War Deg Deg ah;Gaadhi ciidan oo miino kula qaraxday duleedka degmada Balcad Ee Maamul goboleedka Hirshabeelle.
June 6, 2017 - Written by

Wararka ka imaanaya degmada Balcad ee gobolka Sh/dhexe ayaa sheegaya in gaari nooca ciidamada ee loo yaqaan Cabdi Bilaha ay miino kula qarxday duleedka magaalada Balcad, iyadoo hal askari uu ku dhintey, qaar kalana ay ku dhaawacmeen.

Miinadan ayaa la sheegay in ay ahayd kuwo dhulka lagu aaso waxaana gaariga ciidamada ah ee lagu qarxiyay uu ahaa ciidamo galbinayay wafdi ka socday dowlada federalka oo ku sii jeeday magaalada Jowhar ee xarunta dowlad goboleedka Hirshabeelle.

Wararka qaar ayaa sheegaya in qaraxa lala beegsaday kolonyo galbineysay wafdi isugu jiray wasiiro ka tirsan maamulka Hirshabeelle iyo wafdi ka socday dowladda Federaalka.

Weerarada qaraxyada ayaa ku soo kordhaya gobolka Sh/dhexe, waxana qaraxan uu noqonayaa kii ย labaad ee ka dhaca wadada laamiga ah ee isku xirta magaalada Jowhar iyo caasimada dalka ee Muqdisho.

Maalintii shalay ayay aheyd markii qarax miino lala eegtay gaari dagaal oo ay la socdeen ciidamo duleedka magaalada Jowhar.

COMMENTS