Cuqaasha Beelaha Muuse Abokor Ee Arab Oo Iclaamiyey Shir Shirweyne ay Kaga Tashannayaan Masiirkoodda Siyaasaddeed.
June 7, 2017 - Written by

Hargeisa(GLN)_Cuqaasha beesha Muuse Abokor oo ka mida beelaha waa weyn ee Arab, ayaa markii ugu horraysay daboolka ka qaadday Shaacinta Shirweyne ay qabsannayaan, iyaddoo ay shirkaas iskugu iman doonnaan dhammaan-ba beelaha waa wayn Muuse Abokor ee dalka iyo dibaddaba ku sugan.

Cuqaasha beelaha Muuse Abokor ee Arab, ayaa baqaan koobban oo ay soo saarreen waxa ay ku Iclaamiyeen Shirweyne dhinacyo badan khuseeya oo beelaha Muuse Obokor iskugu iman doonnaan 6-da bisha Ausgust ee foodda innagu soo haysa, kaasoo ay sheegeen inay kaga tashan doonnaan Masiirkoodda siyaasaddeed, iyaddoo Aqoonyahanka, Waxgaradka, Dhalinyaradda, Madaxdhaqmeedka, Culimo awdiinka, iyo Haweenkuba ay Shirkaas diirrada ku saari doonnaan Xaaladda siyaasaddeed Somaliland

ku jirto wakhtigan, iyagoo tilmaamay inay xaq u leeyihiin inay dib u eeggis ku sameeyaan oo goโ€™aamiyaan Masiirkoodda Siyaasaddeed iyo Xaaladdaha ku xeeran inay wax iska waydiiyaan oo talo midddaysan laga yeesho.

Waxa kale, oo Cuqaashaasi ay shaaciyeen in qabashadda Shirkaas ee 6-da Ausgust loo saaray guddi qaban-qaabo oo soo diyaarisa hawlaha hirgelinta Shirweynahaas aayo ka tashiga ah ee ay iskugu imanayaan beelaha waa wayn ee Muuse Abokor oo ka mida beelaha ugu baaxadda weyn, isla markaanna ugu saamaynta badan ee beelaha Arab. FadlanXubnaha Cuqaasha beelaha Muuse Abokor ee Arab waxa ay sheegeen in Shirkaasi uu ka furmi doonno Beerta Ilma Warsame Dhabar-weyne oo ku taalla deegaanka Uubbaale ee Koonfurta Caasimadda Hargeisa.

Cuqaasha Bayaankan soo saartay waxay kala:-

Chief Caaqil Baashe Cismaan Yuusuf,

Caaqil Maxamed Xaashi Axmed,

Caaqil Siciid Cabdi Jaamac,

Caaqil Aadan Axmed Cabdi,

Caaqil Halac,

Chief Caaqil Cadaawe,

Caaqil Cabdi Saleebaan Cilmi

Caaqil Cismaan Cabdillaahi Cali

 

COMMENTS