Mid ka mid ah Ergadii Xildhibaanada ku dooratay Cadaado oo xalay lagu dilay Muqdisho
June 12, 2017 - Written by

Dilalka iyo ugaarsiga lagu haayo Ergadii Xildhibaanada ku dooratay gobolada dalka ayaa sii kordhaya, iyadoo xalay mid ka mid ah ergadii Xildhibaanada ku dooratay degmada Cadaado lagu dilay Muqdisho.

Kooxo Hubeysan ayaa xalay ku dilay Xaafada Xamar bile ee degmada Warta Nabada nin magacaabi jiray Axmed C/qaadir Xuseen, waxaa la sheegay inuu ka mid ahaa ergadii Xildhibaanada Baarlamaanka ku dooratay Cadaado.

Dilkan ayaa ahaa kii labaad oo shalay illaa xalay Muqdisho loogu geysto ergooyinka Xildhibaanada ku soo doortay Gobolada dalka.

Shalay subixii ayaa nin Ganacsade ahaa oo la sheegay inuu ka mid ahaa Ergadii Xildhibaanada ku dooratay Hirshabeelle lagu dilay Suuqa beerta ee degmada Waabari.

Inkastoo ay magaalada ka socdaan howl gallo ay wadaan ciidamada Xasilinta, isla markaana la dhigay waddooyin badan ayaa hadana waxaa sii kordhaya dilalka ka dhacaya degmooyinka Gobolka Banaadir.

Tan iyo horaantii bishan Ramadaan waxaa magaalada Muqdisho lagu dilay in ka badan toban ruux oo u badnaa ergooyinkii Xildhibaanada ku dooratay gobolada dalka.

Sources;Bbcsomali

COMMENTS