Madaxweynaha Somaliland Oo Maalmaha Soo Socda Lagu Wado In U Dhoofo Imaaraadka Carabta.
June 7, 2017 - Written by

Hargeisa(GLN)_Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilanyo ayaa

la filayaa in maalmaha soo socda uu safar ugu baxo dalka Imaraadka Carabta sida ilo xog ogaal ahi u xaqiijiyeen wargeyska Geeska Africa Ee ka Soo Baxa Magalada Hargeisa.

 

Warkan ayaa sheegaya in safarka madaxweyne Siilanyo ee Imaaradka Carabtu uu yahay mid isaga u gaar ah isla markaana waxaa uu dalka madaxweyne Siilanyo ku soo laaban doonaa inta aanay dhamaanin bisha Ramadaan .

Madaxweyne Siilanyo ayaa safarkii ugu danbeeyey ee uu dalka kaga dhoofo waxaa uu ka soo laabtey horaanii bishii March ee sanadkan isaga oo dalka Ingiriiska ku tagey socdaal u gaar ah

Safarkan Madaxweynaha Somaliland ayaa ku Soo Beegmaaya Xili ay Deegaano ka Tirsan Somaliland ka Jirto Xaalad adag Oo ah Shuban biyood

Source:- Geeska

COMMENTS