War Deg Deg ah;Xukumada Somaliland Oo ku Dhawaaqday In ay Xidhiidhkii Diblamaasiyadeed u jartay Dalka Qadar.
June 10, 2017 - Written by

Hargeisa(GLN)_Kulan ay Maanta ku Yeesheen Magalada Hargeisa Golaha Wasiirada Somaliland Oo U Hogaaminayey Madaxmeyne Axmed maxamed Maxamud Siilanyo ayaa lagaga Dooday Doorka ay Somaliland kuleedahay  Khilaafka Diblumaasiyadeed ee ka Dhex jira wadamada Khaliijka Carabta.

 

Shirkaas oo uu shir gudoominaayey Madaxweyne Siilanyo ayaa wasiirada Xukumada Somaliland Qar ka mid ah waxaay soo bandhigay qodob ku jiray ajandaha shirka oo ahaa in Somaliland Barbar istaagto dalalka Khaliijka gaar ahaan Imaraadka Carata oo wada shaqeyn wanaagsan la leh Xukumada Somaliland .

Kulan kaasi Oo  Qaatay Saacaddo badan kadib Golaha Wasiirada ayaa waxaa ay go,aan ku gaadheen in Somaliland ay xidhiidhka u jarto dalka Qadar isla markaana la safato dalalka ay hogaaminaayaan Sucuudiga Iyo Imaaradka carabta.

Shirkan Maanta Golaha Wasiirada ayaa laga Soo saaray in xukumada Somaliland ay Si Buuxda u Tageerayso Imaaraadka Carabta,ayna Hawada Somaliland isctimaali kari cid aan oglanaasho ka ahaysan xukumda somaliland.

Go,aankan Xukumada Somaliland ayaa Imanay ka dib markii Dalka Sacuudi Carabiya iyo xulafadeeda ayaa  xidhiidhka   Diblamaasiyadeed u jarto dalka Qadar.

COMMENTS