iyo ganacsiga.

Li waa masuulkii labaad ee sare ee ka socda qaaradda Aasiya ee maalmo gudahood Barlin wadahadallo kula yeesha masuuliyiinta Jarmalka, waxaana ka horeeyey ra’isal wasaaraha India, Narendra Modi, oo salaasadii la kulmay Angela Merkel.

Kulamadan hogaamiyeyaasha Aasiya ay Merkel la yeelatay waxay ku soo beegmayaan iyadoo xidhiidhka ay la leedahay Trump yara cakirmay, sababna ay u tahay aragtida uu ka qabo isbedelka cimilada.

Li waxa kale oo uu maalinta Khamiista ah booqasho ku tagi doonaa magaalada Brussels si uu kulamo ula yeesho madaxda Midowga Yurub oo la filayo in ay soo wada saari doonaan bayaan wada jir ah oo ku aadan hirgalinta heshiiska isbedelka cimilada ee Paris.

Sources;Bbcsomali

COMMENTS