Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda Dalka Qatar Sultan bin Saad Al-Muraikhi ayaa socdaal lama filaan ah Maanta ku Tagay magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya, isagoo kulamo la leh madaxda Xukumada Soomaaliya.
Warar ayaa sheegaya in Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda Qatar u xilligan kulan la leeyahay Raysal Wasaaraha Soomaaliya.
Ilo wareedyo ayaa xaqiijinaya in Wasiiru dowlaha Qatar uu sidoo kale la kulmi doono Madaxweynaha Soomaaliya Farmaajo, si uu ugu mahad celiyo go’aanka ay qaadatay dowladda Federaalka ee ku aadan inay dhex dhexaad ka noqoto xiisada siyaasadeed ee dowladdaha Khaliijka Carabta.
Soomaaliya ayaa haatan ku dhex dhacday xaalada siyaasadeed ee Khaliijka carabta, iyadoo ay heysato labo daran mid dooro, iyadoo Qatar ay saaxib dhow la tahay shaqsiyaad ku dhow Madaxweyne maxamed cabdilaha Farmaajo, halka Sacuudigana uu ku adkeysanayo hadii aysan xidhiidhka Diblamaasiyaadeed u jarin in uusan dhaqaalihii u balan qaaday siin doonin.
Dowladda Qatar ayaa la kulmeysa cadaadis weyn, tan iyo markii xulafada uu Sacuudiga hoggaamiyo ay xidhiidhka u jareen, isla markaana la geliyay go’doomin dhanka ganacsiga, lagana xidhay hawada, badda iyo dhulka.
Dowladda Qatar ayaa hada isticmaaleysa Hawada Soomaaliya, kaddib markii wadamada Sacuudiga, Imaaraadka, Baxreyn iyo Masar ay hawada ka xidhteen
Lama oga saameynta arrintan ku yeelan karto dowladda Federaalka Soomaaliya imaatinka Wasiiru dowlaha Arrimaha dibadda Qatar, iyadoo Sacuudiga xilligan u muuqdo mid ku cadaadinaya dowladda Soomaaliya inay xidhiidhka Diblamaasiyaadeed u jarto Qatar.
Safarkan Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda Dalka Qatar ku Tagay magalada muqdisho ayaa ku soo Beegmay kadib Markii ay Shalay ku dhawaaqday Xukumada Somaliland in ay Xidhiidhka ay u Jartay Dalka Qadar ayna la Safan tahay Dalalka Sacuudiga iyo Imaaraadka.