Raysal Wasaaraha Dalka Ingiriiska Theresa May Oo Qorshaynaysa Inay Badasho Xeerarka Xuquuqda Aadanaha
June 7, 2017 - Written by

Ra’iisalwasaaraha Britain Theresa May ayaa sheegtay in ay baddali doonto xeerarka xuquuqda aadanaha haddii ay “hor istaagaan” wax ka qabashada dadka looga shakiyo argagixisada.
Ururka shaqaalaha ayaa sheegay “in aysan ahayn fariintii ay diri lahaayeen”.Ra’iisal wasaaruhu waxay sheegtay in ay sahli doonto in la masaafuriyo dadka looga shakiyo argagixisada “ayna ka hor istaagi doonto xorriyadda iyo dhaqdhaqaaqa kuwa halista ah hadda.

Ammaanka ayaa hadheeyay maalmihii u dambeeyay ee ol’olaha doorashada guud ka dib markii ay weerarro ka dhaceen magaalooyinka London iyo Manchester.

Xisbiyada mucaaradka ah ayaa xisbiga talada haya ku dhaliilay in uu kharashaadkii ka dhimay booliiska.

Theresa May oo ka hadlaysa weerarkii London ka dib ayaa sheegtay “dulqaadkii wuu dhamaaday” ladagaalanka argagixisadana “in wax laga baddalo uu u baahan yahay”.

Iyada oo khudbad u jeedinaysa dadka xuquuqda aadanaha u dhaqdhaqaaqa oo ku sugan magaalada Slough fiidnimadii salaasadii ayay sheegtay “in aan xabsi dambe lagu xukumi doonin kuwa dambiyo argagixiso lagu helo.

 

 

Source:-BBCsomali

 

COMMENTS