Weerar dad lagu dilay oo xalay ka dhacay magaalada London
June 4, 2017 - Written by

Weeraro Mindi iyo baabuur loo adeegsaday ayaa xalay ka dhacay magaalada London, kaasoo lagu dilay illaa lix ruux, halka 30 ruux kalena lagu dhaawacay.

Booliska Ingiriiska ayaa xaqiijiyay in weerarada ay ka kala dhaceen buundada mashquulka badan ee magaalada London iyo goob aan ka fogeyn.

Rag ku hubeysan mindiyo ayaa ka dambeeyay weerarkan, iyagoo dad rayid ah ku mindeeyay meel ku dhow buundada London.

Xaalada magaalada London ayaa aheyd mid argagax iyo cabsi ah, iyadoo dadka ay ka cararayeen waddooyinka.

Raโ€™iisul Wasaaraha Britain Theresa May ayaa sheegtay in weerarkan ay u tixgelin doonaan mid argagixiso, iyadoo sare loo qaaday heerka feejignaanta.

 

Bishii la soo dhaafay ayay aheyd markii weerar ismiidaamin ah uu ka dhacay goob masraxiyad ah oo ku taala magaalada Manchester, kaasoo lagu dilay illaa 22 ruux.

COMMENTS