Gudoomiye Ku Xigeenkii Garabka Dhalinyarada Heer Qaran Ee Xisbiga WADDANI Oo Si Casishay.
September 9, 2016 - Written by

Gudoomiye Ku Xigeenkii Garabka Dhalinyarada Heer Qaran Ee Xisbiga WADDANI Oo  maanta  Si Casishay.

fddddHargeysa(GLN)_Gudoomiye ku Xigeenkii Garabka Dhalinyarada Heer Qaran ee xisbiga waddani  Marwo Saynab Axmed Cali ayaa  maanta sheegtay in ay iska casishay Xilkii ay ka haysay Xisbiga WADDANI, Iyadoo intaas-na ku dartay in ay Xubinimadii Xisbigana ay kala noqotay sida ay hadalka u dhigtay .

Is casiladda marwo saynab  ayaa imanaysa ka dib markii todobaad ka hor sidan oo kale ay isku casileen Gudoomiyayaashi Degmooyinka Maxamed Mooge, Maxamuud Haybe Iyo Salaxley Ee Xisbigaasi WADDANI u malalaayey degmooyinka. .

Sidoo kale Waxaa xusid Mudan in Masuulkan hadda is casishay ay sii ahayd ku Simaha Gudoomiyaha Garabka Dhalinyarada Heer Qaran Ee Xisbigaasi, iyadoo Gudoomiyihii Garabka Dhalinyarada Heer Qaran Ee Xisbigaasi uu hore isna isu cassilay .

Is Casilaaddan Saynab Axmed Cali ayaa ku soo beegantay Markii Maanta Xilka Gudoomiyaha Garabka Dhalinyarada Loo Magacaabay Maxamed Sidiiq Damme oo hore u ahaa, Af-hayeenkii Garabka Dhalinyarada, waxaana suurtagal ah in Magacaabista Maxamed Sidiiq Dhamme ay Sameen ku leedahay Is Casilaadda Saynab Axmed Cali oo ahayd Gudoomiye ku Xigeenkii Garabka Dhalinyarada, Maadaama ay isku beegantay Magacaabista Dhamme iyo Is Casilaadda Saynab Axmed Cali .

Sikastaba ha ahaate marwo saynab axmed cali ayaan wax faafaahin ah ka bixi is casiladeda iyada oo maalmihi ugu danbeyey gudoomiyaha xisbiga waddani  u waday  magacaabis kala duwan.

COMMENTS